Hargeysa(ANN)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ku dhawaaqay muddada ay u qorsheeyeen inay Dalka ka qabsoonto doorashada muda dhaaftay ee madaxtooyada oo dhawr jeer dib u dhac badani ku yimi. Ka dib markii xukuumada Madaxweyne Riyaale muddadii Distooriga ahayd ee la doortay dhamaatay May, 2008,
isla markaana muda kordhin loo sameeyay tiraba Afar jeer , taas oo murano iyo khilaafyo siyaasadeed oo hadheeyay Somaliland sannadii u danbeeyay ka dhasheen , iyadoo laysku maandhaafay sharciyada talaabooyinkii golaha guurtidu muda kordhinta ku samaynayeen.
Inkasta oo talaabooyinkaa muda kordhintu ahaayeen kuwa horseedka u ahaa khilaafka iyo muranada siyaasadeed ee hadheeyay saaxada siyaasada Somaliland mudooyinkaa, balse waxay xaaladu faraha ka baxaday. ka dib markii xubnihii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku laaleen july, 2009, rajadii iyo yididiiladii shacbiga ee hawshii diiwaangelinta iyo waraaqaha kaadhadhka aqoonsiga, iyagoo taageero ka helaya Madaxweyne Riyaale.
Talaabadaa lama filaanka ee xubnaha Komishankii hore qaadeen , waxa ka dhashay khilaafkii abuuray kacdoonadii sida weyn u gilgilay xaalada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Somaliland bilhii August –sep 2009. Kuwaas sababay in xukuumada Madaxweyne Riyaale Amar ku bixiso in Albaabada loo xidho xarunta Golaha wakiilada oo ah golaha keligii ku jooga mudadii Distooriga ahayd ee la doortay.
Inkasta kacdoonadaasi ku dhamaadeen deganaansho markii la gaadhay xal lagu dejinayo xaalada oo ay beesha caalamka iyo daneeyayaasha geedi socodka dumuqraadiyadu dedaal weyn iyo gurmad ka galeen, isla markaana soo bandhigeen heshiis ka kooban Lix qodob oo loo arkayay xal, kaas oo noqday mid xaalada dejiya oo abuuray jawi degenaansho iyo in hore loogu socdo oo lagu celiyo Somaliland jidkii nidaamka geedi socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka.
Waxaana meesha laga saaray gebi ahaanba xubnihii Komishanka, iyadoo la doortay xubnaha komishanka cusub, kuwaas oo bishii Oct, 2009 la horgeeyay golaha wakiilada Somaliland. Rayalcaamka Bulshada ayaa si weyn ugu riyaaqay xubnaha cusub ee Komishanka, isla markaana qaabkii ay bilawgiiba hawshooda wadajirka ugu bilaabeen ayaa shacbiga u bidhaamiyay rajo iyo yididiilo hor leh oo horseedi kara doorashooyin xor ah oo dalka ka abuura isbedel siyaasadeed. Iyadoo yididiilada iyo rajada soo noolaatay si weyn hoos ugu riday socdaaladii ay dhalinyaradu dalka kaga haajirayeen sannadii u danbeeyay, kuwaas oo si xawli ah tiradoodu usii kordhaysay markasta oo dib loo dhigo doorashada Madaxtooyada Somaliland.
Inkasta oo talaabooyinkii foosha xumaa ee komishankii hore qaadeen ahaayeen kuwo dadka arrimaha siyaasada falanqeeyaa ku sifeeyeen kuwo xadhkaha lagu hogaaminayo ay jiidayeen shaqsiyaad qarsoon oo ka baxsan xayndaabka siyaasada Somaliland iyo masuuliyiintii mayalka u hayay, balse jawaabihii gedoodkii shacbiga iyo dhawaaqyadii xisbiyada mucaaridka oo taageero ka helayay saaxiibada iyo daneeyayaasha Somaliland ayaa fashilayay isku dayadii siyaasadahii foosha xumaa ee mudooyinkaa ku jihaysnaa qaranimada Somaliand.
Illaa hada dhawaaqa komishanka cusub ee doorashooyinku ku shaaciyeen kulankii taariikhiga ahaa ee April 13, 2010, wuxuu rayalcaamka bulshada Somaliland u muujiyay rajo iyo yididiilo saamayn ku yeelanaya mustaqbalkooda siyaasadeed iyo masiirka wixii ay u halgamayeen mudada dheer, iyadoo dhinaca kalena talaabooyinkaa rajada iyo yididiilada xanbaarsani weji gabax iyo dhirbaaxo taariikhi ah ku noqon doonto kuwa kasoo horjeeda geedi socodka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland.
Laakiin taa macneheedu maaha in durba lagu sunto in la gaaddhay guusha yoolka iyo hadafka siyaasadeed, isla markaana ay meesha ka bexeen siyaasadaha iyo loolanka ay doonayaan inay ku minjo xaabiyaan qadiyada madaxbanaanida Somaliland kuwii hormoodka u ahaa wixii dhacayay dabayaaqadii sannadkii tegey ee 2009, waxaana loo fasiran karaa safarada kulamada qarsoodiga ah ee qaar ka mid ah masuuliyiinta Somaliland waqtigan kaga qayb gelayaan shirar ku saabsan Soomaaliya inay qayb ka yihiin siyaasadihii gamcaha shisheeye oo hada qaab dublamaasiyadeed loo hagayo, kuwaas oo la doonayo in lagu minja xaabiyo rajada iyo yididiilada qadiyada madaxbanaanida shacbiga Somaliland.
Hase yeeshee siyaasada dagaalka ka dhanka ah Somaliland ee ay rimuutka ku hagayaanErgayga Qaramada midoobay ee Arrimaha Soomaaliya iyo kooxaha dalalka Carbeed ayaanay ka muuqan wax tilmaamaya inuu guulaysanayo, maadaama ay hormoodka daneeyayaasha geedi socodka Dumuqraadiyada iyo Doorashooyinka Somaliland si cad u garab taagan yihiin qabsoomida doorasho xor ah oo ka dhacda bilaha soo socda Somaliland, iyadoo tusaale loo soo qaadan karo gudoomiyaha gudida doorashooyinka Ghana oo goobta heshiiska xisbiyada iyo dhawaaqa muadada doorashada garab taagnaa dhigiisa doorashooyinka Somaliland. Waxaana la rumaysan yahay inay qabsoomida Doorasho xor ah oo Somaliland ka dhacdaa wax weyn ka bedelay mandaqada geeska Afrika , isla markaana natiijadeedu horseed u noqon karto mustaqbalka masiirka shacbiga Somaliland inay garwaaqsato beesha Caalamku.
Balse dedaal kasta oo daneeyayaasha Somaliland hormood ka yihiin waxa hubaala in aanu guulaysanayn, haddii aanay dareensanayn Bulshadu loolanka siyaasadeed iyo doorka ay ku leeyihiin guusha iyo guuldarada. Sidoo kale talaabooyinka xubnaha komishanka iyo go’aanadooda ayaan iyana indhaha laga lalin Karin saamaynta ay ku yeelan karaan guusha iyo guuldarada, iyadoo la xusuusan yahay raadadkii foosha xumaa ee xubnihii ka horeeyay ka tageen.
Si kastaba ha ahaatee waxa loo baahanyahay inay xubnaha komishanka cusubi maanka ku hayaan masuuliyada culus ee ay hayaan iyo inay gamcohooda saaran yihiin masiirkii Umadda iyo mustaqbalka aayaha danbe ee Somaliland, isla markaana ka midha dhaliyaan dhawaaqa sida weyn u iftiimiyay rajada ee dib u nooleeyay dhirbaaxooyinkii iyo dhaawacyadii ay quluubta shacbiga gaadhsiiyeen xubnihii hore ee Komishanka qaranku .
Faallo By, Carraale M. Jama