Hargeysa(ANN)Shirkadda Dhismaha Daryeel Constriction Company oo ka mid ah shirkaddaha  ugu waaweyn dhinaca  dhismaha ee ka jira Somaliland ayaa kusoo bandhigtay Carwada Somaliland ee ka furantay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa adeegyada ay bulshada u qabato ee dhinaca

 

dhismaha, qurxinta  iyo dib u habaynta guryaha Huteelada iyo gebi ahaanba dhismayaasha kala duwan.
Eng. Cawil Cali Xuseen oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay, waxyaabaha ay kusoo bandhigeen Carwada iyo waxa ay ka ogaadeen mudadii labada maalmood ahayd ee ay socotay, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Anagu waxaanu halkan Carwada kusoo bandhignay Dhimayaal waaweyn oo lawada garanayo oo shirkaddayada Daryeel ka hirgelisay dalka, kuwaas oo aan ahayn sawiro, balse la wada garanayo Dhisme walba shjirkadda leh iyo ninka leh. Sida kuwan aad wada garanaysaan ee dhismayaasha ugu quruxda baddan ama ugu caansan Somaliland ee Ambassador, Dahabshiil   Indha Deero  iyo kuwaa aad wada aragtaan ayuu yidhi Eng. Cawil.


Wuxuuna sheegay inay hada carwada  ku ogaadeen  inay si fudud usoo bandhigi karaan macaamiishooda  adeegyada cusub iyo nashqadaha ay soo kordhiyeen ee dhinaca dhsimaha, isla markaana ay sidoo kale kusoo bandhigeen muuqaalka iyo naqshada Xaafad cusub oo la yidhaahdo Al-madiina Village, taas oo ay shirkaddooda daryeel doonayso inay ka hirgeliso dhinaca bariga ee magaalada Hargeysa.


Eng. Cawil waxa kaloo uu sheegay inay soo bandhigeen waxyaabaha lagu qurxuyo dhsimayaasha oo markii hore debeda laga keeni  jiray, balse ay hada  sameeyaan. Kadib markii ay sanadkii hore 2010, keeneen dalka Wershed samaysa agabkaa iyo weliba waxyaabo   lagaga maarmayo jiinagadii la saari jiray guryaha oo ah (Roof taller ), kaas oo ay iyagu hada ku  sameeyaan  dalka gudihiisa.


Eng. Cawil waxa uu sheegay in shirkadda Daryeel Constriction Company la aasaasay sanadkii 1986, balse mudo yar ka dib dalka laga qaxay, iyadoo markii 1991-kii dalka Somaliland dib loogu soo laabtay ay dib u bilawday hawsheedii, isla markaana ay taasi u suurta gelisay inay noqdaan shirkadda ugu caansan dhinaca dhsimaha Somaliland. Wuxuuna  xusay inay wadaan qorhse ay iska kaashanayaan Maalqabeenka weyn ee Dahabshiil  oo la doonayo in gurayaha inta la dhise qofku marba wax iska bixiyo, iyadoo looga baahanayo damaanad lagu siin karo guri, kaas oo marba waxa uu bixin karo laga jarayo. Laakiin wuxuu sheegay inaanu qorshahaasi ahayn mid hada si cad laysula qaatay, balse uu yahay mid ay doonayaan inay ka  hirgeliyaan  Somaliland shirkad ahaan oo ay iska kaashanayaan Dahabshiil.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *