London (ANN)- Hogaamiyayaal ka mid ah kuwa caalamka oo  khudbado ka jeediyey shirkii arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayey ee maanta  ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska, kuwaas  si qoto dheer  qudbadohooda ugu  falanqeeyeen dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira iyo sidii

 

xal loogu heli lahaa.
Khudbadaha madaxdu ka jeediyeen furitaankii shirkaas oo aad u dhaadheeraa, qaar ka mid ah qodobadii ugu xiisaha badnaa ee ku jiray hadaladii laga yidhi arrimaha Soomaaliya iyo qaabka looga bixi karo dawlad la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya, ayaanu idiinku soo koobnay halkan.
Ra’iisal-wasaaraha dawladda Ingiriiska David Cameron oo furitaankii shirkaas ka jeediyey khudbad aad u dheer, waxa uu ku nuux-nuuxsaday sida ay darruuriga u tahay in dadka Soomaalidu dhexdooda wax ka qabtaan dhibaatooyinka iyo mushkiladaha ragaadiyey dalkooda, isaga oo tilmaamay in dhibaatooyinkaasi aanay ahayn kuwo Soomaalida oo qudha saamayn ku yeelanaya.
“Dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya maaha kuwo saamaynaya dalka Soomaaliya oo qudha, innaga oo dhan bay saamayn innagu yeesheen. Marka aad eegto dal burbur iyo dawlad la’aaan ku jira, waxa xaqiiq ah inuu hoy u noqonayo argagixisadda iyo dhibaatooyinka. Budhcad-badeedu waxay khalkhal  geliyeen marib-biyood muhiim u ah ganacsiga, dalxiisayaasha ayaa la afduubanaayaa, dhalinyaro ayaa maskaxdooda la wasakhaynayaa oo laga dhigayaa asalraac argagixiso ah, waxaana ka soo abaqaalmaya argagixiso caga-juglayn ku haysa adduunka oo dhan.
Markaa haddii inteena kale oo dhami inta aynu gacmaha isla laabano dib u fadhiisano  oo iska daawano arrimahan natiijadooda waynu dambarsan doonaa, sidaa daraadeed haddii aynu nahay beesha caalamka danaheena ayaa ku jira in aynu isku dayno oo taageerno sidii dadka Soomaalida ahi wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinkooda,” ayuu yidhi Ra’iisal-wasaaraha Ingiriisku. Isaga carrabka ku adkeeyey in aanay doonin in Soomaaliya dusha lagaga keeno xal beesha caalamka ka yimaad, balse ay darruuri tahay in Soomaalidu dhexdeeda la yimaadaan siyaasad wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka raggaadiyey dalkooda, iyada oo dunida inteeda kalena ka taageeri doonto wixii looga baahdo.
Waxyaabaha xiisaha baddan eek u jiray khudbadda Ra’iisal-wasaraha Ingiriiska, waxa ka mid ahaa sida qiirada lahayd ee uu uga hadlay burburka ku yimi magaalada Muqdisho, waxaannu yidh; “Magaaladii Muqdisho ee waayo-waayo quruxda iyo bilicda lahayd xabad iyo rasaas baa naafaysay, qiimaheedii iyo meeqaamkeediina waxa dhulka la simay dagaalo.” Waxaannu Ra’iisal-wasaaruhu sheegay in haddii waxlaga qabto saddex qodob oo kala ah ammaanka, gargaarka bani’aadanimo iyo hannaanka siyaasadeed lagu guulaysan karo in xasilooni buuxda laga dhaliyo Soomaaliya, isla markaana la dhisi karo dawlad lagu wada heshiis yahay.

Ra’iisal-wasaaraha dalka Britain  David Camaron, ayaa si gaara  khudbadii uu ka jeediyay  shirkii London ee  lagu soo gunnaanaday magaalada London, waxa uu si gaar ah ugu soo qaatay doorka Jamhuuriyadda Somaliland ka qaadan karto la-dagaalanka budhcad-badeeda, isaga oo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Dhismaha nabadda waxa ka mid ah sidii budhcad-badeeda maxaabiis ahaan loogu hayn lahaa. Somaliland ayaana ogolaatay inay xabsiyadeeda ku hayso maxaabiista budhcad-badeeda ee xukunnada lagu rido.”
Hadaladan ka soo baxay madaxda iyo masuuliyiinta dawladda Ingiriiska ayaa muujinaya sida ay u danaynayaan arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo Somaliland ansixisay xeerar la xidhiidha budhcad-badeeda iyo kala wareejinta maxaabiista.

Xoghayaha Qaramada Midoobay oo isna shirkaas ka hadlay, ayaa sheegay in aad looga fogyahay sidii loo gaadhi lahaa hamiga ah in la tirtiro budhcad-badeeda, isaga oo arrintaas si xiiso baddan uga hadlayey, waxa uu yidhi;
“Iyadda oo hay’addihii ammaanku soo qaabaysanayaan, ayaa loo baahan yahay in hub-ka-dhigis lagu sameey Soomaaliya..aad baynu weli uga fognahay hamigeenna ah in la cidhib-tiro budhcad-badeeda iyo afduubyadda, ilaa 246 badmareeno caalami ah ayaa afduub loo haystaa oo in baddan oo ka mid ahi ka soo jeedaan dalalka horumarka gaadhay, waxa loo baahan yahay in Soomaalida la siiyo  fursad dhab ah oo ay ku heli karaan hannaan nololeed oo lagaga maarmo dhibaatooyinka iyo budhcad-badeednimada, iyada oo mustaqbalkooda la dhisayo,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo hadal ka jeediyey furitaankii shirka London, waxa uu tilmaamay in shirkani jabiyey siyaasadii iska dhegotirida dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaliya, isaga oo xusay in muddo ka baddan 20 sanno oo dhibaatooyin la iska indhotiray ka jireen Soomaaliya hadda loo guntaday sidii dalka Soomaaliya cagta loogu saari lahaa tubta xasiloonida iyo horumarka.
“Shirkani waxa uu ku soo beegmay xilli fursado fiicani ka jiraan Soomaaliya, iyada oo bilihii u dambeeyey lagu tallaabsaday guulo laga gaadhay dhinaca ammaanka, ciidammada AMISOM iyo kuwa dawladda Sheekh Shariif, waxay sii wadaan sidii loo xasilin lahaa Soomaaliya, iyaga oo kaashanaya xulafadooda, waxaanan si gaar ah ugu mahadnaqayaa dalalka Brundi, Uganda iyo Jabuuti oo qiimokasta ku bixiyey sidii Soomaaliya loo xasilin lahaa, waxaanan dalalka kale ee Qaarada Afrika ugu baaqayaa inay gacan ka gaystaan soo afjarida mashaakilaadka Soomaaliya” ayuu yidhi madaxweynaha dalka Kenya, isaga oo tilmaamay in dawladiisu qayb libaax ka qaadatay sidii dawlad awood leh loogu dhisi lahaa dalka Soomaaliya, isla markaana ciidammada Kenya dhul baddan ka xoreeyeen kooxda Al-shabaab.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda dalka Maraykanka Hillary Clinton oo iyaduna furitaankii shirkaas hadal ka jeedisay, ayaa u quus goysay dawladda Sheekh Shariif iyo cidkasta oo ka hortimaad hannaanka nabadda dalka Soomaaliya, waxaana erayadeedii xiisaha lahaa ka mid ahaa; “Hadaannu nahay dalka Maraykanka ogolaanmayno in mudada loo kordhiyo dawladda Sheekh Shariif marka wakhtigoodu dhammaado bisha Augost ee sannadkan 2012, waxa kale oo aanan u dulqaadan doonin cidda ka hortimaad hannaanka nabadda, waxaanna lagu ciqaabi doonaa in xayiraad laga saaro hantidooda iyo dhinaca socdaalkaba.”
Ra’iisal-wasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi oo isna xafladii furitaanka shirka London hadal ka jeediyey, ayaa ku faanay in ciidammadiisa iyo kuwa dawladda Sheekh Shariif ay kooxda Al-shaabaab ka xoreeyeen magaalada Baydhabo iyo guud ahaanba degaannada Bay iyo Bakool ee dalka Soomaaliya.
Waxa kale oo shirkaas ka hadlay madax baddan oo ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka DJabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,  oo sheegay inay lagama maarmaan tahay inay Somaliland iyo Somalia wada hadlaan mustaqbalooda. Sidoo kale wuxuu ka digay in ciidamo shisheeye la geeyo Somalia, isagoo  tusaale usoo qaatay  mushkiladii ka dhalatay ciidamadii shisheeye ee Somalia. sidoo kale Raysal wasaaraha Ethiopia Malez Sanawi, ayaa ku faanay inay ciidamadiisa iyo kuwa dawladda ku meel gaadha ahi shalay ka saareen Baydhabo Al-shabaab, isagoo dhinaca kalena xusay inuu shairkani yahay mid rajo iyo yididiilo u ah Soomaalida, isla markaana wuxuu Malez amaanay shirkii Garoowe. 
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo qudbad ka jeediyay madasha shirkii qaybtii danbe oo albaabada loo xidhay, ayaanu qaybaha danbe kusoo gudbin doonaa iyo sidoo kale qodobada shirkaa laga soo saaray eek u wajaahan mushkilada Somalia.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *