BreakingNews 123345Hargeysa(ANN)Koox xildhibaano ah oo ka tirsan dawladda taagata daran ee Somalia, isla markaana xubno ka ah Kooxda Diimaadeed ee lagu magcaabo Aall- Sheekh oo si qarsoodi ah u haysata awooda Madaxtooyada Somalia ee Sheekh Shariif ayaa  Arbacadii  kasoo  degey  Madaarka Caalamiga ah

 

Cigaal International  Airport, kuwaas oo  isgu jira  xildhibaano kasoo jeeda Somaliland, isla markaana ka mid ahaa  shaqsiyaad u dhashay  Somalialnd oo aaminsanaa mabda’a  Soomaaliweyn iyo kuwo u dhashay Somalia oo dhamaantood ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Kooxdaa oo aan si cad loo ogayn ujeedada socdaalkooda, waxa booqashadooda  ka dhashay sheekooyin iyo warar is khilaafsan, isla markaana xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaan ka hadlin ujeedada socdaalka kooxdaa. Inkasta oo ay jiraan warar shebekada wararka Araweelonews hore u baahisay oo sheegayay in Afartaa Nin mid ka mid ah oo lagu magcaabo Muxiyadiin  Aw Cali oo u dhashay Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, kana tirsanaa Baarlamaanka Somalia ee DKMG, uu ku yimi cafis dalka. kadib markii uu ka laabtay mabda’ii federaalka ee Soomaali weyn.

Laakiin waxa jira warar kale oo sheegaya inuu qayb ka yahay qorshaha qarsoon ee ay kooxda uu la socday u yimaadeen Hargeysa. Sidoo kale waxa  kooxdaa   ka mid ah Xildhibaan Bare Cismaan oo u dhashay Somaliland, gaar ahaan deegaanka galbeedka Hargeysa, isla markaana ka mid ahaa kooxda u dhalatay Somaliland ee hore u qaatay mabda’a Somaali weynta iyo Federaalka.

Hase yeeshee sida ay sheegayaan wararka la xidhiidha  kooxdaa  labada Nin ee  kala ah Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon  iyo Xildhibaan Yuusuf Cali Caynte oo ka mid ah Kooxda Aal sheekh ayaa wata qorshe siyaasadeed oo qarsoon, kaas oo wararka qaar la xidhiidhinayaan inay wataan qorshe hoose oo ay xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo kala xaajoonayaan arrimo la xidhiidha wadahadalada Somaliland iyo Somalia ee la filayo inay qabsoomaan  dhowaan, kuwaas uu dhowaan Madaxweyne Siilaanyo u saaray gudi ka tirsan golihiisa wasiirada.

Laakiin warar kale iyo tibaaxo si qarsoodi ah usoo baxay oo lala xidhiidhiyay socdaalka kooxdaa xildhibaanad ah,  ayaa sheegaya  inay u yimaadeen  arrimo la xidhiidha qaar ka mid ah Ururada siyaasada ee dhowaan lagaga dhawaaqay Somaliland oo ay xulufo yihiin, balse waxa jira tibaaxo kuwaa ka duwan oo sheegaya inay kooxdaa oo ka tirsan Urur ay ku mideen qaar ka mid ah  firqooyinka Diimeed ee Somalia ka jira  oo horaantii sanadkan 2012,  lagaga dhawaaqay Muqdisho ay kulamo la yeelayaan inta ay joogaan Somaliland masuuliyiin ay wadaagaan dano iyo ahdaaf siyaasadeed oo ka tirsan golaha wasiirada  iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  ka tirsan, kuwaas  oo ay durba sida ay xoggahaasi sheeagayaan ay dhexmareen kulmo qarsoon oo meelo aan la cayimin lagu qabtay, isla markaana aan si cad loo ogayn waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen.

Labada xildhibaan ee ka tirsan Aal Sheeekh oo si qarsoodi ah u maamusha Madaxtooyada Somalia, isla markaana waqtigan qorshaynaya inay si cad gacanta ku dhigaan awooda Somalia, waxay kala yihiin    Xildhibaan Yuusuf Cali Caynte oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Somalia, isla markaana ah Aqoonyahan ku xeel dheer dhinaca Diinta Islaamka iyo Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon oo ahaa  Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Gaashaandhiga dawladii Raysal wasaare Farmaajo iyo Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon.
Sidoo kalena Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon, ayaa  koox uu ka mid yahay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen 14 February 2012, Urur siyaasadeed,  ama xisbi ay ku midobeen Xubno ka kala socda dhaqdhaqaaqyada  Islaamiga ah ee Aalla Sheekh, Ictisaam iyo Al-Islaax.  Kuwaas oo kulankooda ka dib sheegay inay samaysteen  Gole Siyaasadeed oo midaynaya dhamaan Firqooyinkaa,ama Xarakooyinkaa  Islaamiga ah laguna magacaabo Golaha Daljir.
Warar kale ayaa sheegaya in Xildhibaan Abtidoon iyo  Caynte looga yeedhay  galabta laanta baadhista denbiyada ee  CID Somaliland si wax looga weydiiyo socdaalkooda, balse sida ay sheegayaan tibaaxahaasi, waxa damiin ku kaxaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo la rumaysan yahay inuu ka mid  yahay masuuliyiinta ay la kulmeen xildhibaanadaasi.

Labada  Xildhibaan Bare Cismaan iyo Xildhibaan Muxiyadiin  Aw Cali oo u dhashay Somaliland, balse ka mid ahaa shaqsiyaadka kasoo jeeda Somaliland ee ka qaybqaatay shirarka Soomaaliweyn  ee  lagu dhisay dawladihii debedyaalka ahaa, waqtigana ka tirsanaa Baarlamaanka dawladda taagta daran ee Sh. Shariif,  ayaan la ogayn inay kooxahaa Diimeed ee ku midoobay Golaha Daljir ku jiraan iyo in kale, waxaana socdaalkooda iyo dhaqdhaqaaqoodu dhaliyeen dareeno  siyaasadeed oo shaki xanbaarsan, isla markaana xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo ayaan ilaa hada wax war ah kasoo saarin booqashadooda.
Si kastaba ha ahaatee socdaalka kooxdan ayaan si cad loo ogayn inuu yahay mid la xidhiidha kooxaha firqooyinka diimeed ee ay ku abtirsadaan iyo inuu yahay mid qayb ka ah wadahadalada Somalia oo ay sidaan fariin ka timi dhinaca Madaxweynaha dawladda taagata daran ee Somalia, balse waxa  hada muuqata in booqashadooda Hargeysa ay tahay mid su’aalo badani ka taagan yihiin, kuwaas jawaabahooda looga fadhiyo xukuumadda Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *