Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay MARXUUUM, XAAJI MUUSE AAYE FAARAX oo ku
geeriyooday Hargeysa 15/08/2012 laguna aasi doono 16/08/2012 xabaalaha Masalaha.Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Odayadii magaca ku lahaa halkankii iyo Suugaanta Somalilandba wuxuuna ahaa gabayaa caana.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN