Hargeysa (ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa ku diyaarisay qorshe la doonayo in lagu  dhiso guddi gaar ah oo ka shaqeysa sidii Somlaliland beesha caalamka uga raadsan lahayd aqoonsi caalami ah. Sidoo kale  ayaa loo qorsheeyay in loo samaynayo sanduuq gaar ah oo loogu

shubo kharashaadka ku baxaya hawlahooda ictiraaf raadineed ee loo xil-saaray, kaas oo kharaska laga saarayo uu ogolaanshaheeda yeelanayo Madaxwaynuhu.
Guddidan oo noqonaysa tii ugu horeysay ee loo xil-saaro hawsha ictiraaf-raadinta ayaa la sheegay in Guddoomiye looga dhigayo Wasiirka arimaha dibada Somaliland, sida lagu sheegay qoraal uu Madaxwaynuhu soo saaray oo uu ku dhaqan galiyey siyaasada guud ee miisaaniyadda qaranka 2012-ka, iyadoo qoraalkaa lagu yidhi,  “Waa in la sameeyo sanduuq lagu shubo kharashka lagu raadinayo aqoonsiga Caalamiga ah ee dawlada Soamliland, Madax xigeena Miisaaniyadda lagu daro, kaas oo ku jiraya wasaarada arimaha dibada isla-markaana la Magacaabo guddi u xil-saaran raadinta aqoonsiga Somaliland, guddida waxa guddoomiye ku noqonaya wasiirka arimaha dibada, ogolaansha kharashka sanduuqaas waxa yeelanaya Madaxwaynaha” ayuu Madaxwaynuhu qoraalkiisan ku yidhi.
Guddidaa  oo uu  magcaabay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  ayaa  noqonaysa tii ugu horeysay ee la sameeyo tan iyo intii Somaliland madax-banaanideeda kala soo noqotay dalka Soomaliya,  waxayna noqonayaan guddi shacabka iyo dawladuba ay si gaar ah wax uga waydiiyaan dedaalada aqoonsi raadinta ee loo xil-saaray iyo waxa uga hirgalay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *