Hargeysa(ANN)Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Caddaaladda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa siyaabo is burinaya uga hadlay maxaabiista budhcad-badeedda ah ee ku jira jeelasha dalka, iyadoo wasaaradda caddaaladdu si cad u dafirtay inay jiraan maxaabiis xukuman oo laga sii daayey
xabsiyada Somaliland.Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka iyo wargeysyada Somaliland ka soo baxa, ayaa toddobaadkan baahiyey in xabsiyada dalka laga sii daayey maxaabiis budhcad-badeed ah oo xukuman, arrintaasina sababtay in deeq-bixiyeyaashu joojiyaan taageeradoodii dhaqaale ee la xidhiidhay dhinaca caddaaladda Somaliland.
Haseyeeshee, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Md. Maxamed Muuse Xaaji (Gallaydh), ayaa isagu si cad u daadafeeyey in xukuumadda Somaliland xabsiyada dalka ka sii daysay maxaabiis budhcad-badeed ah oo xukun maxkamadeed ku dhacay, iyadoo la ogyahay inay jiraan maxaabiis badan oo u xidhnaa falal budhcad-badeednimo oo laga sii daayey xabsiga caasimadda Hargeysa, kuwaasoo xukunkii xadhigga loogu beddelay lacag, iyadoo arrintaasina keentay in shaqada lagaga fadhiisiiyo Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa Sheekh Xuseen Sigad Warfaa, kadib markii uu qiray in maxaabiis budhcad-badeed ugu xidhnaa jeelka Hargeysa uu u iibiyey xadhiggooda, xorriyadoodiina loo celiyey.
“Ilaa iminka budhcad-badeed la sheegay oo xukunno kala duwan u xidhan oo la sii daayey ma jiraan.” Sidaa waxa yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Somaliland oo waraysi uu siiyey telefishanka HCTV lagu daabacay cadadkii 1475 ee wargeyska Ogaal ee soo baxay 16 October 2011, isagoo agaasimuhu si indho-agaygnimo ku jirtay uu u dafiray jiritaanka budhcad-badeed xukunno maxkmadeed ku dhaceen oo laga sii daayey xabsiyada Somaliland, taasoo uu hore qiray Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa ka hor intii aan 21 August 2011 shaqada laga caydhin.
Qoraal Guddoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa ka hor intii aan xilka laga qaadin uu u kala diray madaxweynaha iyo hay’adaha dawladda ee wadashaqayntu ka dhexaysay, isla markaana kaga jawaabayey eedeymo iyo dacwad uu ku soo oogay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku oo wargeyska Jamhuuriya baahiyey waqtigaas, waxa uu ku yidhi; “Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu ku sheegay in iibka xadhigga maxaabiistani yahay sharci-darro, isla markaana ma sheegin Xeer-ilaaliyuhu qodobka sharci ee la jabiyey ee uu ku noqday xadhiga iibkani sharci-darro, haba yaraatee qodobka 109 (3) XCG, wuxuu Xeer-ilaaliyuhu u cuskaday iibka sharci-darrada ah ee uu sheegay qoraalkiisa.
Haseyeeshee, nasiib-darro muu fahmin xeer-ilaaaliyuhu macnaha qodobkani xambaarsan yahay, waxaannu qodobkani si cad u leeyahay waxa u bannaan xaakimka marka eedaysanuhu ka dalbado ama uu xukun rido in uu xadhig ugu beddeli karo iib muddo hal-sanno ah, waana qodobka anigu aan u adeegsaday iibka xadhigga, iina banneeyey muddada xadhigga ee maxaabiista aan iibinayna waxay u dhexaysaa hal sanno iyo 11 bilood oo kaliya, waanan wada haynaa juwannadii lagaga iibiyey xadhigga maxaabiistaas oo sheegaya inay hal sanno ka hooseeyeen, isla markaana muu cayimin qodobku amma maba jiro qodob shari oo cayimaya xadhigga la iibinayo maxkamadda soo saartay iyo ta gaarka u lehba.
Maxaabiista aan xadhigga ka iibiyey waxay ku xidhnaayeen xabsiga Hargeysa oo ka mid ah xuduudda hoostimaad awoodda Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa. Waxa kale oo ii saamaxaya xadhigga iibkaasi sharci islaamka sida kitaabka Muqniga juska 4aad safxada 224aad iyo kitaabka Nihaayaha juska 8aad safxada 5aad iyo kitaabka Fadxu Jawaadka juska 2aad safxada 315aad, kuwaas oo dhammaantood caddaynaya haddii aannu qaadacal-dariiqu xoolo dhicin, dadna dilin waxa lagu ciqaabayaa ciqaab maaliyadeed amma xadhig amma labadaba, waanan isugu darnay maxaabiistan labadii ciqaaboodba, tii maaliyadda iyo tii xadhiggaba. Waxa kale oo ii bannaynaya inaan ka iibiyo xadhigga maxaabiistan qodobadda 109X 3aad-4aad XCG iyo qodobka 113X, 2aad XCG iyo qodobka 125 XHC,” ayuu Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hargeysa ku yidhi qoraalkaas oo uu ku qiray maxaabiis budhcad-badeed ah ee xadhigga iibsaday.
Dhinaca kale; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda Md. Maxamed Muuse Xaaji (Gallaydh) waxa uu isla waraysigaas ku sheegay in maxaabiista tirada badan ee budhcad-badeednimada ugu xidhan Somaliland aan la qaban iyagoo gacanta kula jira, “Waxa weeye budhcad-badeeda Somaliland ku xidhan way fara badan yihiin oo horta iyagoo falkii gacanta kula jira oo wax afduubay lama soo qaban.”
Haseyeeshee, waxa hadal kaas ka duwan oo burinaya ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo waraysi laga qaaday uu wargeyska Haatuf daabacay cadadkiisii soo baxay 16kii bishan October 2011, waxannu Wasiirku caddeeyey inay xabsiyada Somaliland ku jiraan maxaabiis lagu qabtay falal budhcad-badeednimo.
“Somaliland dad badan oo budhcad-badeed ah ayey ku haysaa xabsiyadeeda, kuwaasoo ku soo xadgudbay badda qaranka Somaliland oo falal budhcad-badeednimo ah lagu qabtay,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Dhawaaqyada masuuliyiintaa ee arrimaha Budhcad-badeeda ku xidhan xabsiyada iyo weedhaha isburinaya oo kasoo yeedhay masuuliyiinta wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa u muuqda kuwo muujinaya sida aanay u wada socon Masuuliyiinta Xukuumadda iyo inaanu jirin qorshe siyaasadeed cad oo laga leeyahay maxaabiista Budhcad-badeeda iyo sida loola macaamilayo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com