Todobaadkii u danbeeyay , waxa magaalada caasimada hargeysa ka bilaabmay dhaqdhaaqyo siyaasadeed oo mashquuliyay wadooyinka magaalada, Huteelada waaweyn iyo dhmaanba suuqyada ganacsiga, kuwaas oo salka ku haya bilawga loolanka dhinaca siyaasada ee
tartanka 15 Urur Siyaasadeed oo lagaga dhawaaqay Somaliland sanandkii hore, isla markaana doonaya inay ka qaybqaataan tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan dabayaaqada sanadkan.
Gaadiid tiro baddan oo lagu dhejiyay calaamadaha Ururada qaarkood iyo boodhadh lagu iclaamiyay shirweynayaasha laga rabo inay qabtaan oo ka mid ah shuruudaha ay ku ansaxayaan ka hor inta aanay ka qayb qaadan doorashooyinka golayaasha deegaanka ayaa hafiyay magaalada, iyadoo ay 15-ka Urur ee soo dhaafay wareegii hore ee shuruudaha sharcigu tilmaamay intooda badani hada ka faraxasheen shirweynahooda, isla markaana doorteen hogaankii Ururkooda, barnaamija siyaasadeed ee ay qorshaysteen iyo xeerkooda.
Inaksta oo ay intooda badani qabsadeen shirweynayaashii lagu xidhay, isla markaana doorteen hogaan sidoo kalena ku meel mariyeen shirkooda barnaamijkooda siyaasadeed iyo xeerkooda. Dad baddan oo ka mid ah Bulshada ayaa ku jaahwareeray magacyada Ururada tirada baddan oo qaarkood u qaataan marka ay warbaahinta ka maqlaan in waxa laga hadlayaa yahay Dukaanada iyo Meherada ku yaala suuqa Hargeysa, ama magaalooyinka kale. Loolanka Ururada tirada baddan ayaa saaxada siyaasada kusoo celiyay magacyadii Beelaha oo bulshadu sanadii u danbeeyay dhinaca siyaasada ugu kala qaybsanayd oo keliya sadex magac oo ahaa Xisbiyo, kuwaas oo kala ahaa UDUB, Kulmiye iyo UCID, balse hada waxa isku milmay mabaadiidii iyo afkaartii siyaasadeed ee dhinaca bulshada oo u qaybsanayd sadexdaa magac. Laakiin hada u muuqata inay loolanka ururada tirada baddan oo intooda badani ku suntan tahay xaafado aan xataa heer gobol loo nisbayn karin, marka laga reebo dhawr laba ama sadex aan ka badnayn oo kooxo isku hadaf iyo ujeedo ah, isla markaana u muuqda Ururo Diimeed iyo kooxo si kale isugu yimi mayalka u hayaan, kuwaas oo aan iyaga laftoodu ka madhnayn arrimahaa iyo kuwo kale oo waqtigan bustaha la huwinayo, balse maalin aan fogayn lagu arki doono saaxada.
Ilaa hada sagaal Urur oo ka mid ah kuwii lagu dhawaaqay ayaa qbsaday maalmihii u danbeeyay shirweynayaasha lagu xidhay, kuwaas oo magacyadodu kal yihiin sidan; Ummadda, Waddani, Rays, UDHIS, Xaqsoor, Gurmad, Dalsan, Nasiye iyo Badbaaddo, halka lixda Urur ee hadhay qaarkood shaaciyeen inay maalmaha soo socda qabanayaan, iyadoo ay jiraan in aanay qaarkood weli si cad u cayimin mudada ay qabanayaan shirweynahooda.
Jahuuriga iyo NUUR oo ka mid ahaa 15-ka Urur ee soo dhaafay wejigii hore ee shuruudaha xeerku jideeyay, ayaa iyagu shaaciyay maalmihii lasoo dhaafay inay midoobeen, isla markaana ay shirweynahooda qabanyaan maalinta Jimacaha ee 13 April 2012.
Sidoo kale Ururka Horyaal, ayaa shaaciyay inay qabanayo shirweynihiisa, halka aanay Ururada Damal, SCDO iyo NDP, weli si cad u shaacin ilaa inta laga warqabo xiliga ay qabanayaan shirweynahooda.
Dhaqdhaaqyada Ururada kama madhna kaanbeyn hoose oo qaarkood ku raadinayaan inay sameeyaan iskaashi oo ku midoobaan magac keliya si ay u yeeshaan cudud ay tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka ugu dhaafaan dur-duro kadibna ugu gudbaan xisbi qaran, kuwaas oo ay tusaale u yihiin Jamhuuriga Iyo NUUR oo wada jir u qabsanaya shirweynahooda, isla markaana wada qorshayaal iyo wadahadalo ay kusoo jiidanayaan kuwo kale si ay meel uga soo wada jeestaan, iyadoo Ururka Horyaal oo shirweynihiisa shaaciyay maalmihii lasoo dhaafay ay suurta gal tahay inuu la midoobo saaxiibadiisa kale ee wada hadaladu u socdaan ee Jamhuuriga iyo Nuur, basle sheekooyinkani maaha weli kuwo bislaaday ee waa kuwo ceedhiin ah, ama waxa la odhan karaa yac-yacood.
Inaksta oo aanay weli si cad u muuqan cudud siyaasa deed oo Ururada tirada baddan ee awoodoodu kala qaybsantahay ay saaxada kaga saari karaan xisbiyadii hore u jiray, marka la gaadho xiliga doorashada golayaasha deegaanka ee loo gudbayo xisbiyo qaran, hadana waxa aan la dafiri karin sida ay daaqada uga laalaadaan sadexdii Xisbi Qaran ee Somaliland ka jiray tan iyo markii ay tartan sidan oo kale kusoo baxeen toban sanadood ka hor 2002. Sadexda Xisbi ee hore u jiray UDUB, Kulmiye Iyo UCID, waxa iyagana laga doonayaa inay qabsadaan shirweyne, isla markaana doortaan hogaan, kaas oo ah qodobka ka khuseeya xeerka Ururada iyo axsaabta qaranka. Kadibna sidaa kaga qaybgalanaan tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka oo ay nasiibkooda ka qaadan.
Hase yeeshee UDUB oo ahaa xisbigii lagaga guulaystay doorashadii u danbaysay, isla markaana dalka ka talinayay sideed sanadood iyo xisbiga UCID oo ahaa xisbi Mucaarid ahaa ilaa markii lagu dhawaaqay inuu yahay xisbi qaran toban sanadood ka hor, ayaa durba u muuqda kuwo saaxada siyaasada iyo fagaarayaasha tartamada aan lagu arki doonin, iyadoo Xisbul xaakimka Kulmiye oo ahaa xisbigii mudada dheer ahaa mucaaridka ugu awooda baddan mudada dheer. Ka hor intii aanu ku guulaysan doorashadii madaxtooyada ee 26 Jun 2010, maalmihii lasoo dhaafay uu cayimay shirkaa inuu qabsanayo maalmaha fooda inagu soo haya. Laakiin Xisbiga Kulmiye oo aan hada lahayn saamayntii uu lahaa iyo baahadii sanado ka hor ka hor intii aanu ku guulaysan hogaanka dalka, ayaa calaamatu su’aal saarantahay sida uu fagaarayaasha iyo siyaasada iyo saaxada ugu soo laabanayo, maadaama ay jiraan duruufo siyaasadeed iyo waayo isku xeeray oo saamayn weyn ku leh xisbigaa, isla markaana aanu ka badbaadayn saamaynta ay ku yeelanayaan Ururada tirada baddan ee bulshada u qaybsaday xaafadaha iyo kooxaha.
La soco qaybo kale oo mawduucan lagu faaqidayo
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com