Muqdisho(ANN)Odoyaasha madaxdhaqameedka ahaa ee ku shirayay mudooyinkii u danbeeyay magaalada Muqdisho, ayaa maanta si kedis ah looga qaaday magaalada Muqdisho, kuwaas Diyaaradda Turkish Airweys lagu daabulay, iyagoo aan dhamaystirin qorshihii la doonayay inay kusoo

 

xulaan ergooyinka ansixinaya Dastuurka Somalia loo sameeyay. 
Odayaashaa oo tiradadoodu ahayd 135,  isla markaana ay weheliyaan xubno badan oo ka socday  ururada bulshada Rayidka ah iyo hay’addaha dowladda.ayaa manta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda waddanka Turkiga oo ay ka heleen casuumaad rasmi ah.
Hase yeeshee Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda taagta daran ee Somalia oo uu ka mid yahay ku simaha R/wasaaraha, isla markaana ah,  Wasiirka ganacsiga iyo Wershaddaha, C/wahaab Ugaas Xuseen oo  garoonka diyaaraadaha kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aanay xukuumad ahaan waxba kala socon sababta ay dawladda Turkigu ugu yeedhay Odayaasha iyo waxa lagala hadlayo
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud, ayaa sheegay in aanay waxba kala socon casuumada dawladda Turkiga ee  Odoyaasha dhaqanka iyo xubnaha  kale ee ururada Bulshada rayidka ah, balse ay ku war heleen iyadoo la qaadayo oo la saaray Diyaaradda Turkish Airweys oo dhowaan bilawday duulimaadkeeda Muqdisho.
Shirka Odayaasha dhaqanka ee ka socday Muqdisho mudooyinkii u danbeeyay ayaa caqabado baddan la kulmay, iyadoo ay qaybo ka mid ah Odayaasha markii hore ka qaybgalay ka baxeen. Kadib markii ay soo baxeen caqabado hadheeyay qorshaha la doonayo in lagu meel mariyo ee ergooyinka ansixinaya dastuurka cusub, kaas oo muran iyo khilaaf weyn oo aan xal loo helin uu ka taagan yahay. Sidoo kalena waxa shirkaa Odayaasha ay todobaadyadii u danbeeyay masuuliyiinta xukuumadda taagata daran ee Sh. Shariif sheegeen inuu ku dhowyahay inuu burburo. Ka hor inta aan la meel maerin ujeedadii laga lahaa, iyadoo ay beesha caalamka oo dhinaca dhaqaallaha ka taageeraysay gamcaha ka laabtay, isla markaana ku kala qaybsantay qorshaha cusub ee Somalia iyo sida laga yeelayo haddii ay suurta gal noqon weydo in August 2012, lasoo dhiso dawlad cusub oo bedesha xukuumadda waqtigeedu gabaabsiga yahay ee taagta daran.
Dhinaca kale talaabada dawladda Turkia ee qorshaha lagu daabulay Odayaasha dhaqanka iyo xubnaha Ururada Bulshada oo aanay waxba kala socon xukuumadda Sh. Shraiif, ayaa dareen iyo su’aalo ka abuurtay bulshada Soomaalida. Iyadoo ay dawladda Turkigu qorshaynay inay shir ugu qabato Soomaalida dalkeeda marka la gaadho buisha soo socota, isla markaana ay Turkigu hada usoo tafa-xaydatay inay noqoto wadanka loo daba fadhiisto siyaasada Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *