Hargeysa(ANN)Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Ururrada iyo Axsaabta Siyaasada Somaliland ayaa si wada jir ah u saxeexay Xeerka Anshaxa Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka (Code Of Conduct).Kulanka lagu saxeeyay xeerka anshaxa doorashada golayaasha
deegaanka oo maanta ka dhacay Hotelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa waxa ka qayb-galay masuuliyiinta Saddexda Xisbi qaran ee UDUB, Kulmiye Iyo UCID, halka ay Ururada Siyaasada-na ay ka soo xaadireen Xaqsoor, Rays, Wadani, Umadda, Dalsan iyo Nasiye iyo sidoo kale Ururada Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Doorashooyinka Somaliland.Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng. Ciise Yuusuf X. Maxamed (Ciise-xamari) oo Shirkaas ka hadlaya ujeedada kulankaa ayaa yidhi, “Waxaan u mahad naqayaa Xisbiyada iyo Ururada ka soo qayb-galay inay saxeexaan Xeerhoosaadka doorashadda, waxa kale oo aan mahad naq siinayaa Ururada caalamiya ah ee iyaguna inala fadhiya IRI ka mid tahay iyo kuwa kale ee inala joogaba sida Akaadamiyadda.
Xeer-hoosaadkan muhiimadiisa ugu weyni waxay tahay hab-dhaqanka ololaha Doorashadda oo ay ka mid tahay in loo sinaado Warbaahinta Dawladda, ta madaxbanaan Warbaabinta kale lafteeda in si cadaalad ah ay u ogolaadaan xubnaha cidii wakhti ka iibsanaysa si siman inay uga iibin karto dhamaan ururadda, ama xisbiyadda, waxa ka mid ah in Hantidda iyo Gaadiidka dawladda in aan cidna si gaar ah u isticmaalin waxa ka mid ah in Komishanku balan-qaaday inuu Wareegto ka soo saarayo Madaxweynaha Somaliland oo aanu shalay ka kulanay Madaxweynahu Xalay ayuu soo saaray Wareegtadaasi, Waajibka kale ee na saaran ee Xeerhoosaadkan waxa ka mid ah inuu sameeyo Guddi-hoosaad daba-gasha habsami u socdka Doorashadda” ayuu yidhi.Gudoomiyaha Komishanku.
Guddoomiyaha urur Siyaasadeedka Dalsan Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yera) oo Shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihii sexeexida xeerka anshaxa doorashada golaha deegaanka, waxaanu yidhi “ Haddii aanu nahay Ururka Dalsan waxaanu diyaar u nahay in aanu fulino dhamaan wixii shuruuc ah ee u yaala Dalka kuna dhaqano, xeerkaa anshaxa doorashada diyaar baanu u nahay in aan saxeexno”
sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin saxeexida xeerka anshaxa doorashada goleyaasha deegaanka Somaliland, isagoo yidhi, “Waxaan halkan ka cadynayaa aniga oo ka wakiil ah WADDANI in aanu diyaar u nahay oo aanu ku dhaqano Shuruucda doorashadda jamhuuryadda Somaliland, waxaanan faraynaa taageerayaashayadda inay ku dhaqmaan shuruucdaas, waxaanu faraynaa inay anshaxa iyo nabad-galyadaba ilaaliyaan. Waxa kale oo aanu diyaar u nahay in aanu la shaqayno dhamaan ururadda iyo axsaabta Somaliland, waxaanu diyaar u nahay in aanu la shaqayno Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo hay’addaha kale ee ay khusayso arrinta doorashaddu.”
Waxa kale oo munaasibadaa ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed, isagoo yidhi, “Xisbiga Kulmiye wuxuu diyaar u yahay inuu xeerkaas uu maanta halkan ku saxeexo, waxa kale oo aanu halkan ku cadaynaynaa in aanu diyaar u nahay fulinta iyo ku dhaqanka xeerka aynu halkan ku saxeexayno iyo xeerarka kale ee doorashooyinka iyo Shuruucda kale ee dalka, qoladayada xisbul xaakima ee Sharciyadan lagu xakamaynayo, waxaan u aragnaa in nalasoo eegayo, Komishanku waa kuwan halkan ka cadeeyey ururrada iyo axsaabtuna goob joog ban ka wada ahayn in looga baahan yahay Madaxweynuhu inuu saxeexo in aanay cid-na isticmaali karin hantida qaranka cida laga ilaalinayaana waa qoladda xisbul xaakimka, taana waxaanu balan-qaadaynaa in aan naloogu iman wax hanti qaran oo aanu isticmaalayno”
Sidoo kale Masuuliyiinta xisbiga UCID, Urur siyaasadeedyada UMMADA , Rays iyo Xaqsoor ayaa ka hadlay kulankaa, kuwaas oo dhamaantood sheegay inay diyaar u yihiin xeerka anashaxa doorashooyinka goleyaasha deegaanka.
Hase yeeshee Musharaxii xisbiga UDUB Cali Warancade iyo Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Nasiye ayaa sheegay inay gabi-ahaanba qaadaceen ka qayb-galka Doorashada golaha deegaanka. Cali Warancade wuxuu soo jeediyay cabsho la xidhiidha diyaargarawga hawsha doorashada. sidoo kale gudoomiyaha urur siyaasadeedka Nasiye Axmed Maxamed Cumar ayaa si wada jira u sheegay inay qaadacsan yihiin galitaanka doorashada golaha deegaanka.
Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Nasiye, wuxuu sabab uga dhigay inay qaadacaan doorashada golaha deegaanka kadib markii sida uu ku dooday ururkiisa ay dhibaato badan soo gaadheen musharaxiintiisii oo lagu kaxaystay lacag, iyaga oo lagu wargeliyey in laga bixinayo lacagta looga baahan yahay musharaxiinta, wuxuuna arintaa eedeeda dusha ka saaray xisbiga Kulmiye. Laakiin Xisbiga UDUB ayaa xalay sheegay inay gebi ahaanba ka hadheen doorashooyinka golayaasha deegaanka. kadib markii khilaaf si weyn u hadheeyay xisbigaa oo mudo soo jiitamayay sababay inuu saaxada ka baxo, halka Urur siyaasadeedka Nasiye ay maalmihii u danbeeyay ku timi fadhiidhnimo sababtay itaaldaro iyo inuu awoodi waayo dhamaystirka musharaxiinta gobolada iyo degmooyinka dalka oo maalinta Jimcaha ee beri ku dhamaanay qabashada liiska musharaxiinta laga doonayo Ururada iyo axsaabta, isla markaana ay qaar ka mid ah xogaanka Nasiye ku dhawaaqeen inay gebi ahaanba iska casilaan xubinimadii iyo xilalkii ay ka hayeen Ururkaa.