Sida ku cad qodobka 1aad ee dastuurka Somaliland oo u dhigan; “Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waa waddankii maxmiyadda ahaa ee 26 kii June 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyada Ingiriiska iyo Woqooyiga Ireland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan

jiray maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaaliya 1-dii July l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday goonni-isu-taaggiisa go’aankii shirkii beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99l-kii. Waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan dastuurkan dal madaxbannaan oo leh xaqa iyo karaamada qaranimadiisa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland.” Awoodda iyo karaamada qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.”
Waxa kale oo dastuurka Somaliland lagu caddeeyey badka iyo baaxadda uu fidsan yahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, arrintaasna waxa bayaamiyey qodobka 2aad ee dastuurka, farqadihiisa 1aad. 2aad iyo 3aad, kaasoo u dhigan sidan:
“1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia odhan jirey maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaal dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30′ woqooyiga dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45′ ilaa 490 bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga, jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).
2. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad Ia wadaagtaa dhinaca woqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca bari Soomaaliya; dhinaca koonfureed iyo dhinaca galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca woqooyi/galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.
3. Dhulka qaranku waa muqaddas; waana laguma xadgudbaan.”
Dadweynaha ku dhaqan Somaliland bari ilaa galbeed waxay shirwaynihii Burco ee socday 27 April ilaa 15 May 1991 isla qaateen in dalka Somaliland yahay waddan madaxbannaan, iyadoo go’aamadii shirkaas ka soo baxayna lagu dhawaaqay 18 May 1991kii oo ah maalinta qaranimada Somaliland. Waxa shirkaas Burco ka qaybgalay dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshada oo madashaas kaga dhawaaqay madaxbannaanida qarankooda, isla markaana waxa la isla qaatay in Somaliland loo wada siman yahay oo laga wada shaqeeyo horumarkeeda iyo adkaynta jiritaankeeda.
Dadweynaha reer Somaliland sannadkii 2000 ayey shaambaddii ugu waynayd ku dhufteen qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, kuna go’aansadeen in madaxbannaanida iyo jiritaanka dalkoodu yahay mid aan gorgortan geli karin, kadib markii ay 97% u codeeyeen ansixinta dastuurka qaranka, tallaabadaas oo meesha ka saartay waxkasta iyo aragti kasta oo ka horimanaya qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu dastuurku caddeeyey in qofkasta iyo cidkasta oo ka hortimaad madaxbannaanida Somaliland ama ku kacda fal wax u dhimaya qarannimada Somaliland tahay khaayinul-waddan ciqaab adag mutaysan kara.
Haddaba, waxa la yaab iyo fajaciso ah in wasiirrada iyo masuuliyiinta ka soo jeeda Gobolka Awdal oo ka mid ah gobollada ugu waaweyn Jamhuuriyadda Somaliland ay ku kacaan falal iyo hadallo lagu wiiqayo qaranimada dalka, kadib markii socdaal ay Boorama ku tageen ku macneeyeen inuu yahay mid dadweynaha ku dhaqan gobollada Awdal iyo Salal kaga dhaadhicinayan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, iyagoo madaxdaasi marmarsiiyo ka dhiganaya inay jiraan koo iyo shaqsiyaad dibad-wareeg ah oo ka soo horjeeda qarannimada, kuna dhawaaqay inay samaysteen maamul la yidhaa Awdal State. Waxa weftiga wasiirrada ahi ee Boorama tagay ay sheegeen inay abaabulaayaan mudaharaadyo dadweynaha reer Awdal kaga soo horjeedaan ragga ku dhawaaqay Awdal State si loo muujiyo in bulshada ku dhaqan Awdal iyo Selel taageersan yihiin madaxbannaanida Somaliland, kana soo horjeedaan kooxda dibad-wareegga ah ee afka uun kaga dhawaaqay maamul aan jirin oo la doonayo in lagu khalkhaliyo Somaliland.
Wsiirrada iyo masuuliyiinta kalee la soo taagan olole u muuqda mid ay ku dhaqaale urursanayaan oo reer Awdal lagaga dhaadhicinayo qaddiyadda Somaliland, waxay gef cad ka galeen bulshada muwaaddiniinta ah ee ku dhaqan gobolladaas oo ay ka dhigeen qaar ka soo horjeeda jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo laga warqabo doorka iyo kaalinta muuqata ee dadweynaha reer Awdal iyo Salal ku leeyihiin taariikhda dhismaha qarankan iyo siday muruqooda iyo maskaxdooduba u geliyeen horumarka iyo sidii dhidibada logo taagay xasliloonida iyo nabadgelyada buuxda ee reer Somaliland bari ilaa galbeed ku naaloonayaan.
Sidaa awgeed, waxa ceeb iyo magac-dil ku ah in maanta la yidhaa reer Awdal ayaa laga dhaadhicinayaa qaddiyadda Somaliland.
Shacabka gobollada Awda iyo Salal uma baahna in maanta wasiirro iyo shaqsiyaad ula tagaan waxaannu ka dhaadhicinaynaa qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, balse waxay u taagan yihiin inay iyagu bulshada caalamka dalkooda uga dalbaan aqoonsi diblomaasiyadeed, waxaanay gudo iyo dibadba ka shaqeeyaan sidii loo ictiraafi lahaa qarankooda Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dalka iyo dhulka Ilaahay (SWT) ku beeray ee ay ab ilaa ab ka soo tafiirmeen.
Dhulka iyo dadka Awdal & Salal waa Somaliland, umana baahna in maanta lagula meeraysto waxa la idinka baryayaa qarannimada iyo jiritaanka Somaliland, waxase u baahan in qaddiyadda Somaliland laga dhaadhiciyo oo inta qol lagu qufulo dastuurka loo akhriyo wasiirrada iyo saraakiisha dawladda ka tirsan ee ku hadaaqaya reer Awdal baannu qaddiyadda ka dhaadhicinaynaa.
Waxa kale oo ceeb iyo nusqaan ah in iyagoo masuuliyiin dawladeed ay buunbuuniyaan magaca urur yar oo rag tiro yar dibadaha kaga dhawaaqeen, kuwaas oo u muuqda inay ka shaqaynayaan suuqgaynta iyo iibinta magaca Awdal State oo ah wax aan macno buuran ku fadhiyin, isla markaana u qalmin in culays siyaasadeed la saaro.
Wasiirrada iyo masuuliyiinta dawladda ee Boorama jooga waxa looga fadhiyaa inay dadweynaha ku dhaqan Awdal iyo Salal iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland raalligelin ka siiyaan hadallada ka soo yeedhay ee sida warbaahinta qaar lagu faafiyey ee ay ku sheegeen inay wadaan olole bulshooyinka ku dhaqan gobolladaas lagaga dhaadhicinayo teegeeridda qaddiyadda Somaliland. Waxa kaloo warbaahinta Somaliland looga fadhiyaa inay iska ilaaliyaan buunbuuninta iyo ka hadalka urur yar oo Awdal State la yidhaa oo aan ciddi uskageed wax dhibaato ah u geysan karin midnimada iyo jiritaanka Somaliland, laakiin haddii la buunbuuniyo iyo markasta oo saxaafaddu magacooda xusto waxa soo gelaya han iyo qab ay ku sii noolaan karaan ragga dibad-wareegga ah ee afka uun ka sheeganaya inay metelaan reer Awdal.

xiggasho Jamhuuriya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *