Muqdisho(ANN) Hogaamiyaha dawladda taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif ayaa sheegay in la ilaawi karin inay Somaliland qayb weyn ku lahayd xoreynta waqtigii gumaysiga iyo midnimadii Soomaali weyn. Sidoo kale Sheekh Shriif wuxuu xusay inay Somaliland ka hirgeliyeen
deegaannadooda horumar dhinaca nabadda iyo siyaasadda ah taas oo aan la dafiri karin ayuu yidhi.“Dowladda KMG ah waxay diyaar u tahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u saarto guddi si wadahadal loola billaabi lahaa walaalaheen Somaliland, iyadoo laga faa’iideysanayo fursadda billaabatay,” ayuu yidhi Shariif Sheek Axmed.oo maanta ka hadlayay munaasibada maalinta haweenka ee 8 March oo lagu xusay Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay in dawladda KMG ah ay ka shaqeynayso burburinta maamullada dalka ka jira, balse wuxuu sheegay inay taageerayso DKMG ah horumarka iyo midnimadooda, isagoo sheegay inay u haystaan inay tahay guul ummadda Soomaaliyeed u soo hoyatay.
Sidoo kale, Shariif Sheekh wuxuu sheegay in dowladda KMG ah aanay albabbada ka laabanayn dadka cabashada qaba, balse ay u furayso cid walba oo wax tabanaysa, waajibna ay ku tahay inay raadiso dawladu fursad lagu mideyn karo Soomaaliya oo dhan, ayuu ku dooday, isagoo arrintaa ka hadlayanaya wuxuu yidhi, “Baryahaan waxaa suuqa aad ugu jiray dowladdu waxay ka shaqeynaysaa inay burburiso Somaliland inay burburso Puntland taasna waxba kama jiraan, Annagu waxaan u arkaynay soo dhaweynta Khaatumo State arrin dan Soomaaliyeed ku jirto, ujeedaduna ay tahay in dadka la wada hadashiiyo nabadna lagu wada noolaado, taasna waan kala hadalnay walaalaheen in dowladdu aysan waxba bur-burinayn balse ay wax dhisayso,” ayuu yidhi Shiikh Shariif .
Madaxweynaha Soomaaliya ee taagta daran ayaa hadalkaa ka sheegay xaflad lagu xusayay maalinta haweenka adduunka ee 8-da March oo ka dhacday magaalada Muqdisho, isagoo munaasibadaa ammaan uga jeediyay haweenka iyo doorka ay kaga jiraan horumarinta bulshada
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com