Hargeysa(ANN) Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa goordhawayd si rasmi ah shaaca ugu qaaday magacyada wasiiradda cusub ee xukuumaddiisa iyo tirada wasaaraddaha ay ka koob tahay dawladiisu. Madaxweyne Siilaanyo oo shir jaraa’id ku qabtay qasriga madaxtooyada, waxa uu magacaabay labaatan wasiir iyo lix wasiir-ku-xigeen, kuwaas oo isugu jira Aqoonyahano aan hore ugu jirin siyaasada,
Ganacsato iyo xubno kooban oo siyaasiyiin hore ahaa, ama saaxada siyaasada ka muuqday waqtiyo hore, isla markaana xubnaha cusub ee wasiirada iyo ku xigeenadooda oo qaarkood ka mid ahaayeen xisbigiisa KULMIYE, waxa ku jira saddex haween ah, waxayna xubnaha uu Madaxweynuhu saaka magcaabay ee noqonaya golihiisa wasiiradu u badan yihiin dad rayid ah oo xubnaha qurbo-joogu ka dhex muuqdaan, isla markaana waxa xubno ka ah saddex dumar ah.
Liiska Magacyada qoraalka Madaxweynuhu soo saaray ee uu ku magacaabay wasiiradda cusub waxay yihiin sidan;
1.Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah; Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.
2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha; Dr. Maxamed Cabdi Gabboose.
3. Wasaaradda Maaliyadda; Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
4.Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta; Dr. Sacad Cali Shire.
5.Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka; Xuseen Axmed Caydiid.
6.Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare; Samsam Cabdi Aadan.
7.Wasaaradda Caafimaadka; Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog).
8.Wasaaradda Gaashaandhiga; Axmed X. Cali Cadami.
9.Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska; Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
10.Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga; Dr. Axmed Xaashi Oday.
11.Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta; Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed.
12.Wasaradda Caddaaladda iyo Garsoorka; Prof. Ismaaciil Muumin Aare.
13.Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta; Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed
14.Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada; Ilhaan Maxamed Jaamac.
15.Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha; Dr. Maxamed Yaasiin Xasan.
16.Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta; Dr. Xuseen Cabdi Ducaale.
17.Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalliyarada iyo Dhaqanka; Maxamed Xaashi Madar.
18.Wasaaradda Beeraha; Prof. Faarax Cilmi Maxamuud.
19.Wasaaradda Duulista iyo Hawada; Maxamuud Xaashi Cabdi.
20.Wasaaradda Warfaafinta; Cabdillaahi Jaamac Cusmaan (Geeljire).
Wasiir-ku-xigeenada
Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare; Cali Caamud Jibriil.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada; Maxamed Yoonis Cawaale.
Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibada; Cismaan Garaad Soofe.
Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka; Cali Cabdi Saa’iq
Wasiir-ku-xigeenka Maaliyadda; Warsame Siciid Cabdi.
Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka; Nimco Xuseen Qowdhan.”
Tirada wasiiiraddaha ee gaadhay labaatanka ayaa kuwo ka badan intii la saadaalinayay, isla markaana xubnihii gudida aqoonyahanka ee Madaxaweynhu u xil saaray horaantii bishan July 2010 inay kasoo taliyaan qaabka loo samaynayo xukuumad kooban oo tayo leh ayaa talooyinkooda ku sheegay inay madaxweynaha u gudbiyeen qorshe sheegaya in xukuumadu aanay ka badnaan 15 wasaaradood, taas oo marka horeba u qorshaysnayd madaxweynaha la doortay oo balan qaaday inuu soo dhisayo xukuumad kooban oo tayo leh. Laakiin maalmihii u danbeeyay waxa soo baxayay warar sheegaya in laga yaabo in tirada wasaaraduhu noqdaan 18, wasaaradood iyo dhawr wasiir ku xigeen, balse korodhka hada tiraadaa ayaa loo malaynayaa inuu sabab u yahay arrimo siyaasadeed iyo duruufo ka hor yimi qorshihii madaxweynaha cusub.
Hase yeeshee xubnaha ka muuqda golaha wasiirada cusub ee Axmed siilaanyo ayaa intooda badani yihiin dad aan hore ugu jirin saaxada siyaasada, waxaana suurta gal ah inay dad badani soo dhoweeyaan, laakiin waxa hubaala inay jirayaan kooxo si weyn uga biyo diidaya magcaabista xukuumada cusub, kuwaas oo naawilayay inay ka mid noqdaan.
Si kastaba wax haw jireene qaab dhismeedka xukuumada cusub ayaa u muuqda mid ka turjumaya xukuumad tayo leh, isla markaana aad uga kooban xukuumadiii madaxweynihii hore ee lagaga guulaystay doorashada Daahir Rayaale Kaahin, taas oo u shaxaysnayd sidan;-
Magaca Wasaaraddaha
Magacayada
Wasiiradda W/Ku xigeenadda Magaca/Wasiirdawlayaasha Tirada guud Wasiir, ku Xigeen iyo Wasiir Dawle
W/Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, Axmed Nuur Aw-cabdi Cali Biikolo
W/Arrimaha Gudaha C/llaahi Ismaaciil Ciro
Axmed Jaanbiir Suldaan Muuse Cabdi Maxamuud
W/Waxbarashada
Xasan Xaaji Maxamuud (X.Gadhweyne)
Ismaaciil Muxumed Madar Maxamuud Garaad (Qawdhegeyste)
W/Ganacsiga Abiib Xasan Filfil
Cabdixaliim (Amiirka)
W/ Caddaalada Aadan Dhoolayare
Yuusuf Ciise Tallaabo
W/ Caafimaadka Axmed Cali Casoowe
Mahdi Cismaan Buuri Axmed Cali Shire
W/ Macdanta Iyo Biyaha
Cismaan Sh. Cabdi
Farxaan maxamed Jaamac
W/Beeraha Cabdi Haybe, Maxamed Xaaji Warsame
W/Hawlaha Guud
Siciid Sulub Maxamed Aw Cabdi Sheekh Cabdiraaq Cawil Bacaluul
W/ Deegaanka iyo Hurumarinta Reer Miyiga Maxamed Hagar Dirir Siciid Maxamed Bile
W/Xanaanada Xoolaha IDiris Ibraahin Cabdi Aadan Daahir Maxamed
W/Arrimaha Qoyska Faadumo Suudi Xasan
W/Waqaafta iyo Diinta Sh. Maxamed Suufi
W/Boosaha iyo Isgaadhsiinta Cali Maxamuud Axmed (Sandule)
Cali Sheekh
W/Wershedaha iyo Tamarta Axmed Cali Ubaxle
W/Dalxiiska C/raxmaan Waaberi Maxamed Axmed Faarax
W/Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir
Cali Cilmi Geele
W/Kaluumaysiga Cali Maxamed Qoor-seef Maxamuud Maxamed Nuur (Bigays)
W/Duulista Hawada Cali Maxamed Wrancade Axmed Maxamuud Cagadable
W/Ciyaaraha iyo Dhalinyaarada 1-Maxamuud Siciid
W/Gaashaandhiga Saleebaan Warsame Guuleed
Axmed Maxamed Filanwaa
W/Qorshaynta Cali Ibraahin (Cali Sanyare)
Axmed Xaashi
W/Dibdejinta Maxamed Yuusuf Cismaan C/xakiim Garaad Maxamed
W/arrimaha Debeda C/llaahi Maxamed Ducaale
Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse) C/raxmaan Cismaan
W/Xidhiidhka golayasha Xuseen Caynaan
W/Madaxtooyada Xasan Cali Ducaale (X.Macalin)
Tirada 26 18 8 52
Prepared By. Carraale M. Jama
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com