Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay Dagaalo Maalmihii u dambeeyey  qaar ka mid ah Bulshada  wada dega Kilalka shanaad ee Itoobiya ku dhex maray Deegaankaa, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba lahaa, waxaanay sheegtay in aanay jirin

dad cadaw ku ah Itoobiya oo dhinaca Xadka Somaliland uga gudbay.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin iska hor imaadka deegaankaa ee  bulshada  wada dega ku dhex maray, waxaanu sheegay in Xukuumadda Somaliland kala Shaqaynayso Itoobiya sidii arintaa loo xalin lahaa.
Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo xalay u warameyey Wargeyska Saxansaxo ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo xidhiidh jaarnimo oo wanaagsan, isla markaana wixii ku soo kordha Xadka labada dhinac ay ka shaqaynayaan sidii loo soo afjari lahaa., Wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,  “Dawladda Itoobiya oo aanu jaarnahay, xidhiidh Ganacsi iyo dhinacyo  kaleba wadaagno, had iyo jeerna si walaaltinimo ah oo jaarnimo leh aanu arrinka ku dhameyno, waxaanu cadaynaynaa in aanay jirin dad Cadow ku ah Nabadgelyada Itoobiya oo  Somaliland  ka   tegey   oo ay Xukuumaddu ka war hayso, waxaanu ka xunahay in dadkaasi ku dhaqan  Ismaamulka Deegaanka Somalida Itoobiya ay qulqulatooyin dhex maraan”.

Wasiirka arrimaha debeda Somaliland oo sharaxaya xaalada halkaa, waxa uu yidhi, “Dagaalkan  waxa uu ka dhacay  Gudaha Dalka Itoobiya, hase yeeshee waxa labada Dal ka dhaxeeya Xidhiidh  xaga Nabadgelyada ah oo saameyn ku yeelan karta isku socodka labada dal, welina toos labada Dawladdood wada hadal arintaasi ugama ay yeelan, laakiin waa arin ka socota Gudaha Dalka Itoobiya,  waxaananu jecel nahay in Nabadgelyo arintaasi ku soo dhamaato “
Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed C/llaahi Cumar waxa uu sheegay in Dawladda Itoobiya iyo Somaliland ay dhawaan kala saxeexdeen Heshiis dhinaca iskaashiga Nabadgelyada iyo Wada shaqaynta ah, waxaanu yidhi “Waxa jiray heshiis laba Dawladdood Dawladd degaanada Somalida Itoobiya iyo Somaliland ku saxeexeen Diradhaba sanadkan aynu imika ku jirno badhtankiisii, heshiiskaasi waxa ugu door roonaa in labada Dal ay ka wada shaqeeyaan xaga Nabadgelyada iyo isku socodka, heshiiskaasi halkiisii buu yaalaa waanu dhaqan galay, wada shaqaynta labada dalna si wanaagsan bay u socotaa, arintana waa arin u baahan in loo kuur galo sidii ay wax u dhaceen, labada Dalna ay iska kaashaadaan sidii wax looga qaban lahaa, markaa waa heshiis yaala oo labada Dalba ay dhaqan galiyeen.
Sidaan hore u cadeeyey waa arin ka dhacday Dalka Itoobiya Gudihiisa waxaana gacanta ku haya Dawladda Itoobiya Baadhitaankeeda iyo wax ka qabashadeeda, wax ale wixii gacan xaga Somaliland looga baahdana diyaar ayey u tahay inay gacan ka gaysato sidii xal loogu dhameyn lahaa”.
Dhinaca kale Wasiirka oo la weydiiyey Kulan uu shalay la yeeshay Wefti ka socda Qaramada Midoobay iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen waxa uu yidhi “Kulankan aanu la yeelanay Weftiga uu hogaaminayo isu duwaha dhinaca Bani aadiminimada ee Qaramada Midoobay ujeedadiisa ugu weyni waxay ahayd in la qiimeeyo, maadaama oo Sanadkii 2011-ka imika uu dhamaad ku dhaw yahay Wada shaqaynta Hay’adaha Gargaarka ee Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa iyo Dawladda Somaliland, mudadaa Tobanka Bilood ahayd.
Qodobka kale waa in la eego Meelaha u baahan in la hagaajiyo,  ama la hor mariyo loona kobcin lahaa wada shaqaynta Hay’adaha Quruumaha ka dhaxaysa Somaliland, loona gaadhsiin lahaa guud ahaanba Gobolada uu ka kooban yahay Dalka Jamhuuriyada Somaliland oo ay Gobolada shishe ee Bariguna ay ka mid yihiin iyo meelaha u baahan in xooga la saaro oo ah xaga Biyaha, Tacliinta iyo Nabadgelyada ayaa ka hadlaynay”
Wasiirka Arrimaha Dibedda waxa uu Jawaab ka bixiyey Hadalo Xisbiyada Mucaaridka ka soo yeedhay oo ay ku eedeeyeen in Madaxweynuhu ka qayb galayo Shir ku sabsan Arrimaha Somalia, waxaanu ydhi “Waxaan u arkaa Runtii Hadaladaa Mucaaridka mid aan Xaqiiqada ku salaysnayn,  waana nasiib darro nin Masuuliyad sheeganayaa in ay Xukuumadda iyo Masuuliyiinteedaba,, hadalo aan qaban Xaqiiiqna aan ahayn ay ka sheegaan, shirarkan ay sheegayaan ee lagaga hadlayo Budhcad badeedka ee London ka dhacaya waa Shirar dhamaaday oo barri hore lagu kala tagayba, markaa arintaasi waxaan u arkaa arin layaab leh oo aan meeshaba qaban. Madaxweynuhu haddii uu safar u baxaya iyaga (Mucaaradka) waxba lagama waydiinayo. Waana looga fiican yahay in ay sheegeen wax aan asal iyo raadtoona lahayn ”.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *