Isniintii todobaadkii hore 11 Jun 2012, ayaa dablay aan la aqoonsani waaberigii tacshiirad rasaas ah la beegsadeen Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa, C/rashiid Duraan oo xiliggaa kasoo baxay masjid ku dhow gurigiisa oo ku yaal xaafada dhinaca bari ee magaalada Hargeysa, waxaana
soo gaadhay dhaawac, iyadoo saacado ka dib loo qaaday dhinaca dalka Djibouti si loogu soo daweeyo.
Dhacdadaa oo ahayd mid ku cusub Somaliland oo aan looga baran in falal sidan oo kale oo dilal qorshaysani ka dhacaan, ama lala beegsado masuuliyiinta qaranka, marka laga reebo falal kan u eeg oo dhawr iyo toban masuul lagu khaarajiyay, kuwo kalena lagu dhaawacay magaalada Laascaanood dhawrkii sanadood ee lasoo dhaafay, kuwaas oo dhamaantood lala xidhiidhiyay kooxaha argagixisada ee Somalia.
Somaliland dhacdooyinka dilalka qorshaysan ee sidan oo kale loo abaabulo waxay ku ahayd wax ay warbaahinta ka maqli jireen, kuwaas oo caan ka noqday dhinaca Somalia labaatankii sanadood ee u danbeeyay. Laakiin falkaasi wuxuu qaar baddan oo bulshada ka mid ah xusuusiyay falal dhawr sanadood ka hor xiliyo kala duwan ka dhacay Magaalooyinka Boorama, Hargeysa iyo Sheekh, kuwaas oo ahaa dilal iyo afduub qorshaysan oo lala beegsaday dad ajaanib ah oo hawlo samafal ka waday Somaliland.
Falka weerarka lagu qaaday gudoomiyihii Maxkamadda gobolka Hargeysa C/rashiid Duraan, wuxuu ahaa mid cabsi iyo naxdin ku abuuray bulshada Somaliland oo ku caana maashay labaatankii sanadood ee Somalia dagaalada, aafooyinka, shirqoolada, qaraxayada iyo ugaadhsiga hormoodka bulshadu ka socday, wuxuuna falkani kusoo beegmay, iyadoo ay warbaahinta Somaliland kusoo baxayeen dhawaaqyo ka imanayay xildhibaano, waxgarad iyo qaybaha kale ee bulshada qaarkood oo lagu canbaaraynayo go’aan kasoo baxay gudoomiyaha maxkamadda ee dhaawaca loo geystay. Kadib markii uu maalmo ka hor soo geba-gebeeyay dacwad xaasaasi ahayd oo mudo dhawr bilood ah ka socotay Maxkamadda gobolka hargeysa, taas oo la xidhiidhay saraakiil xukuumadda xilal u hayay oo lagu eedeeyay musuq-maasuq. Sidaana xukun loogu riday. Kadib markii lasoo geba-gebeeyay dacwadooda.
Hase yeeshee markii falkaasi dhacay waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur), wuxuuna sheegay inay falkaa fuliyeen laba qof, kuwaas oo ay raadkoodii hayaan, isla markaana ay xukuumad ahaan baadhis wadaan. “wuxuu ku mutaysatay xilka uu qaranka u hayo in toogasho lala beegsado, waana arrin aan lasoo dhowaynayn falkaa oo kale.
Masuuliyiinta Buun Buuninaya garsoor maxkamaddi gaadhay marka falkan oo kale dhaco, waxay muujinaysaa inuu raadkaasi yahay mid ay wax ku leeyihiin. Dadka Masuuliyiinta sheeganaya, dadka wax garadka sheeganaya iyo kuwa xilalka qaranka u haya ee buun-buuninaya masuul xilkiisii gudanaya, ama hay’ad shaqadeedii gudanay, waxay ceebtaa ku yeelanayaan raad, raad xun ayay ku yeelanayaan, ummada amnigeeda inay baabiinayaan ayay muujinaysaa oo ay doonayaan inay ummadu dib ugu laabato cawaaqib-xumo ay mudo hore ka kortay. “ sidaa waxa yidhi, Wasiir Duur oo durba falkaa u jiheeyay inuu yahay mid ka dhashay go’aanka uu garsooruhu kasoo saaray xukunka maalmo ka hor uu ku dhawaaqay
Xildhibaanada ka hadlay xukunkaa maxkamadda iyo cid kasta oo u aragtay xukunkaa mid aan cadaalad ahayn, wuxuu Wasiirku u diray fariin uu ku beegay dhacdadaa foosha xun ee gudoomiyaha maxkamadda C/rashiid Duraan lagula beegsaday weerarka, taas oo ahayd mid aan marnaba taageero looga helayn bulshada.
Hadalka wasiirka arrimaha gudaha Duur oo ahaa mid baalmarsan masuuliyada uu qaranka u hayo iyo xilka iyo waajibaadka saaran ee wasaaradda arrimaha gudaha oo miisaan weyn leh, wuxuu isugu jiray hanjabaad iyo fariin siyaabo kala duwan loo tafsiirtay, waxay dadka qaar ku micneeyeen inuu nuxur ahaan xanbaarsanaa inay ehelada uu kasoo jeedo gudoomiyaha la weeraray jawaab ka bixiyaan falkaa, kuwaas oo kaga jawaabaya ficil ay ku fuliyaan xildhibaanada, Odayaasha iyo waxgaradka uu la xidhiidhiyay falkaa foosha xun ee uu sheegay inay raad ku leeyihiin.
Dhawaaqa Wasiir Duur, wuxuu daboolka ka qaaday baaqyo, hanjabaado iyo canbaarayn xambaarsan dhiilo colaadeed oo lagaga dhawaaqay wixii maalintaa ka danbeeyay warbaahinta Somaliland, waxaana la yaab ku noqotay bulshada inay warbaahinta dawladda ka arkaan kooxo abaabulan oo sheeganaya xildhibaano, madax-dhaqameed iyo aqoonyahan, kuwaas oo u muuqday in lasoo abaaulay, isla markaana u qaabka dhawaaqoodu u jihaysnaa u muuqday inay rumaysteen sida uu falkaa ula xidhiidhiyay wasiirka arrimaha guduhu xaafad iyo cid gaar ah oo bulshada ka mid ah, sidaa awgeed ay hanjabaad, cay iyo aflagaado hawada u marinayaan xaafaddo kale.
Sidoo kalena ay kooxo kale oo sheegnaya Madaxdhaqameed soo saaraan baaqyo, ay ugu jawaabayaan kuwaa, isla markaana ku sheegayaan inaanay arrinta falkaa wax shuqul ah ku lahayn oo ay canbaaraynayaan. Sidaa awgeed ay ka xun yihiin in iyaga si gaara loola xidhiidhiyo falkaa foosha xun, kaas oo aan ilaa hada si cad xukuumaddu meel ugu tiirin, marka laga yimaado dhawaaqa wasiirka arrimaha gudaha oo dhawr maalmood ka hor markii falkaasi dhacay la xidhiidhiyay inuu sabab u yahay xukunkii kasoo baxay maxkamaddii uu gudoomiyaha ka ahaa garsooraha la dhaawacay, oo ay xukunkiisa dhaleeceeyeen xildhibaano iyo Odayaal dhaqameed dhamaantood kasoo jeeda qayb ka mid ah bulshada.
Talaabada Wasiirka Arrimaha gudaha uu falkaa cid gaara dusha uga saaray, isagoo warbaahinta kaga dhawaaqay weedho is khilaafsan saacado ka dib markii falku dhacay, isla markaana ku dooday inay hayaan raad, dadka dhaleecaynayay garsoorkuna ay raad ku yeelanayaan, waxay dad baddan xusuusiyeen dhacdooyin sidan oo kale usoo maray Somaliland 2003-2004, kuwaas oo falal argagisixo oo lala beegsaday dad ajaanib ah iyo afduubyo loo geystay saraakiil hay’addaha sama falka oo ka dhacay duleedka Hargeysa, balse wasiirkii xiliggaa ee arrimaha gudaha ismaaciil Aadan Cismaan lala xidhiidhin jiray qaybo bulshada ka mid ah inay falalkaa ka danbeeyaan, balse ay taasi meesha ka baxday markii ay koox dablay ahi afduub iyo dil ugu geystay duleedka Hargeysa ee Tuulada Dhubato saraakiil ka socday hay’ad samo fal, kuwaas oo ay qorshohoodii fashiliyeen bulshadii wasiirku u aanaynayay inay falkaa ka danbeeyeen oo deegaankooda kusoo qabtay kooxdii hawlgalkaa qorshaysnaa fulisay, taas oo soo afjartay dhacdooyinkii shirqoolada ahaa ee mudooyinkaa ka socday Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee Dhawaaqyada abaabulan oo u muuqda, kuwo meesha ka saaraya nidaamka dawliga ah, isla markaana horseedi kara fidno iyo fad qalalo galaafta qaranimada, amaanka iyo xasiloonida Somaliland, waxay u muuqdaan kuwo si gaara dabada looga riixayo oo kasoo baxaya ilo aan ehel u ahayn jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, waxayna dad badani is weydiinayaan sababta ay xaafado isugu marinayaan hanajabaado iyo eedo dhagaraysan warbaahinta dawladda, ujeedada ka danbaysa iyo waxyaabaha ay horseedka u yihin dhawaaqyada fidinada shidaya ee xajiinta lihi, iyadoo dhawaaqyadani muujiyeen inuu meesha ka baxay nidaamkii dawliga ahaa iyo kala danbayntii. Sidaa awgeed waxa la gudboon wasiirka arrimaha gudaha inuu shaqeeyo damiirku oo uu iska casilo xilka culus iyo masuuliyada qaranka loogu dhiibay ee uu la ciir ciirayo. Ka hor inta aanay xukuumadda uu ka tirsan yahay dib u qiimayn mudadii uu xilka hayay iyo raadadka jawaabaha iyo ficilada uu sameeyay ee u muuqda kuwo horseed u ah inay galaaftaan qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com