Munaasibad lagu qabtay saaka barqadii xarunta gudida oo amaankeeda aad loo adkeeyay ayaa lagaga dhawaaqay Liiska Lixda Urur ee usoo gudbay inay tartamaan doorashada golayaasha deegaanka.
Munaasibadaa oo ay kasoo qaybgaleen Gudida Doorashooyinka Qaranka Saraakiil ka socotay Xukuumadda iyo Ururada tartamayay waxay Shir jaraa’id oo ay Gudidu wada jir ugu qabteen waxay ku sheegeen in doorashada Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka dhacdo ay ka qeyb gali doonaan sadexdii xisbi qaran ee hore iyo lix urur siyaasadeed oo buuxiyay shuruudihii xeerarka doorashooyinku jidaynayeen.
Ururada soo baxay ayay ku sheegeen gudidu inay yihiin lixda urur siyaasadeed oo kala ah WADANI, DALSAN,RAYS, UMMADDA, NASIYE iyo XAQSOOR.
Guddoomiyaha Gudida diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka C/risaaq Cumar Jaamac (Ciyaale) oo ka hadlay shirkii jaraa’id ee ay ku shaaciyeen liiska ururadda soo baxay iyo kuwa hadhay ayaa sheegay inay maanta u tahay dalka maalin taariikhi ah waxaanu bogaadiyay ururadda soo baxay. Gudidu waxay ururadda siyaasadda ee hadhay usoo jeediyeen inay ku biiraan xisbiyadda iyo lixda urur siyaasadeed ee soo baxay.
Dhinaca kalena waxay Gudidu sheegeen inay dhaceen oo ay shuruudihii buuxin waayeen sagaal urur siyaasadeed oo kala ah NUUR,DAMAL,HORYAAL,NDP,BADBAADO, GURMAD, UDHIS, JAMHUURIGA iyo SSCD.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com