Hargeysa (ANN) Xildhibaan ka tirsan Dawlada Federaalka Somalia ee taagta daran, isla markaana ka mid ahaa dhawr xubnood oo kasoo jeeda Somaliland , balse aaminsanaa mabda’a Soomaali weyn, ayaa shalay kasoo degey Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee
Magaalada Hargeysa.
Xildhibaankaa oo lagu magcaabo Muxiyadiin Aw Cali, ayaa dareeno kala duwani ka dhasheen socdaalkiisa, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya inuu u socdo arrimo siyaasadeed, balse warar xog-ogaal u ah ayaa u sheegay shebekadda wararka ee Araweelonews in xildhibaanka oo kasoo degey Madaarka shalay ay halkaa ku sugayeen eheladiisa iyo dad kale oo ay saaxiibo yihiin. Sidoo ila wareedyo ku sugnaa madaarka waqtiga uu kasoo degey ayaa u sheegay Araweelonews in qoraal cafis ah loo dhigay Madaarka, kaas oo u oggolaanaya inuu soo galo dalka, maadaama uu jiray xeer hore golayaasha sharci dejintu u ansixiyeen oo sheegaya inaan qof u dhashay Somaliland oo ka qaybgala shirarka Soomaali weyn aanu dalka soo geli karin haddii aanu xukuumadda kasoo dalban cafis.
Ninkan oo u dhashay deegaanka Hargeysa, isla markaana ay walaalo yihiin sarkaal sirdoonka qaranka Somaliland ah, ayaa kla mid ahaa koox la socon jirtay Siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib oo hormood u ahaa xubno sagaashanaadkii dhinaca Somalia u wareegay, kuwaas oo ku doodi jiray inay qaateen mabda’a Soomaali weyn, isla markaana ka qaybgalay shirarkii dib u heshiisiinta ee loo qabtay Soomaalida dhawr sanadood ka hor. Laakiin intooda badani dib u soo laabatay. Markii ay kasoo quusteen ee uu meelmar noqon waayay fekerkaasi, iyadoo Siyaasiga Jaamac maxamed Qaalib oo ka mid ahaa kuwii hormoodka u ahaa kooxdaasi dhowaan kusoo guraya noqoday dalkiisa, isla markaana cadeeyay inuu iska ilaabay fekerkii iyo mabda’ii uu hore u aaminsanaa ee Soomaali weyn.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com