Burco(ANN)Saraakiil baaqi ka ahaa Ururka Nabad diidka ahaa ee SSC, balse  hogaankiisu kaga dhawaaqay Somaliland inuu yahay Urur siyaasi ah oo ka qaybgelaya tartanka golayaasha deegaanka iyo axsaabta qaranka ayaa saraakiishii baaqiga ku ahayd xaruntiooda oo ahayd Buuhoodle, taas  oo ka

 

tirsan gobolka Togdheer, kasoo goostay, kuwaas  oo si weyn  loogu soo dhoweeyay  shalay  magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Masuuliyiin ka socday xukuumadda Somaliland ayaa saraakiisha SCC, kaga hortegey duleedka degmada Beer oo  qiyaastii 30 km dhinaca Bari kaga beegan magalada Burco, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland  Cabdi Siciid Faahiye, Madaxa xafiiska siyaasadda iyo xidhiidhka Goleyaasha ee Madaxtooyadda Bashiir Cabdi Xariir,  Badhasaabada gobolada Togdheer, Hawd ,Sool iyo masuuliyiin kale ayaa soo dhoweeyay xubnahaa SSC.
Gudoomiyaha Xafiiska Siyaasada iyo Xidhiidhka Goloyaasha madaxtooyada Somaliland Bashiir Cabdi Xariir, oo ka hadlay soo dhowaynta xubnahaa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin masuuliyiintan ay soo dhaweeyeen, waxaanu tilmaamay inay yimaadeen dalkooda oo aanay marti ku ahayn. Wuxuuna  tilmaamay inay xubnahani kusoo hirteen gogoshii nabadeed ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u fidiyay waxgaradka deegaamada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag Bari.
Guddoomiyaha xafiiska siyaasada oo la hadlayay masuuliyiintaa wuxuu yidhi,  “Waa Maalin Taariikhi ah maanta Dadkii walaalaha ahaa ee kala maqnaa mudada dheer ayaa isku yimi, waxaana maanta weftiga balaadhan ee ka yimi Buuhoodle ay yihiin kuwo ka kooban madaxdii ciidamada iyo kuwii Gobolka,  taas oo la odhan karo nabaddii Madaxweynahu ku baaqay intii hadhay dhumucdeedii maanta ayay nasoo gaadhay waana wax ILAAHAY loogu mahadiyo,”
Sidoo kale Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo ka hadlaya soo dhowaynta xybnahaa ayaa yidhi, “Anigu waxaan u dhashay Saylac walaalahay oo Buuhoodle u dhashayna waanigaa maanata soo dhawaynaya, taasina waa mid dawladnimadu keentay, qoysna ma keeni karo qabiilna ma keeno karo ee waxa dadka isku keenaa waa qaranimada,”ayuu yidhi Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye ka hadlay soo dhaweyntii xubnahaa SSC.
Wasiirka oo hadalaya qaabka aan deegaan loo salayn karin xuduud, waxa uu yidhi, “Haddii aan runta idiin sheegana anigu waxaan ahay laba gar-daaq Djibouti magacayga ayaa yaala oo waa deegaan aan kasoo jeedo, Somaliland-na wuu yaalaa oo aniga ayaa Saylac ka soo jeeda sidaa daraadeed, waxaan idin leeyahay Reer Laascaanood iyo Buuhoodlaw idinkuba Puntland ayaad dhinac kala degtaan dhinacna xagan kale  sidaa  daraadeed sidayada isku dabaqa labada dhinac.”

Dhinaca kale Guddoomiyihii SSC u qaabilsanaa Buuhoodle Xariir Axmed, oo ku hadlayay magaca masuuliyiintan ka soo goostay ururkaa burburay ee isu bedelay Urur Siyaasadeed  ayaa sheegay inay  aad ugu farxeen sidii loogu soo dhaweeyay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.
Xariir Axmed wuxuu sheegay inaanay qariib ku ahayn magaalada Burco, waxaanu tilmaamay inay degaan yihiin, isagoo yidhi, “Waan ka xumahay in anaga nala  yidhaahdo Burco ayaa laydinku soo dhaweynayaa, anagu ma nihin qariib Waxaanu nahay dad Burco dedaganaan jiray., Magaaladan maan iman muddo lix iyo toban sannadood ah sababo la xidhiidha is fahmi waa yar oo jiray dartii. laakiin hadda Waxaanu qaadanay gogoshii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland noo fidiyay, waxaana  ka dhabaynaynaa nabad ku wada noolaanshaha dadka Somaliland, waxaanan uga mahadcelinaynaa ,madaxweynuhu inuu gartay nabadaynta,”ayuu yidhi Xariir Axmed.
Saraakiisha hore uga tirsanaa urur hubaysan oo magaciisu ahaa SCC, balse hogaankoodii dhawr bilood ka hor usoo gudbay Somaliland, taas oo ay ku sheegeen inay qoriga ku bedelayaan nabad, isla markaana Ururkaa ka dhigeen mid siyaasadeed oo ay doonayaan inay kaga qaybgalaan tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka Somaliland iyo axsaabta qaranka, iyadoo xubnaha shalay lagu soo dhoweeyay magaalada Burco Lix sarkaal oo baaqi ka ahaa Ururkaa, kuwaas oo kasoo kicitamy deegaanka Buuhoodle oo xarun u hayd, waxayna saraakiishaasi isugu jireen iskugu jireen Taliyeyaal ka trsanaa garabkii hubaysnaa ee SSC iyo laba masuul oo u qaabilsanaaBuuhoodle.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *