London(ANN)Ku dhowaad hal  milyan oo Somalilander ah ayaa isugu soo baxay maanta Fagaaraha Down Street ee Magaalada London oo ah barxada hore ee xafiiska raysal wasaaraha Britain David Cameron , kuwaas oo banaanbax si weyn usoo jiitay ku qabtay halkaa, isla markaana kusoo beegay

 

xili uu Madaxweynaha Somaliland kula kulmayay xafiiskiisa  Raysal wasaare David Cameron.
Fagaaraha waxa hadheeyay boqolaal kun oo qof oo sita calanka Somaliland iyo boodhadh ay ku xardheen halku dhegyo ka turjumaya rabitaanka shacbiga Somaliland oo lagu qoray luqado kala duwan, waxayna Jahliyadaha Somaliland ee Britain banaanbaxaa abaabulayeen todobaadyadii u danbeeyay, iyagoo kala yimi dadka ka qay galay dalka UK iyo Yurubta kaleba.

Banaanbaxa ayaa loogu talo galay shirka arrimaha Somalia ee maalinta beri ka furmaya London, kaas oo lagaga hadlayo arrimaha Somalia, isla markaana ay hawshiisa maamulay dawladda Britain.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo), ayaa kulanka uu la yeeshay Raysal wasaaraha Britain. Kadib wuxuu dhexqaaday boqolaalka kun ee Somalilanderka ah ee isugu soo baxay fagaarahaa, kuwaas oo u adkaystay Baraka ka dhacaya xilagan oo qaboobe ah London, isla markaana dusha roob ka hayay, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo dhexgalay bulshada Somaliland ee fagaaraha sida weyn u buux dhaafiyay, kuwaas oo marba marka ka danbaysa kusoo badanayay, iyadoo warbaahinta caalamku iyo ergooyinka ka socda dawladaha iyo Hay’addaha caalamiga ah ee shirka ka qaybgelaya soo jiitay.

Banaanbaxa ka dhacay Down Street ee Magaalada London, ayaa lagu qiyaasay kii ugu balaadhnaa ee bulshada Somaliland ku qabato dalkaa mudadii labaatanka sanadood ahayd ee ay jirtay, waxa kale oo kala qaybgalay mudanayaal u dhashay Britain iyo saaxiibo baddan oo kale, kuwaas oo taageera qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo sidii ay aqoonsi uga heli lahayd beesha caalamka , iyadoo Banaanbax kaas oo kale ah maanta lagu qabtay safaarada Britain ku leedahay dalka Holland, kaas ujeedadiisu tahay inuu xoojiyo Isu soo baxa balaadhan ee London oo lagu muujinayo sida ay Bulshada Somaliland beesha caalamka uga codsanayso aqoonsiga madaxbanaanideeda ku dhisan rabitaanka shacbiga.

 

Sidoo kale  Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu waxay  kulan la yeesheen Wasiirrka  arrimaha debedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Britain, iyagoo  ka wada hadlay  cilaaqaadka ka dhaxeeya labada qaran iyo arrimo la xidhiidha shirka London.
Dhinaca kale  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), wuxuu  maanta ka furay magaaladda London urur cusub oo la yidhaahdo ururka iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo ay ku jiraan aqoon yahano u dhashay Britain oo ka mid ah saaxiibadda Somaliland iyo jaaliyadda Somaliland ee Britain.

426516_394700450545358_100000162187773_1751470_77822936_n
Shirka oo ay ka qaybgelayaan in ka baddan afartan hogaamiye oo ka socda dawladaha hormoodka u ah dinida, ayaa la filayaa inay Somaliland ka hesho fursad weyn oo wax ka taray qadiyada madaxbanaanideeda, iyadoo la filayo in go’aamada kasoo baxa loo gudbiyo golaha amaanka ee qaramada midoobay si ay u meel mariyaan.

338207_3394213777100_1322360017_33409614_1048138492_o

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *