Hargeysa(ANN) Qoraallo Sir ah oo Kashifay Heshiiska Xukuumaddii Rayaale la Gashay Al-jaabiri iyo Doorkii Dawladda Sheekh Shariif oo aanu hore u baahinay laba qaybood oo xanbaarsan dukumentiyo iyo sawiro la xidhiidha arrimahaa, waxa qaybtan lagu lafagurayaa khiyaamooyinka iyo
musuqmaasaqa ku xeeran heshiiskaa iyo dhawaaqyada balanqaadyada xiligii ololaha ee Kulmiye oo ku wajahnaa heshiiskaa iyo mudadii ay xilka haysay xukuumadda Siilaanyo , wixii ay ka yidhaahdeen.
Laakiin inta aynaan guda gelin arrimahaa aynu iftiimino sidii uu ganacsadaha carbeed ee Al-jaabiri kusoo galay Suuqa Xoolaha. Dabayaaqadii sannadkii 2006-dii markii uu soo galay sayladdaha xoolaha Somaliland ganacsadaha Carbeed ee AL-JAABIRI, kaas oo xukuumadadii Rayaale kooto ugu xidhay xoolaha Somaliland ee loo dhoofiyo dalka Sucuudiga, isagoo neefka ku qaadanayey qiime dhan $30 (dollar), ayaa arrintaasi keentay inuu muddo yar gudeheed ku macaasho boqolaal milyan oo dollar, marka loo eego qiimaha uu ku qaadanayey iyo qiimaha uu ka joogay suuqa ugu wayn ganacsiga xoolaha ee Sucuudiga.
Tusaale ahaan afartii sanadood ee u horreeyey 2006 -2009, waxa uu qaatay xoolo dhan 1.565, 522 neef oo uu ku iibsaday inta u dhaxaysa $32- 46 dollar, halka qiimaha saylada sucuudigana uu ka ahaa neefku inta u dhaxaysa $90 ilaa 105 dollar, waxaannu afartaa sannadood ka macaashay lacag gaadhaysay $237,792,424 (Laba boqol iyo sodon iyo todoba milyan, todoba boqol sagaashan iyo laba kun iyo afarboqol iyo labaatan iyo Afar).
Xogahani waxay caddeeyeen in Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha Dr. Idiris oo ka muuqda muuqaalka sawirka heshiiska ay wada gelayeen Daahir Rayaale iyo Al-Jaabiri ay si gaar ah u qaadan jireen lacag loogu shubo sanduuq-xisaabeedyo Dubai ah, balse wakhtigan ku dhacda khasnada dawladda dhexe, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi oo Golaha Wakiiladu wax ka weydiiyeen heshiiskii Al-jaabiri 01 September 2010. Marka laga yimaado Madaxweyne Rayaale lacagta loo shubi jiray oo lagu sheegay neefkiiba $2, waxa uu Wasiirkii Xannaanada Xoolaha ee xiligaa Dr. Idiris afartii sannadood ee u horreeyay qaatay lacag lagu qiyaasay $763,341 (Toddoba Boqol iyo saddex iyo lixdan kun, saddex boqol iyo kow iyo afartan dollar).
Xukuumaddii Daahir Rayaale waxay dadka u sheegtay xilligii ay kootada ugu xidhay Al-Jaabiri xoolaha Somaliland inuu lix bilood gudahood dalka ka dhisi doono maxjar, ama karantiinka xoolaha ee ugu weyn Afrikada Bari, kaas oo lagu xannaanaynayo, laguna hubinayo caafimaadka xoolaha la dhoofinayo iyo inuu xoolaheenna u furayo suuqii Sucuudiga oo ah ka ugu weyn ee la geeyo xoolaha Soomaalida, balse taas ayaa noqotay waxba kama jiraan, waxaana saddex sannadood kadib heshiiskaa qarsoodiga ahaa bishii November 2009 ay dowladda Sucuudigu iskeed xayiraadda uga qaaday xoolaha Soomaalida.
Sidoo kale sida uu muujinayo qoraalka wasaaradda Arrimaha dibedda ee dawladda Federaalka Soomaaliya u dirtay dawladda Sucuudiga oo ku taariikhaysan 7 bishii August 2009, isla markaana ku socota Wasiirka Arrimaha dibeda Sucuudiga Amiir Sucuud Al-Faysal , waxay iftiimninaysaa inuu ganacsadaha Al-Jaabiri qaatay mashruuc uu bixinayey Baanka Horumarinta Islaamka oo ujeedadiisu ahayd in maxjar weyn loo sameeyo xoolaha Soomaalida, kaas oo qoraalada qaarkood ay xusayaan doorka uu ku lahaa Dr. Axmed Maxamed Cali oo ah Gudoomiyaha Maamulka Ururka Baanka Horumarinta Islaamka oo mashruucaa bixinayey.
Haseyeeshee Al-Jaabiri wuxuu dib u habeeyey xeradii hore ee la odhan jirey Livestock (Xoolaha Nool) ee Berbera oo uu dhisay maamulkii Aadan Cadde ee Soomaaliya 1960-meeyadii, taas oo dib u habayn uu ku sameeyey Bangiga Islaamka oo mashruucaa bixiyey, isla markaana masuul ka ahaa xoolaha Xajka, isagoo ka dhigay inuu maxjarkii dhisay, kaas oo uu ku shaqanayey ilaa xilligan xukuumadda cusub ee Somaliland. Wakhtigaa waxa loo qorsheeyey dhul 3km ah oo galbeedka ka xiga Haamaha Shidaalka Berbera, laakiin muran iyo khilaaf badan oo ka dhashay kadib ayuu Madaxweyne Rayaale ku joojiyay dhismaha dhulkaa digreeto ku taariikhaysnayd 8/7/2009, isla markaana lagu socodsiiyay masuuliyiinta gobolka oo lagu faray in gebi ahaanba la joojiyo dhulkaa oo aan ku haboonayn in laga dhiso Maxjar.(halkan ka akhriso qoraalka madaxweyne rayaale xiligaa ku joojiyay).
Laakiin muddadii kala guurka labada xukuumaddood ee dabayaaqadii 2010, ayaa dib loo bilaabay dhismahaas, kadib markii uu fasaxay Wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dr. Axmed Xaashi Oday, kaas oo lala xidhiidhinayey inuu ilaa bilowgiiba xilligii xukuumaddii Daahir Rayaale qayb ka ahaa hawshaa heshiiska Kootada Xoolaha iyo dhismaha maxjarkaas.
Sidoo kale Dr. Idiris oo ahaa xusunta heshiiskaa iyo dhismaha Maxjarka Al-jaabiri oo Golaha wakiilada hortegey bishii August 3, 2008 waxay mudanayaashu weydiiyeen sharcinimada heshiiskaa Xoolaha iyo sababta ay u diidayaan xukuumad ahaan inay Baarlamaanka ho geeyaan si sharciga loo waafajiyo, wuxuuna isagoo ka jawaabaya su’aashaa yidhi, “Anigu ma qabo in heshiiskani yahay kii Baarlamanka la horkeenayey, anigu heshiis caafimaad baan galay, kaas oo shaqadaydii Xannaanada Xoolaha ah. Haddii uu noqdo heshiiskii la horkeenayey Baarlamanka marka sharciga la isla eego oo maxkamadi distoori ahi sharraxdo wuu iman.”
Sidoo kale isagoo ka jawabaaya su’aal Xildhibaan Maxamed Nuur Carraale (Duur), oo xiligan ah wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland weydiiyay oo nuxurkeedu ahaa sababta karantiinkii iyo baadhidii xoolaha looga dhigay hab ka baxsan qawaaniintii caafimaadka xoolaha u taalay oo ah in laga dhiso deegaan ka fog halka ay ka dhoofayaan, sidaa daraadeed ay suurta gal tahay inay soo kordhisay xukuumaddu aafo caafimaadkii xoolaha ku timaada, waxa Dr. Idiris si kooban uga jawaabay, “Waa sida ay doonayaan waddamada xoolaha inaga qaadanayaa oo ah in meesha ugu dambaysa ee xooluhu ka dhoofayaan laga dhiso karantiinka marka neefku markabka fuulayo.”
Hase yeeshee Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo oo heshiiskaa Al-jaabiri xilligii ololaha doorashada ballanqaaday inay golayaasha Baarlamaanka u gudbinayso ayaa marar badan ka hadashay qaabka lacagaha loo maamuli jiray, meelihii xukuumaddii hore ku shubi jirtay iyo waxa ay ka yeelayso, iyadoo masuuliyiinta qaarkood dhowaan ka dhawaajiyeen in lagu noqonayo heshiiskaa.
Kadib markii uu dhamaaday Maxjarkii uu Al-jaabiri ka yagleelay duleedka haamaha shidaalka oo uu xadhigga ka jaray Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland 18, Oct 2011.
Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha xukuumadda talada haysa Dr. Axmed Haashi Oday ayaa ka hor intaan laga beddelin wasaaradaas ka hadlay heshiiskaa iyo waxa ay xukuumadda cusubi u fulinweyday ballanqaadkii xilligii Ololaha KULMIYE ee doorashada oo ahaa inay wax ka qabanayso marka ay talada ku guulaysato, “Heshiiskii in loo cusboonaysiiyo muu codsane’e anagaaba u yeedhnay waayo heshiiskaasba annagu (Xukuumada cusub) kuma qanacsanin oo waxaannu doonaynaa in heshiiskaasi wax-laga-bedelo sida ugu dhakhsaha badana waxaanu go’aan ku gaadhnay in loo yeedho.” Sidaas waxa ku jawaabay Dr. Axmed Xaashi Oday oo 24 August 2010, waqtigaa ahaa Wasiirka xanaanada xoolaha oo la weydiiyay in Aljaabiri oo xukuumaddii hore ay kooto ugu xidhay dhoofka xoolaha Sucuudiga inuu kasoo dalbaday xukuumadan cusub in la jidiidiyo heshiiskii hore iyo in kale.
Sidoo kale Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee wakhtigan Dr. Cabdi Aw Daahir oo waraysi siiyay shebekada Araweelonews 14 March 2011 markii uu la wareegay xilka, ayaa la waydiiyey sida ay xukuumad ahaan ka yeelayaan heshiiskii xukuumaddii hore la gashay Al-jaabiri, wuxuu yidhi, “Qiimayn ayaanu ku samaynaynaa waxaanu doonaynaa inaanu la galo heshiis cusub.”
Dhinaca kale Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi oo Golaha Wakiiladu wax ka weydiiyeen heshiisyada TOTAL iyo Al-jaabiri 01 September 2010 ayaa sheegay in lacagta laga qaado xoolaha maxjarka lagu shuban jiray xisaabaad debeda ah, balse hadda khasnada dawladda lagu shubo, wuxuuna sheegay in lala xisaabtamayo ganacsadahaa Al-jaabiri, isagoo yidhi, “Al-jabiri heshiiska lala galay maaha mid cad, lacagta maxjarka ku baxday cidi garanmayso, sidaa TOTAL cid kala xisaabtantay aanay u jirin ayaanay u jirin, waxay kordhiyeen uun maxjarkeenii hore ee jiray,” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.
Haseyeeshee dhawaaqyadaa masuuliyiinta xukuumadda ayaanay waxba ka hirgelin, arrintaasina waxay meesha ka saartay ballanqaadyadii xilligii ololaha doorashada ee xisbiga Kulmiye, waxaannay taa beddelkeeda xukuumaddu ganacsadaha Al-Jaabiri u oggolaatay dhismaha Maxjar laga yagleelay duleedka Haamaha Shidaalka Berbera oo ay xukuumaddii Daahir Rayaale diiday, maadaama ay goobtaasi tahay mid aan ku habboonayayn karantiin xoolaad, isla markaana ay khatar dhinaca Caafimaadka Xoolaha ah keeni karto oo ay ahayd xero milateri. Sidoo kalena ay khatar dhinaca ammaanka ah ku yeelan karto Haamaha shidaalka iyo Madaarka oo u dhow goobtaas.
Si kastaba ha ahaatee mashruuca ay xadhigga ka jartay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee maxjarka cusub ayaa ah khatar weyn oo soo waajahday ilaha dhaqaalaha dalka iyo mustaqbalka dhoofka xoolaha, maadaama goobtaasi khatarteeda leedahay, isla markaana waxa weli looga fadhiyaa xukuumadda cusub inay heshiiskaa hordhigto Golaha Wakiilada sida uu dhigayo dastuurka qaranku, lana saxo hannaanka maaliyadeed, khaladaadka xisaabeed iyo musuqmaasuqa uu ka markhaati kacay wasiirka Maaliyadda Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com