Muqdisho(ANN) Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama Somalia ayaa sheegay inay isku biireen Urur weynaha Al-Qaida ee ku filqan caalamka oo horeba loola xidhiidhinayay.Sida lagu sheegay  shebekada ku hadasha afka Al-shabaab, Sheikh Mukhtaar Abu Zubeyr
oo ah hogaamiyaha Al-shabaab ayaa fariin cod ah u diray Amiirka Al-Qaida ee Caalamka Sheikh Dr Ayman Al- Dawaahiri. Fariintaa ayaa lagu sheegay in Sheikh Abu Zubeyr oo ka wakiil ah Madaxda iyo askarta Xarakada Mujaahidiinta Al- Shabaab ay Bayco la galayaan uruweynaha Caalamka ee Al Qaida. Iyadoo dhinaca kalena Sheikh Dr. Ayman Al -Dawaahiri uu soo dhaweeyey inay  ku biiraan urur-weynaha Al- Qaida Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee ka dagalaama Somalia.
Maxamed Yusuf  Indhacade oo hore u ahaan jiray qabqablayaashii dagaalka ee Somalia,  isla markaana mar ka tirsanaa kooxda Al –shabaab, waqtigana sarkaal dawladda taagta daran ee Somlia ah,  ayaa sheegay in xiligii uu ku jiray Al -shabab ay ka tirsanayd  Urur weynaha Al -Qaida, balse ay jirtay afkaar lagu kala qaybsanaa xiligaa oo ahayd  koox  doonaysay in  dalka lagu xukumo Diinta islaamka iyo kuwa ku shaqeynayay afkaarta dhabta ah ee  Al –Qaida.
Yuusuf Indhacade ayaa sheegay in Dr. Ayman Al-Dawaahiri iyo Axmed Godanena (Abu Zubayr) ay yihiin wiil iyo aabihii  oo aanay waxba soo kordhinayn  isku biiritaanka kooxda Al- shabaab iyo ururka Al –Qaida.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlada taagta daran ee  Somalia Sheekh shariif ayaa ka hadlay aas- aaskii kooxda Al- shabaab iyo doorkii uu ku lahaa, iyadoo dadka  reer  Muqdisho qaarkood rumaysan yihiin inuu weli xidhiidh la leeyahay kooxdaa. Shariif waxa uu  sheegay in markii horaba uu ogaa in kooxda Al -shabaab ay  jireen,  balse ay soo shaac bixiyeen. 
Sheekh  Shariid, waxa uu sheegay inuu  2004,  ka tirsanaa 7 maxkamadood o muqdisho ka jirtay, kuwaas oo sida uu xusay la  doonayay in Soomaaliya lagu dhaqo Diinta islaamka,  balse ay ogaadeen xili danbe inay soo baxeen dad aan  ka tirsanayn  tirada  maxkamaddahaa oo Al -shabaab ahaa, kuwaas oo sida uu xusay diiday  inay  ku  biiraan maxkamaddaha todobada ahaa ee Muqdisho ka jiray.
Laakiin xiligii kooxdii la dagaalanka aragagixisada ee hogaamiye kooxdeedyada dagaalkii  lagaga  erayay Muqdisho  ay kooxdooda Maxaakimiintu arkeen iyadoo Al-shabaab doonaya inay ka qaybqaataan dagaalka hogaamiye kooxeedyada, taas oo ay soo dhoweeyeen, isla markaana ay fursad weyn ka heleen Al-shabaab dagaalkaa lagu eryay hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho. Kadibna waqtigii maxkamaddaha ee lixda bilood ahaa ay ku fideen meelo baddan Al-shabaab oo ay fursad kale sii heleen 2006.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *