Hargeysa(ANN)“Maalinta tijaabada doorashada ah way fiican tahay. Markaad qorshe cusub waddo tijaabada waayo-arag baad ka baranaysaa, wax baad fikir ka qaadanaysaa, farsamadaada wixii galdaloolo ah ee kaa horiman kara ayaad kala soo baxaysaa, waanad ka gaashamanaysaa…” Sidaa

waxa yidhi Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka XAQSOOR Muj. Xasan Ciise Jaamac oo ka hadlay mawqifkooda la xidhiidha dhawaaqii ka soo baxay Guddida Doorashooyinka Qaranka ee ku saabsanaa inay dalka ka qaban doonaa maalin doorasho oo tijaabo ah.
Muj. Xasan Ciise Jaamac oo waraysi dheer maalintii Arbacada Jamhuuriya siiyey gurigiisa magaalada Hargeysa, kaas oo aannu qaybtiisii hore idiinku soo gudbinay,  waxa uu qaybta labaad waraysigan kaga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin sababaha ku kellifay inuu mar labaad ku soo noqdo saaxadda siyaasadda Somaliland, mowqifka ururkiisa ee ka qaybgalka shirarka lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kalsoonida uu ka qabo in urur-siyaasadeedkiisa XAQSOOR ku guulaysto doorashooyinka golayaasha degaanka iyo madaxtooyada ee soo socda.
Qaybta labaad ee waraysigaas oo aad u xiiso badan waxa uu u dhacay sidan:
Jamhuuriya: Shirkii London ee Somaliland ka qaybgashay waxa lagu soo jeediyey in Somaliland iyo Soomaaliya wadahadal aayahooda kaga tashadaan, beesha caalamkuna waxay aqoonsigeenna ku riixaan dhinaca Soomaaliya. Bisha soo socota ee June shir kale aya lagu qabanayaa dalka Turkiga;, waxaanay dawladda Turkigu tidhi waxa lagu dhisayaa dawlad Soomaaliyeed. Somaliland waa lagu martiqaaday, balse waxay xukuumaddu tidhi ma tagayno; idinka urur ahaan waa maxay mowqifkiina ku aaddan ka qaybgalka shirarka loo qabto Somaliland iyo Soomaaliya?
Xasan Ciise: Arrinta ah in Somaliland ictiraaf-raadinteeda ka bilawdo wadahadal waa arrin sax ah. Anigu 14 sannadood ka hor ayaan khayryada ka idhi, ‘waar ka kaca fadhiga; halkan tegi mayno iyo iinyada badan iska daaya, shir kasta oo arrimaheenna lagu soo qaadayo taga. Haddaad tegi waydaan kuwii ina aasaayey ee xorriyadeenna aasaasayey ee la ahaa annagaa metelna oo waa dad innaga naga mid ah ayaa tegaya oo magaceenna sheeganaya. Wixii mucaawimo ah ee la ina siin lahaa iyaga qaadanaya, shir kastoo Somaliland lagu soo qaadayo ka qaybgala, waxaanad tidhaahdaan waa na kan; waxba iskagama kaayo jiraan; waannu kala tagnay, annagaa isu hadlayna, annagaana danahayaga ilaashanayna, ictiraaf baanaannu idinka dalbanaynaa, wixii mucaawimo ah ee aad na siinaysaana iyaga ha noogu soo dhiibina ee annaga toos noo siiya.’
Shirkan Turkiga iyo shirkii kale ee dawlad Soomaaliyeed lagu samaynayo innagu shuqul kuma lihin, waana kala kaan labada arrimood. Shir dawlad Soomaaliweyn lagu samaynayo innagu tegi mayno oo Soomaaliweyn waynu ka tashanay, laakiin shirarka aynu tegaynaa waxa weeye waar reer Xamarow isugu keen keena meel saddexaad oo aynu kaga wadahadalno ictiraaf baannu idinka dalbanaynaa, adduunkana markhaati baannu idiinka dhigaynaa, na garbixiya weeyaan, Soomaaliduna waxay tidhaa go’aaga haddii lagugu qabsado waa laga gar baxaa. Tallooyinkii aan hore u soo jeedinayna nasiib-darro midna ma qaadan dawladihii Ina Cigaal, Rayaale ilaa kan (Siilaanyo) ee muddadaas aannu siinaynay oo aanay dan siin, nagana hoos qaadin ayuun bay maalin dhowayd London tageen; qolooyinkii Faranjiga ee wixii aannu ku dhuraynay ku yidhi ka soo qaatay. Waxay taasi muujinaysaa haddaad doonayno inaad dawladaha Afrikaanka wax u sheegto; nin caddaan ah doono oo dhegta wax ugu sheeg, dabadeedna intuu dhegta kale ka soo maro isaga ha ka maqlaan, kaasay dhegtoodu u furan tahay, waana nasiib-darro.
Jamhuuriya: Guddoomiye, urur-siyaasadeed baad samaysateen, doorashaad diyaar u tihiin, aragtida guud ee shacabkana marka la eego waxaad mooddaa inay doorashooyinkiiba khaati ka taagan yihiin oo leeyihiin codayn mayno, idinkuna saxaadda siyaasadda ayaad is keenteen, markaa dadka noocaas ah maxaad ku qancinaysaan?
Xasan Ciise: Waxaannu ku qancinaynaa raxmadda Ilaahay lagama quusto. Dadka mowqifkaa taagan ee leh coddayn mayno oo waannu iska daynaynaa xal maaha, waxaanuna leenahay doorashooyinkaa ka qaybgala oo ka aad is leedahay wuu ugu ladan yahay codkiina siiya, ninna malag maahee, Rasuulladii iyo Nebinimadiina way innaga dhammaadeen, waqtiganna ma hayno, inalamana joogaan, intaa kuu muuqata mid aad ku wada qanacdo haddaad waydo kaad is leedahay wuu ugu dhibaato yaranayaa ayaa loo codeeyaa oo caqliga iyo diinta ilsaamkuba ku faraysaa, Soomaaliduna waxay tidhaa, waxaad jeceshahay haddaad waydo, waxaad ka fiirsan waydaa la yeelaa! Laakiin farahaan laabanaya oo masuuliyaddii ummadda iga saarnayd waan ka quusanayaa waa khalad; raxmada Ilaahay lagama quusto, waana dambi weyn. Haddii aanad taas doonayn, adigaannu ku waydiinaynaa qofka mowqifkaa qaadanayo noo keen xal kaloo kan ka wanaagsan; adigaannu ku raacaynaa oo markaasaannu kugu taageeraynaaye, laakiin haddaanad xal kale keenayn kan ha ka quusane kaad is leedahay wuu ugu dhibaato yar tahay raac.
Adduunka oo dhan waa la yaqaan oo diinta islaamkuba hore ayey uga hadashay; laba dhibaato hadday kaa horyimaaddaan amma laba nin oo xun oo ay kuu noqoto inaad masuuliyaddaada mid u dhiibato, xal kalena aannu jirin; kaad is leedahay wuu dhibaato yar yahay ayaad raacaysaa, waayo meeshu madhnaan mayso oo hoggaan la’aan iyo dawlad la’aan waa ta ugu daran, dariiqaasan odhan lahaa ha mareen, haddaanay hayn xal kan ka wanaagsan.
Jamhuuriya: Komishanka Doorashooyinku waxay sheegeen inay qaban doonaan maalin doorasho ah oo lagu kala eegayo hababkii liisaska ee golayaasha degaanka hadda jira lagu soo doortay ee ururka loo codaynayey iyo habka cusub ee ah in xildhibaan kasta gaar loogu codeeyo, idinku urur ahaan sideed u aragtaan maalinta doorashada tijaabada ah?
Xasan Ciise: Maalinta tijaabada doorashada ah way fiican tahay. Markaad qorshe cusub waddo tijaabada waayo-arag baad ka baranaysaa, wax baad fikir ka qaadanaysaa, farsamadaada wixii galdaloolo ah ee kaa horiman kara ayaad kala soo baxaysaa, waanad ka gaashamanaysaa. Aad iyo aad bay u fiican tahay, waana tababar aad qaadanayso. Waannu ku taageeraynaa, kuna dhiirrigelinaynaa Komishanka Doorashooyinka, waxaanan odhan lahaa maalmo kala duduwan oo muddo ah ka dhiga si galdaloolooyinku u yaradaan.
Xagga xisbiga ha loo codeeyo amma qofka waxaan aaminsanahay in qofka loo codeeyo, sababta oo ah marka qofka loo codaynayo laba arrimood bay ku fiican tahay, waxana weeye markay raggu kala mabda’ yihiin waa loo footayn karaa, midna yahay hantiwadaag, midna hanti-goosad, mid galbeed, mid bidix, midna midigta fog sida waddamada qaar ka jirta, laakiin innagu waxaynu nahay ummad muslim ah oo kacaakufaysa, curdinna ah, jahligeedu badan yahay, tacliin badanna aan lahayn, markaa ururradeenna mabaadii fara badan oo ay ku kala duwan yiiin, laguna doorto ma jiraan aan iska tuntuunsano badankoodu weeye, markaa mar haddii mabda’ casaan iyo madow ah oo la kala garanayo aanay tani lahayn wax lagu kala doorto ururrada ma jiraan, markaa waxaannu aaminsannahay in qofkii loo codeeyo. Liiska muran badan baa ka imanaya, waxaa dhibaato yar markaannu dhibaatooyinkoodii eegnay kan qofka loo codaynayo.
Jamhuuriya: Waxa jira shir madax-dhaqameedka Soomaaliya uga socda Muqdisho oo lagu ansixinayo dastuurka cusub oo Soomaaliya loo samaynayo; xubno reer Somaliland ah oo la sheegay inay qaarkood madax-dhaqameed yihiin ay ka qaybgaleen shirkaas. Sideed u aragtaa dadka ka qaybgalay shirkaas iyo in xukuumaddu dabarkii yaallay furto?
Xasan Ciise: Waxaan u arkaa shirka Soomaaliya loogu samaynayo dastuurka wax ka khuseeya Somaliland iyo ninka daacadda u ah ma jiro. Wadahadallada aqoonsiga ku saabsan ee Xamar lala galayaa way ka duwan yihiin arrintaas, waana waddankii aynu kala baxnay dastuurkiisa, inama khusayn karto.
Qofka Somaliland u dhashay ee aaminsan Soomaaliweyn, annagu waxaannu leenahay waa u xor ee ha tago Xamar oo ha ina daayo isagu. Dawladdu markay qodobkaa meesha ka saartay waxay ahayd inaan meesha uun laga saarin ee wax lagu beddelo, waxa lagu beddelayaana noqdo in wadahadallo Xamar lala galo oo xukuumaddu horkacayso oo aanay ku kaliyeysanayn ee ummaddu ka qaybgasho, golayaashu ka qaybgalaan, madax-dhaqameedku ka qaybgalaan, culima’udiintuna ka qaybgalaan oo shirarka heerka qaran ah uun lagu daayo meesha.
Jamhuuriya: Xukuumaddani intii aanay talada dalka ku guulaysan dad badan baa u han weynaa, waqtiganna waxa jira cabashooyin badan oo dadka ku kelifay inay yidhaahdaan diba u codayn mayno. Sidoo kale, waxa jira caddaalad-darrooyin laga cabanayo sida eedaymaha loo haysto xubnaha musuqmaasuqa u xidhan iyo Boqor Buurmadow oo kiisaskoodu daba dheeraadeen, arrimaha noocaas ah sawir noocee ah ayaad ka bixinaysaa?
Xasan Ciise: Arrimahaas laba qodob baan u kala saaraya; eedaha Boqor Buurmadow iyo nimanka muqusmaasuqa lagu eedeeyey waa arrimo maxkamadda horyaal oo kiisaskoodi socdo, lamana taaban karo, waana mamnuuc in laga hadlo, maxkamadda ayey horyaallaan ee maxkamaddu ha ka garnaqdo, halkaasaanan ku daynayaa, waayo haddaad wax ka taabato maxkamadaad ka shaashaysay, maxkamadduna inay go’aan gaadho way adkaanaysaa, dadkii baanad maskaxdooda wax sii galisay.
Tan kale, hadaan ka hadlo, waa nasiib-darro in durba niyad-jab xukuumadda laga qaadday, waxaynuna odhan karnaa waa mid argagax leh oo taariikhi ah. Xisbigii loo hayn weynaa oo isagoon muddaba joogin laga niyad-jabay waa masiibo adduun, waana wax aan laga jawaabi karin, waana waxaynu doonayno inaynu dawayno haddii Ilaahay yidhaa, waxana lagu daawayn karaa inaynu ku guulaysano tijaabooyinka aynu samanayno oo Ilaahay la kaashanno.
Jamhuuriya: Madaxweyne Siilaanyo oo aad saaxiibbo ahaydeen, halganba ku soo wada jirteen muddo dheer, waqtiganna isagu talada dalka gacanta ku haya, adiguna waxaad hoggaamisaa urur-siyaasadeed saaxaada siyaasadda ku soo biiray, halganka dawladnimana qayb ka ah; tan iyo intii aad siyaasadda dib ugu soo noqotay Madaxweynaha ma kulanteen, wax talo iyo wadahadal ahna ma idin dhexmareen?
Xasan Ciise: Maya, wax xidhiidh ah oo aannu muddo wada yeelanay ma jirto. Isaguna iimuu yeedhin oo malaha imabuu xasuusan, aniguna waxaan is idhi sidii barigii hore ma da’ yara ee waxba ha mashquulin.
Jamhuuriya: Waxaad ahayd Madaxweyne-ku-xigeenkii ugu horreeyey ee Somaliland, muddo badan baanad siyaasadda ka maqnayd, waqtiganna waxaad hoggaamisaa urur-siyaasadeed, kalsooni intee le’eg baad ka qabtaa inaad ku guulaysan doonto doorashooyinka golayaasha degaanka ee socota iyo kuwa madaxtinimada?
Xasan Ciise: kalsoonida aan qabaa waa mid Ilaahay ku xidhan oo mid aan filan karayo maaha. Markaa soo noqoshadayda siyaasaddu waa mid ka duwan dad badan oo kale siday siyaasadda u soo galeen Nebigeenna (NNKHA) waxa xadiisyo badan laga soo weriyey qofka xilka naga dalbada uma dhiibno. Qofku haddii xil loo dhiibo oo Ilaahay ka yeelo waa ina daan weyne oo wuu ku fashilmayaa, waana qasab oo wuu ku fashilmayaa. Nin keliya ayaan ku fashilmayn waa qofka isagoo iska fadhiya inta loo yimaad lagu yidhaa kaalay oo na hoggaami, ninkaas uun baa gargaarka Ilaahay garab soconayaa oo haddii qaddarka Ilaahay u oggolaado inuu qabto ku guulaysanaya. Waddada aannu doonaynaa inaannu marno waa taas, siyaabaha aannu ururrada kale kaga duwahnayna waa taas. Aniguna siyaasadda iskagaaman soo noqon ee waa la igula taliyey oo waa laguu baahan yahay ayaa la igu yidhi, sidaas ayaanan mar labaad siyaasadda ugu soo noqday.
Dhammaad….    

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *