Iyadoo ay jirto cabsidaa wuxuu KULMIYE qabtay shirkiisii golaha dhexe 15 April 2012, kaas oo mudo laba maalmood ah ka socday Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Kulmiye oo lagu majeeran jiray xiliggii uu mudada dheer ahaa Mucaaradka
Dumuqraadiyad mararka qaar lagu tilmaami jiray Dumuqraadiyadii Giriiga oo qarniyadii hore, isla markaana awood iyo baaxad balaadhan ku lahaa gudaha iyo debeda, ayaa wax badani iska bedeleen muuqaal ahaan iyo dhaqan ahaan markii uu noqday xisbul xaakin ee uu ku guulaystay doorashii Madaxtooyada Somaliland 26 Jun 2012, ku dhowaad laba sanadood ka hor.
Markii uu Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa xabagta isu haysa xisbiga Kulmiye mudada dheer ee uu mucaaradka ahaa soo dhisay dawladiisa, waxa uu meesha ka saaray inay saraakiishii iyo masuuliyiintii xisbiga qayb ka noqdaan dhismaha xukuumaddiisa, isagoo debeda kasoo dhisay xukuumaddiisa, taas oo keentay inay kooxo, siyaasiyiin, shaqsiyaad aqoonyahan ah iyo dad baddan oo ku midaysnaa oo keliya magaca Kulmiye, isla markaana tiirka isu hayaa ahaa Axmed Siilaanyo dib u faagtaan. Markii ay iska waayeen xilalkii dawladda cusub.
Kooxahaa iyo ashqaastaa oo haddii aanu Madaxweyne Siilaanyo waqtigaa hogaaminayn xisbigaa aan waxba ka dhexeeyeen, ayaa qaarkood rumaysan waayeen inay iska waayaan liiska xilalka dawladda cusub iyo mansabyada quluubtooda ka guuxayay mudada dheer, iyadoo markii guusha la gaadhay qof walba hungurigiisa iyo hankiisa jeebka kala soo baxay. Laakiin ay la yaab ku noqotay sida wax isu bedeleen iyo qorshaha uu Madaxweyne Siilaanyo kala soo baxay jeebka oo muujiyay inaanu jirin qorshe xisbi ahaan uu Kulmiye hore ugu shaxaystay qaabka ay noqonay dawladda ay dhisayaan marka la gaadho guusha, balse ay taasi ahayd oo keliya qaraar iyo qorshe Gudoomiyahooda oo keliya jeebka ugu jira oo aan cidna la ogayn, waana sababta keentay inay qaar baddan oo ka mid ah raggii xisbigaa u soo halgamay ku qanciwaayaan qaabka uu Madaxweyne Siilaanyo keligii u maamulay guushii xisbiga ee doorashada madaxtooyada.
Talaabada kale ee iyana saamaynta ku yeelatay mustaqbalka xisbigaa iyo awoodiisa ayaa ahayd markii maalmo ka dib uu Madaxweyne Siilaanyo gudoomiyihii xisbiga ku wareejiyay gudoomiye xigeenkiisii. Inaksta oo ay tani ahayd arrin heshiis lagu gaadhay shirkii Burco. Ka hor intaan la gaadhin guusha madaxtooyada, haddana waxay abuurtay su’aalo ay rayal caamku iska weydiiyaan waqtigaa, isla markaana waxay noqotay waxyaabaha calaamatu su’aasha saaray ilaa waqtigan mustaqbalka xsibigaa iyo sida uu noqon doono.
Arrimahaa iyo kuwo kale oo baddan oo weli taagan ayaa Madaxweyne Siilaanyo dib u furay tartanka Ururada siyaasada oo fursad siinaya inay soo baxaan xisbiyo cusub oo aan ahayn sadexdii hore u jiray, kuwaas oo dabcan iyana saamayn ku yeeshay welina ku leh mustaqbalka sadexda xisbi ee hore u jiray Kulmiye, UDUB, iyo UCID.
Hase yeeshee markii la gaadhay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye oo si weyn rayal caamka bulshadu indhaha ugu hayeen, isla markaana la filayay in qodobo baddan oo qabsoomida shirkaasi iftiimiyaan, ama talaabooyinka laga qaadaa ku xidhnaan doonaan qiimaynta mustaqbalka xisbigaa, kuwaas oo qaarkood aynu kusoo xusnay mawduucan aynu ku faaqidayno arrimahaa, Laakiin …… lasoco qaybo kale oo mihiim ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com