Berbera(ANN)Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi, Cumar, ayaa sheegay in Urur goboleedka IGAD u ogolaaday Somaliland inay xubin sharafeed ka noqoto Ururkaa, taas oo uu ku tilmaamay guul siyaasadeed oo usoo

 

hoyatay Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi oo maanta ka soo degay madaarka Berbera, isagoo kasoo laabtay socdaal shaqo oo uu ku tagay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa saxaafadda ugu waramayay socdaalkiisa, wuxuuna xukuumadda Djibouti  uga mahad celiyay gacan uu sheegay inay  ka geysatay sidii  Somaliland xubin sharafeed uga  noqon lahayd urur-goboleedka IGAD.
“Urur Goboleedka IGAD waxa uu Somaliland u ogolaaday inay xubin sharafeed ka noqdaan Ururka.  Arrintaa waxaan  uga mahad-celinaynaa dawlada Djibouti oo ka shaqeysay sidii IGAD Somaliland u siin lahayd xubin sharafeed,  waxaan rajeynayaa inay dhawaan xubintaasi bilaabi doonto shaqadeedii oo ay fadhiisan doonto xarunta guud ee Ururka IGAD.”

Wasiirku wuxuu sheegay inay maalinta bari wefti afar wasiir ka kooban oo uu hoggaaminayaa ay u socdaali doonaan dalka Turkiga si ay uga qeyb galaan shirka dawladda Turkigu u qabanayso Soomaalida oo ay Somaliland ka qeyb geli doonto kulanka wajiga hore ee qorshaysan inuu 31-ka bishan furmo.
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland oo ka bixiyay sharaxaad socdaalkiisa uu kaga soo laabtay Dalka maraykanka,  waxa uu sheegay inuu Maraykanka kaga qeyb galay shirweyne lagaga hadlayay qadiyadda Somaliland iyo horumarinteeda iyo  sidoo kale xuskii munaasibadda 18-ka May ee 21 guuraddii ka soo wareegtay madax-banaanida Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *