images/stories/wefdiga djabouti.png Hargeysa(ANN) Wefti ka socda wadanka Djibouti ayaa galabta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, wefdigaa oo uu hogaaminayo Wasiirka warfaafinta iyo Isgaadhsiinta dalka Djibouti Cali Cabdi Faarax, waxaana halkaa kusoo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Xilka Wareejinaysa Cabdillaahi M. Ducaale, Dr. Maxamed Cabdillaahi xoghayaha Xisbiga KULMIYE , masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan golayaasha Baarlamaanka.
Weftigan oo ka kooban 16 Xubnood oo ay ka mid yihiin Wasiirka iskaashiga iyo xidhiidhka caalamiga ah, iyo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Jabuuti, iyo saraakiil ka tirsan dalkaa ayaa mar ay qolka nasashada ee madaarka warbaahintu kula kulantay , waxa eroyo kooban oo uu halkaa ka yidhi ku sharaxay ujeedada socdaalka wefdiga Wasiirka warfaafinta iyo Isgaadhsiinta dawlada Djibouti Cali Cabdi faarax , waxaanu u nimi si aanu ula ciidno umadda aanu walaalaha nahay ee reer Somaliland, ugana qayb-galno munaasibada caleemo saarka Madaxwaynaha Axmed Maxamed Maxamuud, oo sida quruxda badan ee loo doortay aanu ognahay, doorashadana aanu ku faraxnay, cidii Somaliland ul iyo diir iyo walaalnimo la wadaagaysay way ku faraxday doorashadaa xalaasha ah iyo dawlada dimuqraadiga ah iyo casharka Somaliland Afrika iyo adduunkaba u dhigtay, markaa anagu haddii aanu nahay reer Jabuuti waanu ku faraxnay.”
Cali Cabdi Faarax waxa oo uu tilmaamay doorashadii Somaliland iyo wacyigii shacbiga Djibouti , “Anagu haddii aanu reer Jabuuti nahay doorashada waanu idinkula jirnay, habeenkii ay dooarshadu dhacaysayna waanu idinla soconay, habeenkii loo soo jeedayna waanu idinla soo jeednay, Waad faraxdeen anaguna waanu idinla faraxnay oo waanu idiin faraxnay, markaa wanaag iyo walaalnimo ayaanu idiinka sidnaa Madaxwaynaha iyo shacabka Jabuuti ee aad walaalaha tihiin.” Ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta Djibouti. Munaasibadda ay wefdigu u yimaadeen ee ay xilka kula kala wareegi doonaan Madaxweynaha la doortay iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland oo ku beegan Salaasada 27 July., taas oo loo qorsheeyay in lagu qabto xarunta Madaxtooyadda Somaliland.
Sidoo kale waxa la filayaa inay saacadaha soo socda dalka soo gaadhaan Wufuud ka kala socota Dalalka Itoobiya, Kiiniya, wadamo kale iyo Dublamaasiyiin, kuwaas oo la filayo inay ka qayb galaan munaasibadaha xilka ay kulak ala wareegayaan labada Madaxweyne ee Daahir Rayaale Kaahin oo xilka wareejinaya iyo Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xilka la wareegaya, iyadoo munaasibada xil wareejinta ay ku lamaan tahay dhaarta dastuuriga ah ee Madaxweynaha cusub.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com