Hargeysa(ANN)-Qiimaha shidaalka, maceeshada  iyo doollarka ayaa  dhaqdhqaaq sameeyay wixii ka danbeeyay doorashada madaxtooyada Somaliland ee natiijadeeda lagu dhawaaqay 1 July 2010. Waxaana hoos u dhacay qiimaha shidaalka gaar ahaan Naaftada, halka Batroolka oo aan waxba ka dhicin maalmihii u danbeeyay kor u kacay. Sidoo kale qiimaha   suuqyada sarifka lacagaha qalaad ayaa  laga dareemayay dhaqdhaqaaq saayida, iyadoo qiimaha lacagta

 dollarka oo $ 100  boqolka lagu sarifayay 690.000 .s/sh, gacanta danbe uu smaalmihii u danbeeyay gaadhay 670, 000, halka gacanta horena qiimaha boqolka dollar ahaa 650.000.
Qiimaha maceeshada ayaa isna inta badan hoos u dhacay, marka laga reebo sonkorta oo si weyn kor ugu kacday, tusaale ahaan kiishka sonkorta ah ayaa gaadhay $ 40. (afartan) dollar iyo saayid, halkii uu ahaa $ 29 (sagaal iyo labaatan) laakiin qiimaha maceeshada kale sida Bariiska, Daqiiqda iyo Baastada ayaa hoos u dhacay, iyadoo  kiishka 50kg ee Bariiska ah uu hada gaadhay  $26 , halkii uu ahaa $30 (sodon) dollar   iyo saayid, isla markaana Daqiiqda, Baastada iyo maceeshada kale ayaa hoos u dhacday wixii ka danbeeyay doorashada madaxtooyada Somalilnd. Laakiin qiimaha sonkorta ayaa si weyn kor ugu kacday, waxayna dadka ka ganacsatada maceeshadu ku tilmaameen kor u kaca sonkorta mid ganacsatada soo dejisaa marka ay ogaadaan inay ka dhamaato ka kale ay hakiyaan raashinka nooca markaa yaraanaya si ay u kordhiyaan qiimaha. Sidaa awgeed sonkorta qiimaha la kordhiyay uu yahay mid ka yimi dhinaca ganacsatada keena, balse aanu xidhiidh la lahayn meelo kale.
Sdioo kale waxay hoos u dhaca qiimaha maceeshada kale ku tilmaameen mid marka horeba aan ku xidhnayn suuqyada caalamka, balse ku xidhnayd oo keliya kooxda yare e ka ganacsada oo marba waxa ay doonaan qiimaha kordhiya, wixii ay doonana dhima, maadaama aanu jirin nidaam dawladeed oo la xisaabtamayaa, “anaga waxa na xukuma tijaarta wax keenta, iiyaga ayaanu u shaqaynaa, markay doonaana way dhimaan, markay doonaana way kordhiyaan” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ganacsatada bakhaarada waaweyn ee hargeysa oo shebekada wararka ee Araweelonews weydiisay sababta qiimaha maceeshadu hoos ugu dhacday, iyadoo sonkortuna si aan caadi ahayn kor ugu kacday.
“ganacsatadu afar qof oo is garanaya oo isu war haya, markuu mid ogaado inay ka kale wax ka go’an yihiin ayuu iibkii xidhayaa, maalin kadibna wuxuu qiimaha ka dhigayaa sida uu doono” sidaana waxa yidhi mid ka mid ah dadka Bakhaarada bagaashka ku iibiya magaalada Hargeysa oo shebekada Araweelonews la kulantay.
 
Sidoo kale qiimaha shidaalka ayaa hoos u dhacay, gaar ahaan Naaftada oo halkii Litir ahaa 5700 (shan kun iyo todoba boqol), taas oo halkii litir gaadhay 4800 (afar kun iyo sideed boqol ) oo lacagta somaliland ah. Laakiin qiimaha Batroolka oo halkiisii taagnaa wixii ka danbeeyay doorashada Somaliland ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay kor u kacay, tusaale ahaan halka qiimaha Litirka Batroolku ahaa mudooyinkii u danbeeyay 5500 (shan kun iyo shan boqol) oo,lacagta Somaliland ah.  Waxa labadii maalmood ee u danbeeyay uu gaadhay halkii Litir 5800 (shan kun iyo sideed Boqol) oo lacagta Somaliland ah. Iyadoo halkii Litir ay ku korodhay 300s/l.sh. ah  halka Litirka Naaftada ah ay ka dhacday 800 s/l sh.
Naaftadu waxay ka timi  meelo badan, wixii ka danbeeyay doorashada madaxtooyada Somaliland, taas ayaana keentay in qiimaheedu hoos u dhaco. Waxayna khasab ku noqotay shirkada Total  inay iyaduna jebiso Naaftada markii  meelo badan laga keenay.  Laakiin Batroolku  sida Naaftada meelo kale kama iman, waana sababta uu qiimihiisu u degi waayay, waqtigana wuu kordhay qiimihiisu, sababtoo ah shirkada total ayaa laga waayay Batrool. Lmaalmihii u danbeeyayna waxa Batroolku nooga imanayay dhinaca Boosaaso”. Sidaa waxa yidhi Maamulaha Kaalinta Habane Khadar Cabdi Xuseen oo shebekada araweelonews weydiisay sababta qiimaha shidaalka ee Naaftadu u degtay iyadoo Batroolkuna kor u kacay maalmihii u danbeeyay.
Sidoo kale warar ku saabsan shidaalka iyo sababta ay Naaftadu hoos ugu dhacday mudooyinkii u danbeeyay suuqyada shidaalka Somaliland, isla markaana Batroolka oo halkii laga filayay inuu hoos u dhaco waqtigan kor u kacay  ayaa qaar ka mid ah shirkadaha ka ganacsada shidaalku waxay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen in Naaftadu ka timi meelo badan sida Ethiopia, Yemen iyo  Djibouti  . sidaa awgeed ay hoos u dhacday, isla markaana ay khasab ku noqotay inay iyaguna qiimaha dhimaan shirkada kootada ku haysata Haamaha shidaalka ee Total iyo shirkada Red sea ee keenta iyaduna shidaalka.
Hase yeeshee maalmihii u danbeeyay ayuu qiimaha Batroolku kor u kacay, iyadoo halkii Litir oo qiimihiisu ahaa 5500(shan kun iyo shan boqol ) uu hada gaadhay 5800(shan kun iyo sideed boqol) oo lacagta Somaliland ah. Qiimaha Batroolka ee waqtigan kor u kacay ayay  dadka u dhuun daloola ee ka ganacsada shidaalku ku tilmaameen inay sabab u tahay markii ay gebi ahaanba Haamaha faaruqisay shirkada shidaalka ku haysata kootada ee Total, taas oo sababtay inay  ganacsatada shidaalku safaradooda u jiheeyeen meelo kale oo ay Batrool kaga doontaan sida dhinaca Puntland ee Boosaaso iyo meelo kale.
     Dhaqdhaqaaqa maceeshada iyo shidaalka ee waqtigan ayaa kusoo beegmay xili ay Somaliland ka dhacday doorashadii madaxtooyada,  yadoo aanu weli madaxweynaha cusub ee la doortay la wareegin xafiiska, balse waxa jira warar sheegaya inay tani horseed u tahay isbedelka cusub ee dalka ka dhacay, maadaama ay kooxda ganacsatada badeecadaha maceeshada  iyo kooxaha ka ganacsada shidaalka ee uu kootada ugu xidhnaa si weyn  uga cabsi qabaan dawlada cusub ee Somaliland oo ay u qorshaysan tahay inay talaabooyinka ugu horeeya ee ay qaaday u jihayso dhinaca shidaalka iyo Raashinka, si  maceeshada iyo nolosha bulshadu ugu soo noqoto mid degan.
Shebekada wararka ee araweelonews ayaa horaantii bishan baahisay inay jiraan   tibaaxo warar sheegaya  inay kooxda shirkada Total ee qandaraaska kootada ku haysatay Haamaha shidaalku hoos u riday shidaalka, gaar ahaan Naaftada, taas oo ujeedadeedu tahay si ay  u faaruqiyaan Haamaha shidaalka. Ka hor inta aan madaxweynaha cusubi la wareegin xafiiska.
Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata inay rajada iyo yididiilada shacbiga Somaliland kor u kacaday, isla markaana la saadaalinayo in madaxweynaha cusubi talaabooyin hor leh qaado marka loo dhaariyo xilka, waxaase la rumaysan yahay inay kooxda madaxweynihii laga guulaystay ay waxyaabo badan kusii fara laabi doonto ka hor inta aan xilka lagala wareegin maalmaha  soo socda, iyadoo tan iyo wixii ka danbeeyay.markii ay komishanka doorashooyinka qaranku ku dhawaaqeen natiijada doorashada ay soo baxyeen fadeexado dhul boob  iyo hantida qaranka sida gaadiidka oo ay ku kaceen masuuliyiinta xukuumada Rayaale ee aan weli laga wareejin xilka.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *