images/stories/dr. m. abdi gabose.png Hargeysa (ANN) Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ayaa ka hadlay tallaabada u horraysa ee uu qaadayo, xaalada dalka iyo sida uu ka yeelayo shaqadiisi dhakhtarnimo. Sidoo kale waxa uu ka hadlay isu-soo-baxyo ilaa dorraad ka dhacay magaalooyinka Borama iyo Hargeysa, kuwaas oo lagaga horjeeday nidaamka magacaabista xukuumadda cusub.Wasiirka cusub waxa kaloo uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha guddiyada nabadgelyada ee dalka oo farta lagu fiiqo inuu ahaa ninkii sameeyay xiligii uu wasiirka arrimaha gudaha ahaa 1997 dawladii marxuum Cigaal, kuwaas oo dadka
xukuma iyaga oo aan Maxkamad marinin, Balse madaxweynaha cusub axmed siilaanyo jiritaankooda laalay markii uu xilka la wareegay.
Dr. wuxuu dedafeeyay in uu isagu sameeyay gudiyada nabadgelyada ee muwaadiniinta lagu cabudhin jiray ilaa waqtigii marxuum Cigaal, “Xaqiiqdii miiska ayaan ugu imi isaga oo shaqaynaya, duruufo dagaal ayaa wakhtigaa Somaliland ka jiray, kuwaas ayaa malaha dhaliyay.
Markaa wax shaqo ah oo aan ku lahaa ma jirin (samayntooda), kuwii iga dambeeyayna wax shaqo ah oo ay ku lahaayeen ma jirto abuurtistooda. Waxa loo dhaliilayayna waxay ahayd shaqada ha la mariyo dariiqa sharciga ah oo qofka dambiilaha dastuurku xaq buu u siinayaa in maxkamad la horgeeyo, waxaanu sharcigu diidan yahay in iyada oo aan maxkamad la horgeyn la xukumo. Sidaa darteed, anaga Qaran ah ama Xisbiga KULMIYE ah waanu ka soo horjeednaa, waananu ugu hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub in uu tallaabadii u horraysay ee uu qaaday ay ka mid tahay laalistoodu” ayuu yidhi wasiirka oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA.
Mar wasiirka la waydiiyay tallaabada u horraysa ee uu wasiir ahaan qaadayo, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Xisbi ahaan halgankayagu wuxuu ahaa in xaaladda dalku ku sugan yahay ay ahayd xaalad aad u hoosaysa, waxaanu barnaamijkaa u samaynay in la bedelo xaaladdaas…Wasaarad walba imika waxa lagu wareejinayaa uun deyn aan la bixin. Sagxadda dalka lagaga tagay waa sagxad shaqaaluhu intaas oo bilood aanay Mushahar qaadan. Waa xaalad adag waxaanu la wareegaynaa, waxaananu rejaynaynaa in shacabkayagu nala fahmi doonaan duruufaha adag ee na hor yaala…Markaa rejo wayn baanu qabnaa, laakiin hadda way adag tahay xaaladdu.”
Wasiirka oo la waydiiiyay in uu ka fadhiisanayo shaqadii uu shacabka u hayay ee dawaynta, maadaama xil loo magacaabay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Waxa weeye, dhakhtarka ugu fariidsani tiro kooban ayuu daweeya, laakiin siyaasigu wuxuu daweeyaa malaayiin qof. Waxa aniga iyo saaxiibbadayda kaleba na soo dhaqaajiyay dareen ah in aanu dalkayaga wax u qabano..Ta kale, joojin maayo in bukaankaygii aanan dayacin oo aan wado shaqadaas, xitaa aniga oo shaqadaa qabanaya intii aan nasan lahaa wakhtigayga.”
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidha in degmooyin ka mid ah dalka ay ka jiraan xiisado iyo waxa qorshoodu yahay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Haddaan nabadgelyo jirin, nololi ma jirto, shacabkayagu waxay ka dheregsan yihiin xaaladda iyo xabbadda ka taagan dhinacyada ku xeeran. Nabadda waxa sugayay shacbigu weeye, xukuumadduna shacabiga ayay ka timi, waxaanu ka rejaynaynaa in ay u feejignaan doonaan..Waxaanu xoojinaynaa tayada sirdoonka iyo Ciidamada, waxa kale oo aanu baadigoobaynaa in aanu dawldaha jaarkayaga iyo kuwa duniduba aanu iska kaashano.”
Waxa kale oo wasiirka wax laga waydiiyay isu-soo-baxyo ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Borama oo lagaga horjeeday qaabka magacaabista xukuumadda cusub, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Waxa cabashada keenay, barnaamijka KULMMIYE wuxuu ballan qaaday dawlad yar oo tiro kooban, markii aanu ololaynayna waanu u sheegnay shacabka oo kamaanu qarin, iyana taas ayay ku doorteen KULMIYE. Madaxweynuhuna xubno umadda ka tirsan buu u xilsaaray inay ka soo talobixiyaan, iyana waxay soo jeediyeen 15 wasiir, madaxweynuhu isaga oo eegaya caqabadaha qabiil ee hor yaala, ayuu tiro ku daray..” waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi Gabboose, “Shacabku waxay xaq u leeyihiin inay cawdaan oo ay qarankooda u sheegtaan dareenkooda, waxa waajib ah oo kaliya in aanay cadowgaasi ka faa’iidaysan oo aanay noqon dariiq loogu soo gabbado inay qarankooda wax yeellaan..Qaranku wuxuu leeyahay sallaamo kala dambeeya, qarankiina wali ma dhammaan.”
Sidoo kale, waxa wasiirka la waydiiyay waxay ka yeelayaan arrinta kala xadaynta gobollada iyo degmooyinka. “Arrintaasi waa arrimaha na horyaala oo xalintooda aan la kaashanayo dadka iiga aqoonta roon ee aan wasaaradda ugu imi..” ayuu kaga jawaabay wasiirku su’aashaas.
Dhinaca kale, wasiirka oo ka hadlayay munaasibaddii xil-wareejinta, ayaa ku baaqay in aan xumaan loo arkin ololihii doorashada. “Wax alla wixii turxaan ah haba yaraadee ee loollankaa (Ololihii Doorashada) dhexdiisa ka abuurmay in laga dhigo wax shalay tagay oo aan naxli dambe iyo turxaan daba socon. Waxa idiin sheegayaa, nidaamkaa suurtogeliyey maanta Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo inuu xukunka yimaaddo iyo xukuumaddan cusub ee sidaa nabadgelyada ah u kala wareegaysa ee meeqaamkaan caalamka ku lahayn kor u qaaday, waxaan illaahay ka barayayaa inuu inoo sii kordhiyo,” Ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan idiin ballan qaadayaa aniga oo huba dareenka, in badanna afkiisa ka maqlay madaxweynaha cusub, xisbiga adkaadaa hagida siyaasada ayuu leeyahay. Laakiin shaqaaluhu aanu kala lahayn KULMIYE, UCID iyo UDUB-toona. Waxa kale oo aan illaahay ka baryayaa naxliga qabiilkana inuu iga fogeeyo.”
Wasiirka cusub ee arrimaha guduhu wuxuu sheegay in qof waliba uu xaq u yeelan doono cabbiraadda fikirkiisa oo uu xor u yahay. Mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Waxaan idiin ballan qaadayaa afkaarta siyaasadeed ee dalka ee ka imaan karta muwaadin xaq u leh inuu fikirkiisa dhiibto inay wasaaraddani noqon doonto mid aan lagu cabudhin, inaan muwaadin dambe C.I.D looga yeedhayn wax la xidhiidha siyaasad, wixii dambi ah ee uu qofka galo, shaqo kuma lihin hay’ado ayaa u qaabilsan,” waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan idiin sheegayaa afkaarta kala duwan walaw ay tahay mid aanaan anagu jeclayn waxa dhici karta in la nagaga saxsan yahay, muwaadinku afkaartaa inuu dhiibto ayaanu ku difaacaynaa, iyadoo nabadgelyada aanu aaminsanahay inaan ka xigin, iyadoo dalka aanaan ka xigin, iyadoo aanu aamisanahay lexe-jeclada inaanu u wada simanahay.”
Waxa kale oo uu wasiirku ka hadlay qorshahooda la xidhiidha mucaarad siyaasadeed oo ay waajahdo dawladda cusub ee uu ka tirsan yahay.
“Mucaaradku maaha shisheeye, mucaaradku maaha qaran-dumis, mucaaradku maaha ka wax khariba, dimuqraadiyadda caalamka laf-dhabarta dal inuu jiro oo uu saxmo waxa u ah inuu mucaarad xilkas ahi uu jiro. Waxaanu ballan qaadaynaa inaanu kobcino oo aanu dhisno mucaarad waxkas ahi inuu dalkeena ka dhismo. Mar haddaan la kala lahayn ummada iyo dalka oo waxa aynu ku kala duwanahay ay tahay oo keliya afkaar maamul, afkaar haggis, bani’aadam baanu nahay waanu khaldami karnaa,” ayuu yidhi wasiirku.
Dr. Gabboose wuxuu ka hadlay xorriyadda warbaahinta, waxaanu halkaa uga jeediyay talo. “Saxaafaddu waa xor, waa tiirarka dal ku joogo, isbadelkaasi inuu yimaado. Waad ogtihiin doorka ay ka qaateen inay siday wax uga sheegeen meelaha ay wax ka jiri karaan, hadday isku keen dirayaan waxa dhici lahayd sida dawladaha qaarkood inaynu madaxa isla gali lahayn, haddaanay si masuuliyada u dhaqmin. Waxaan ka codsanayaa iyaga oo xor ah inay damiirkooda ilaashadaan ee aanay shaqsi-nacayb iyo wax-ku-raadsi gaar inaanay haybadda ay haystaan u isticmaalin.”
Waxa kale oo uu wasiirku talo u jeediyay shacabka, mar uu arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi, “Nabadgelyada, waxaan shacbiga u sheegayaa, waxaynu ku dhex nool nahay mandaqad aad iyo aad xasaasi u ah, waxaan idinka rejaynaynaa sidii horeba aad nabadgelyada uga shaqaynayseen inaad imikana sii xoojisaan feejignaantiina.”
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com