Hargeysa(ANN)Wasiirka Ganacsiga Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed ayaa maanta kala Wareegay Khubarro Faransiis ah oo ka Socday Jaamacadda weyn ee faransiiska ee Paul-Velery Montpellier 500 oo Buug oo ka mid ah Buugaag laga diyaariyay baadhitaano mudo

dheer socday oo lagu

sameeyay  Asraarta Qadiimiga ah ee Somaliland gaar ahaan Magaalada Laasgeel ee dhinaca Bariga Magaalada Hargeysa.
Munaasabadda  lagula kala wareegayay Buugaagtaa oo lagu Qabtay Hoolka Shirarka ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska,  waxa  ka qaybgalay Masuliyiinta sare ee Wasaarada Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska iyo Waftiga Faransiiska ah ee Deeqda Wareejinayay oo ka koobnaa siddeed Xubnood, kuwaas oo qaarkood ahaayeen koox dhawr sanandood ka hor baadhitaano la xidhiidha Aataarta qadiimka ah iyo raadadka taariikhda dadkii hore ka sameeyay  Deegaanka Laasgeel.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Abiib Axmed Cali oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa kusoo    dhaweeyay kooxda  Faransiiska ah oo ka socday Jaamacadda ugu Wayn Dalka faranca  ee Paul-Velery Montpellier ayaa sheegay in ay Maanta kala wareegi doonaan Waftigan Midhihii Waxqabadkooda laga
soo bilaabo 2007 illaa maanta oo ay soo saareen 500, oo buug.   Prof. Vavier Gutherz oo hoggaaminayay kooxdan khubaradda ah aasaarta oo      qadiimiga ah aqoon u leh kana socday Jaamacadda Faransiiska ah ee Paul-Velery Montpellier oo kulankaa  ka hadlay,  ayaa ka waramay nuxurka ay xambaarsan yihiin Buugta ay soo daabaceen ee ku saabsan Asaarta qadiimiga ah waxaanu yidhi “Mudane Wasiir, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin adiga iyo saraakiisha  kale ee wasaaradaadda oo aanu runtii aad iyo aad ugu mahad naqayno sida aadka iyo aadka u quruxda badan ee aad noogu soo dhawaysaan dalkan Somaliland si aad noogu fidaydisaan shaqadan aanu hayno ee ah cilmi-baadhista ataarta qadiimiga ah. Waxaanu isku dayaynaa inaanu wixii karaankayaga ah inaanu taageerno ama horumarino ataarta qadiimiga ah ee Somaliland haddii ay tahay dhinaca cilmi-baadhista iyo haddii ay noqoto dhinaca diiwaan-gelinta.”
Khabiirku waxa uu Sheegay in ay Muhiim tahay in umad waliba ay ogaato dhaqankeeda Qadiimka ah, Taariikhdeeda Fog, isaga oo xusay  in dalkani uu leeyahay Taariikh fog, iyada oo loo baahanyahay sidii aduunka loogu faafin lahaa, oo la qiimeeyo si kor loogu qaado, Khabiirku Waxa uu Xusay in Buugan uu Wareejinayo yahay Buug ka hadlaya Goobta loo yaqaan Laasgeel iyo Waxyaabaha ku duugan, Waxa kale oo uu sheegay in Wasiirka Ganacsigu ka Qayb qaatay Buugaasi oo hordhaciisa uu qoray, waxaanu ku Dheeraaday in uu ku faraxsanyahay in Buugan oo Faa,iido badan u leh Dadka Dalxiiska ah ee Tagaya Laasgeel kaasi oo uu sheegay inuu Si faahfaahsan usharaxaya, Prof. Vavier Gutherz Mar uu ka hadlayay faa,iidada Buugtaa Waxa uu yidhi, “Waa buug loogu talo galay dadka dalxiiska ah, ee tagaya gobaha sida laasgeel oo kale oo usharaxaya godadka iyo Ranjiyada ku yaala macnohooda, waa buug loogu talo galay Bulshada qayb walba inay  Xiisaysa oo  ay dhaqankan wax ka barato, waa buug loogu talo galay     ardayda jaamacadahu inay akhristaan, waana buug ka qayb qaadan doono Waxbarashada wadanka iyo Barashada Aasaarta Qadiimiga ah ee Dalka” ayuu yidhi khabiirku Waxa uu sheegay in Doorkan Shaqadoodu tahay Sawiro noocii ugu danbeeyay in lagu Sameeyo Aasaarta oo lagu Diiwaan galiyo sawiro dhinac walba lagu daawan karo, taasi oo uu sheegay in ay faa,iido badani ugu jirto Wasaarada, Cilmi baadhayaasha iyo Dhamaan dadka inta xiisaysa.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska C/risaaq Khaliif Xasan oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa ku soo dhaweeyay Dalka khubaradan Buuga ka diyaarisay, Wasiirku waxa uu sheegay in laba Sababood ay ahay Ujeedadii xafladani, ta hore oo ahayd soo dhawaynta khubaraddan oo Dalka joogi doono todoba Maalmood, kuwaasi oo uu sheegay inay laba Xarumood oo ka mid ah Meelaha Aasaarta Qadiimigaha ay wax ka qaban doonaan, waxa kale oo uu ku sheegay Qodobka labaad Wareejinta Midhihii Cilmi baadhistii ay ka wadeen Laasgeel oo ay ka Diyaariyeen Buug cusub Wasiirku Waxa uu Sheegay in Khubaradini ay yihiin Kooxda kaliya ee la odhon karo Wax muuqda ayay u Qabteen Somaliland, isaga oo xusan   in Meelahani ay ka mid yihiin meelaha aynu uliidano dal ahaan, waxaanu umahad naqay Dawlada jabuuti iyo dawlada Faransiisa oo uu sheegay in ay halkaa ka wadi doonaan wada shaqayn tooda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *