Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxmuud (Siilaanyo) iyo xubnihii u danbeeyay ee wefdiga Somaliland ee ka qaybgelaya shirka arrimaha Somalia ee loo qorsheeyay inuu ka dhaco dalka Britain todobaadka danbe ayaa Sabtida 18, Feb, 2012 ka dhoofaya dalka.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Somaliland oo sheegaya safarka madaxweynaha ee beri, meelaha uu ku sii hakan doono iyo tirada rasmiga ah ee xubnaha ka noqonaya wefdiga Madaxweynaha ee loo qorsheeyay inay noqdaan xubnaha wefdiga Somaliland ee raacaya madaxweynaha.Hase yeeshee warar xog ogaal u ah safarka Madaxweyne Siilaanyo ayaa u sheegay shebekada Araweelonews inuu Madaxweyne Siilaanyo ka hor inta aanu u boqoolin dhinaca dalka Britain, kusii hakan doono dalalka Kenya iyo Ethiopia, iyadoo markaa ka dibna wefdiga Somaliland oo aan ilaa hada la hayn tirada rasmiga ah ee ka qaybgelay shirkaa ka raacayaan dalka Ethiopia, kuwaas oo intooda badani si habaqle ah uga baxeen dalka todobaadkii hore, iyadoo ay jiraan xubno kale oo wefdigaa ka mid ah oo iyagu mar hore u boqoolay dhinaca dalka Djibouti, kuwaas oo iyaguna la filayo inay maalmaha soo socda wefdiga Madaxweynaha Somaliland kaga biiraan dalka Ethiopia.
Wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo wacyi-gelinta Axmed Cabdi Xaabsade, oo hogaaminaya kooxdii ugu badnayd ee mar ka wada baxda dalka, isla markaana u boqoolay dalka Ethiopia si ay halkaa ugu sugaan Madaxweynaha Somaliland ayaa todobaadkii hore ka talaabay xadka Magaalada Wajaale, waxaana xubno ka ahaa kooxdaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE , Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha xisbiga UCID . Faysal Cali Waraabe, Ku simaha Guddoomiyaha ahna, Guddoomiye Ku xigeenka UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiye xigeenka labaad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali (Siciid Tima weyne), xubno kale oo ah Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiiladda, kuwaas oo kala ah, Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen(Cabdi-waraabe) oo ka tirsan Golaha Guurtida, Xildhibaaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ka tirsan Golaha Guurtida, xildhibaan Siciid C/llaahi Yaasir oo guurtida ah, Mahdi Xuseen Cadare Xildhibaan iyo Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka tirsan Golaha Wakiilada. Laakiin waxa jira warar kale oo sheegaya inay jiraan xildhibaano iyo shaqsiyaad kale oo iyaguna doonaya inay ka mid noqdaan wefdiga madaxweynaha oo dalka Ethiopia u boqoolay, kuwaas oo aan qayb ka ahayn kooxda wasiirada iyo masuuliyiinta sadexda xisbi iyo Baarlamaanka.
Sida ay sheegayaan xoggo shebekada wararka Araweelonews ka heshay socdaalka xubnaha wefdiga ee sida habaqlaha u galay dalka Ethiopia. Ayaa sababay inay Dawlada Ethiopia ka dalbato xukuumadda Somaliland inay u gudbiso liiska rasmiga ah ee tirada dadka wefdiga Madaxweynaha Somaliland raacaya ee hawlahooda kasii dhamaysnaya Addis –ababa, si loo sugo nidaamka iyo amaanka, balse xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada soo saarin shaacin liiska magacyada iyo tirada wefdiga Madaxweyne Siilaanyo u raacaya dalka Britain oo aan ilaa hada si dhab ah loo ogayn, taas oo u muuqata inuu jiro is dhexyaac iyo habqan kala daadsanaan la xidhiidha diyaargarawga safarkaa Madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaanimayo oo noqonaya wefdigii ugu cuslayd ee labaatankii sanandood ee ay jirtay Somaliland ka qaybgala shir caalamiya oo aan noociisa hore loogu qaban mushkilada Somalia, iyadoo dhinaca kalena wefdigani noqonayaan kii ugu cuslaa, ama ugu miisaanka weynahaa ee Somaliland u dirto dal kale.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com