Hargeysa(ANN)Khilaafka labada garab ee muranka weyni ka aloosanyahay ee Xisbiga mucaaridka UDUB, ayaa cirka isku shareeray, iyadoo labada dhinac weedho eedaymo iyo beenin ah isu marinayaan warbaahinta maalmihii u danbeeyay. Kadib markii garab ka mid ah gudida fulintu u doorteen

Musharaxa doorashada madaxtooyada ee soo socota Jamaal Cali Xuseen oo ah aqoonayahan doonaya inuu u tartamo jagada madaxweynaha ee xisbigaa marka la gaadho doorashada.
Hase yeeshee garabka kale ayaa gaashaanka ku dhiftay arrintaa, iyadoo gudoomiyihii xisbigaa Daahir Rayaale oo baaq usoo diray in la hakiyo doorashadaa ay ku gacan saydheen garabka uu hogaamiyo Axmed Yuusuf Yaasin oo ku xigeenkiisa ah, iyadoo uu ku dooday inuu gudoomiyuhu hawshaa u wakiishay ka hor intii aan talaabo la qaadin, isla markaana kooxda warancade ay ahaayeen kuwii hawlaha la maamulayay ee soo sameeyay qorshaha isaga lagu eedaynayo ee xisbiga.
Laakiin Xubno ka mid ah Gudida fulinta ee xisbiga UDUB oo daba socda hadalka Gudoomiye xigeenka Axmed Yuusuf, ayaa maanta shir-saxaafdeed  ay ku qabteen Huteelka Safaari ee magaaladda Hargeysa waxay ku eedeeyeen Ku simaha Guddoomiyaha UDUB inuu marin habaabiyay Hoggaankii xisbiga ee sida ku meel gaadhka ah uu u hayay.
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa si kulul u weeraray  ku simaha Guddoomiyaha UDUB, Madaxweyne xigeenkii hore Axmed Yaasiin,  waxaanu  yidhi “Axmed Yuusuf Yaasiin waa kii dhawaan ka hadlay  warbaahinta, waxyaabo badan ayuu ka hadlay waxaan idiin sheegayaa hadalkiisaasi waxyaabaha been abuurka ah ee ku jiray. Madaxweynihii hore ahna Guddoomiyahayagu wuxuu soo diray email, fariintii email-kaasi ku qornayd waa kii ku simuhu lahaa waxa la ii igmaday inaan hawlihii xisbiga dhamaystiro bilow illaa dhamaad. Waraaqdaasi wuxuu Daahir Rayaale u soo igmaday ku xigeenkiisii iyo 35 xubnood oo xisbiga ka tirsan inay dhamaystiraan shirkii Golaha dhexe oo qudha.
Laakiin Ku simuhu wuu na  marin habaabiyay oo iyadoo waraaqda aanu ka helay Guddoomiyaha nalooma sheegin inay ku eg tahay dhismaha golaha dhexe oo qudha, waxa uu yidhi waxaanu dhamaystiraynaa hawlihii xisbiga oo dhan haddii ay tahay xeer hoosaadka wax laga bedelay oo aanu kala shaqaynay,”ayuu yidhi Axmed Xaaji Daahir.
Wasiirkii hore ee warfaafintu wuxuu sheegay inuu ka mid yahay murashixiinta u taagan madaxweyne Ku Xigeenka, isla markaana uu gudbiyay CV-giisii iyo lacagtii curaarta ahayd ee lagu xidhay, waxaanu ku dooday inaanu ku simaha Guddoomiyuhu aanu soo hadal qaadinba.
Sidoo waxa halkaa ka hadlay ku simaha Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB C/Xaliim Maxamed Muuse, isagoo  yidhi,  “Waxaan jecelahay inaan qodobo yar ka taabto khilaafka xisbiga UDUB anigoo aad uga xun oo aad ii dhibayso. Waxaan xisbiga UDUB ku dhacay runtii khilaaf muu ahayne’e boob ayuu ahaa. Xisbiga waxa sii waday maamulkiisa laba ku sime oo kala ah Ku simaha Xoghayaha iyo ku simaha Guddoomiyaha sanadkaas iyo badhkaasi anaga ayaa xisbiga soo wadnay maalmihii u dambeeyay waxaad moodaa inuu shaydaan naga dhex toosay oo khilaafka xisbiga loo soo maray dhinicii ku simaha Guddoomiyaha Axmed Yuusuf Yaasiin isagaa horseed ka ah khilaafkan oo si jujuub ah oo bilaa karaamo ah oo aanu xisbigii qadarin u dhaqmay. Guddoomiye ku xigeenku wuxuu doonayay Guddoomiye oo wuxuu na lahaa Daahir Rayaale ila riixa. Markii dambena isagaaba sheegay inuu u yeedhay inankan (Jamaal Cali Xuseen).”
C/xaliim Ku simaha Xoghayuhu wuxuu sheegay in xafiiskiisa lagu soo ururinayay araajida murashaxiinta, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Axmed Yuusuf Yaasiin oo sheegayay in Jamaal Cali Xuseen uu shubay lacagtii kaydka xisbiga oo dhamayd $ 285 kun oo Dollar.
Dhinaca kale waxa jira baaqyo loogu soo jeedinayo labada dhinac inay miiska wadahadalka isugu yimaadaan oo ay ka shaqeeyaan sidii ay u badbaadin lahaayeen xisbiga. Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha  urur-siyaasadeedka WADANI,  C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), wuxuuna usoo jeediyay labada dhinac inay  khilaafka ba’an ee garabada u kala qeybiyay xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ay  ku xaliyaan sida ugu wanaagsan ee ay u dabiibi karaan, isagoo ugu baaqay inay raacaan halka aqlabiyadu marto.
Gudoomiyaha Wadani, wuxuu isagoo la hadlaya labada dhinac ee UDUB yidhi, “Arrinta UDUB shirkeeda iyo cida ay dooranayso waa arrin ku koobay xisbigaasi oo kaliya, waxaanu jecel nahay uun in arrintoodu si wanaagsan ku dhammaadaan. Wixii khilaaf ahna waxaanu jecelahay inay gudahooda ka xalistaan.”
Guddoomiyaha oo ka hadlaya dhinaca shuruucda marka khilaafkan oo kale yimaado, wuxuu  yidhi,  “Shuruucda caalamku waxay sheegayaan in aqlabiyaddu halkay marto inay raacaan, mar walba waxa sas noqonaysa in meesha ay aqlabiyaddu marto ay raacaan, ma jecli in khilaafkoodaasi sii socdo. Waxaan u soo jeedin lahaa keliya Xisbiga UDUB odayaal badan ayaan ku tuhmayaa oo rag badan oo waayeel ah ayaa jooga ee inay sida ugu wanaagsan u xaliyaan.” Ayuu yidhi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *