Hargeysa(ANN)Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa C/rashiid Maxamuud Duraan,oo  koox dablay aan la aqoonsan saaka waaberigii la beegsadeen tacshiirad rasaas ah, ayaa dhaawaciisa loola carary dhinaca dalka Djibouti.

Garsooraha oo dhaawac kasoo gaadhay daanka. Kadib markii isagoo kasoo baxay salaadii subax dablay aan la aqoonsani ku weerareen meel u dhow gurigiisa oo ku yaal magaalada Hargeysa. Waxaana saaka la geeyay Cusbitaalka gaarka loo leeyahay ee Gar-gaar, iyadoo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) duhurkii intii aan la qaadin Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku booqday cisbitaalka Gar-gaar ee magaaladda Hargeysa, isagoo  Illaahay  uga baryay inuu shaafiyo, waxaanu sheegay inuu aad uga xun yahay falkan waxshinimadda ah ee lagu dhaawacay xili uu ka soo baxay masaajidka salaadii subax.
Dhinaca kale dhacdadan waxa maanta ka hadlay Wasiirka wasaarada arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), isagoo maanta mar uu warbaahinta la hadlayay sheegay In Gudoomiyaha maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Rashiid Durraan, Laba nin oo hubaysani ay soo weerareen waaberigii saaka ka dibna ay toogteen dhaawacna ay u gaysteen.
Wasiirku wuxuu xusay in falkani uu yahay mid dhibkiisa iyo fool-xumadiisaba leh oo uu tilmaamay fal ay ka amakaageen xukuumad iyo shacabba,in masuul qaran sababta xilka uu qaranka u hayo darteed lagu waxyeeleeyo, wuxuuna intaa ku daray in Dhaawaca soo gaadhay Gudoomiyaha uu yahay dhaawac aad u sah-lan,oo kasoo gaadhay hal xabbo ku dhacday, isla markaana meel sah-lan kaga dhacday.waxaana uu illaahay uga baryay inuu caafimaad degdeg ah siiyo.
Wasiirka  oo ka hadlayey cidda falkan fulisay waxa uu sheegay, in sida ay warka ku hayaan ay laba qof oo hubaysani fuliyeen weerarkaas lagula kacay gudoomiyaha maxkamada gobalka maroodijeex Rashiid Duraan, raadkoodiina la hayo,baadhistiina ay haatan socoto.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Duur, waxa uu shacabka u jeediyay in ammaanka iyo nabad-gelyadu ay yihiin Dallad la wada hadhsanayo, Somaliland-na ay ku caana maashay.  Sidaa awgeed waxa uu Bulshada ku booriyay in wixii dhaca Loo daayo lagana dhawro natiijadiisa hay’addaha amniga.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Maxamakadda gobolka hargeysa, ayaa ahaa garsoorihii ku dhawaaqay xukunkii dhowaan lagu riday saraakiil xukuumadda ka tirsnaa oo lagu eedeeyay inay musuq-maasuqeen raashin macaawimo ah oo loo waday dad danyar ah, wuuuna falkani noqonayaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca Somaliland ee sidan oo kale tacshiirad lala beegsado garsoore makamaddeed.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *