Hargeysa (ANN) Guddoomiyaha Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan reebista Xaaji Ibraahim Cabdillaahi (Xaaji Dool), ayaa daboolka ka qaaday in wasaaradda diinta iyo Awqaafta Somaliland u wakiillatay sidii bulshadda looga wacyigelin lahaa sixir bararka guurka, isla markaana loo
fududayn lahaa kharashaadka faraha badan ee qoyska cusub kaga baxa xafladaha kala duwan ee aroosyada.
Sheekh Xaaji Dool, waxa uu caddeeyey in go’aankooda lagu xadidayo sicir bararka guurku aanu saamayn ku yeelanayn meherka gabadhu xaqa u leedahay, isaga oo xusay in culimadu isku waafaqsan tahay yaraynta dhibaatooyinka dhaqaale ee guurka caqabadaha ku noqday si dhallinyaradu u helaan guur xalaal ah, iskana ilaaliyaan waxyaabaha fusuqa ah ee Illaahay ummaddiisa ugu cadhoodo.
Guddoomiyaha Guddida wanaag-farista iyo xumaan-reebista oo xafiiskiisa magaalada Hargeysa shabakadda wararka ee Araweelonews iyo Jamhuuriya ugu warramay shalay, waxa uu sheegay inay dawladda kala hadli doonaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka qaadku ku hayo qoysaska si loo yareeyo furiinka iyo mushkiladaha cunista qaadku ku hayo dhaqaallaha bulshadda.
Ugu horreyn, Xaaji Dool oo ka jawaabay sababaha ay xilligan u soo saareen go’aankan lagu yaraynayo sixir bararka guurka, waxa uu ku jawaabay; “Baaqan waxaannu u soo saarnay annagoo ka warhayna dalka iyo magaalooyinka oo gobollada oo dhan dad baa noo jooga, dabeedna waxaannu ka warhaynaa magaalo walba xaalkeedu siduu yahay. Ta kale, habeenkii ayaannu shaqaynaa oo annaga oo askar wadana oo aannu ilaa sagaalka habeenimo ilaa afarta habeenimo wareegnaa. Waxaannu aragnay waxyaabo badan oo dhaqan xumo ah oo haddii guurka la fududeeyo aanay dhaceen, waxaanuna aragnay in meelaha madmadow iyo luuqluuqyada ay dhallinyaro hablo iyo wiilalba ah isla fadhiistaan.
Dadkaas markaannu qabqabanay ee aannu saldhigyada ku xidhxidhnay ee aannu waraysanay waxay yidhaahdeen, annagu waxaannu doonaynay in aannu isguursano, lacagta aannu haysanaana naguma filna, dabeeto meelahaas ayaannu isku warwaraysanaa. Dabadeed waxaannu aragnay in arrintaasi dhibaato badan iyo dhaqan xumo ka imanayso, guurkan qaaliga ahna inta marxaladood ee uu marayo ee dhibaatooyin leh hore ayaannu uga hadalnay.”
S: Markaa ma waxaad leedahay markii aannu aragnay guurka qaaliga ah iyo dhibaatooyin ka dhalan kara ayaannu soo saarnay go’aankan ah in guurka la fududeeyo, mise waxa jira daraasado aad arrimahan ka samayseen?
J: Waxa jira daraasado aannu samaynay oo aannu ku ogaanay qodobo badan oo saamayn ku yeeshay guurka. Tusaale ahaan; fijaannada, hudheellada, koofeerrada oo hablo badan isku raacaan marka inanta la guursanayo, marka soddohdii fijaannadii soo diyaarinayso oo baabuur badan la adeegsado oo ilaa 20 fijaan iyo 30 baabuur oo kharashkoodu badan yahay oo mid walba lacag qaadanayo. Markaa arrimahaas markii aannu aragnay waxa noo soo baxay in guurkii la fududeeyo oo wixii aan waxba tarayn oo kharash badanna ku baxayo laga tago oo la joojiyo si guurku u bato.
S: Ma jiraan dad kala duwan oo odayaal, madax-dhaqameedyo iyo qaybaha kalee bulshada ka mid ah oo aad kala tashateen intaydaan go’aankan soo saarin?
J: Arrintaas waxaannu kala tashanay culimada, bulshada, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Arrinta ah in guurka la jabiyo waxay noqotay mid la wada waafaqsan yahay oo qof kasta oo dalka joogaa soo dhaweeyey.
S: Waxa jiray markii aad soo saarteen baaqan qolooyin tafsiir kale ka bixiyey oo ka dhigay in meherkii dumarka wax lagaga dhimayo ee ka warran?
J: Annagu meherka gabadha kamaanu hadlin ee waxaannu ka hadlay arrinta ah in guurka la jabiyo oo ka soo bilaabantay dhinaca degaannada agalbeedka Somaliland sida Boorama, Wajaale, Alleybaday iyo degaanno badan oo galbeedka ah. Waxaannu ka hadlayna waa arrimaha aan waafaqsanayn shareecadda ee fasahaadka ah, laakiin meherku waa waxa lagu heshiiyo ee labada qof ee guursanayaa isla gartaan.
S: Miyaanay arrintan ku habboonayn in Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu ku dhawaaqdo go’aankan lagu jabinayo guurka?
J: Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waannu wada soconnaa oo iyadaa noo wakiilatay in aannu ka sheegno masaajidada oo dadweynaha ku wacyigelino in guurka la fududeeyo si macsidu innooga yaraato oo Ilaahayna raxmadiisa iyo khayraadkiisa innoogu badiyo.
S: Culimada waawayn ma ku wada socotaan in arrintan masaajidada laga sheego oo bulshada lagu wacyigeliyo sidii guurka loo yarayn lahaa?
J: Haa, waannu ku wada soconaa oo maanta (shalay) Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka ayaa joornaallada ku soo qoray in iyagoo culimo badan ah ay go’aamiyeen in laga shaqeeyo sidii guurka loo fududayn lahaa oo laga saaro kharashaadka badan ee aan reerka waxba u tarayn. Markaa arrintan culimada waannu ku wada soconaa.
S: Waxa jira in Sheekh Maxamed Cabdi Xoore oo ka mid ah culimada Hargeysa oo dood arrintaas ku saabsan ka qaybgalay uu sheegay in go’aankiinu yahay mid khaldan?
J: Horta nin waliba ra’yigiisa ayuu hadlayaa oo ninna lexejeclada waddanka ayuu ka hadlayaa, ninna ra’yigiisa ayuu ka hadlayaa, markaa Sheekh Maxamed Cabdi Xoorre ra’yigiisa ayuun buu hadlaye maaha nin og waxa waddanka ka socda oo lexejeclo ka hayso, mana ogga waxa macsida ah ee dalka ka socda ee aannu doonayno in aannu suulino, waana nin meel iska fadhiya.
S: Waxa jira dhallinyaro ku doodi kara in furriinku sii badan doono haddii guurka la jabiyo, markaa wax qorshe ah ma u haysaan sidii loo xakamayn lahaa furriinka faraha ka baxay?
J: Annagu ma qabno in furriinku ku badanayo guurka la jabiyo, markaa annagu waannu ku wacyigelinayaa in aanay qoysasku burburin oo nin walba reerkiisa dhaqdo. Waxa jira in furriinta badan uu sabab u yahay qaadku, sababtoo ah ninku hadduu qaadka cuno oo kharashkiisu bato waxa imanaya iska horimaad isaga iyo xaaskiisa, markaa hadda waxa noo qorshaysan in aannu arrimaha qaadka kala hadalno xukuumadda oo dadka laga wacyigeliyo si loo badbaadiyo qoyska.
S: Miyaanay jirin rag aan qaadka cunin oo qoysaskoodu burburaan?
J: Way jirtaa arrintaasi, laakiin way yar yihiin kuwa caynkaas ah, balse qoysaska burburaa waa kuwa dhaqaalaha yar ee soo gala ninku ku qaliyo, waana kuwa had iyo jeer cabashadoodu noo timaad.
S: Soo jeedintiinan ah in guurka la yareeyo sideed u sii wadi kartaan ilaa laga dhaqangelinayo?
J: Annagu arrintan waanu wadaynaa, laakiin waxa jira in qaar ka mid ah islaamuhu (dumarka xafladaha fijaannada ka ciyaara ee la kiraysto) arrintan ka soo horjeesteen oo wata in fijaannadii la sii wado, arrintaasna waxaannu doonayaa in qorshaha wax lagaga daro. Waxaannu doonaynaa in aannu ururrada haweenka shir u qabano oo kala hadalno arrimahan si hablaheenu guur xallaal ah u helaan oo fusuqa loo tirtiro, dhibaatada waddanka ka taagan ee fusuqa ahna u yaraato. Waxaannu la ballansannahay ilaa 14 urur oo kuwa haweenka ah, waxana ka mid ah ururrada haweenka qaranka ee NOW iyo daladaha kale ee ururrada haweenka Somaliland ku bahoobeen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com