Hargeysa(ANN)Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay inay dhaqan-gelinayaan xeerka kala xadaynta ganacsiga oo dhowaan Madaxweyne Siilaanyo qalinka ku duugay. Kulan ay wada jir usoo qabanqaabiyeen Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Maaliyada oo lagu sameeyay koox gudi ah oo

diiiwaan gelin dhinaca ganacsiga ka samaysa Afar gobol oo ka mid ah Somaliland ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka qaybgaleen Wasiirrada Ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed iyo Maaliyada Eng.  Maxamed Xaashi Cilmi, Agaasimayaal iyo saraakiil kale oo ka socday labadaa wasaaradood.
Agaasimaha Waaxda Ganacsiga ee wasaaradaa Aadan Cilmi Axmed oo ka hadlay ujeeda kulankaa ayaa sheegay in xeerka kala xadaynta Ganacsiga la sameeyay 2004-tii, waxaanu ku dooday in xiligaa ay ka hor yimaadeen ganacsatada oo khalad ka fahmay una qaatay inuu baayac-mushtarkooda lid  ku yahay xeerku.
Agaasimuhu  waxa uu sheegay in si loo fuliyo dhaqan galka xeerkan oo baahi weyn loo qabo,  isla markaana la kala xadayn doono Ganacsiga Jumladlaha ah iyo Ganacsiga tafaariiqlaha ah, isagoo  tilmaamay in xeerkan  ka hirgelin doonaan afar gobol oo kala ah Maroodi-jeex, Togdheer, Saaxil iyo Awdal, wuxuuna xusay in culayska la saari doono bakhaarada, kaalmaha shiidaalka, farmasiiyada, qalabka dayactirka, Xawaaladaha, iyo Isgaadhsiinta,  iyadoo loo kala saari doono jumlad iyo tafaariiq.
Wasiirka wasaarada Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi  oo kulankaa ka hadalay ayaa sheegay in barnaamijkan kala xadaynta Liisamada ganacsigu uu ahmiyad balaadhan ugu fadhiyo dalka iyo dadkaba, gaar ahaan ganacsatada,  isla markaana ay wasaarada maaliyadu ka helayso maqaam ay kula xisaabtanto ganacsatada. Sidoo kale Wasiirka maaliyadu wuxuu sheegay  inay ka heli doonaan hirgalinta barnaamijkan cashuuro badan oo ku dhex lumi jiray Ganacsiga aan kala xadaysnayn.
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska ee Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed, oo ka hadlay shirkaa  ayaa sheegay in xeerkani uu kala saari doono dabaqadaha kala duwan ee baayac mushtarka,  isla markaana uu soo celin doono iska daba ceeshkii lagu yaqaanay Ganacsiga.
Wasiirku waxa uu sheegay in aanay dhici doonin in Ganacsatada badeecadaha kala soo dega dekada Berbera ay badeecadooda ku daabushaan gaadiidkooda gaarka ah. Sidoo  kale waxa uu sheegay  in aan la aqbali Karin in Ganacsatada waaweyni ay bakhaaradooda ku tafaariiqeeyaan badeecadaha ay soo dejiyaan. Wuxuuna  gudi ka kooban wasaaradaha ganacsiga iyo maaliyada oo loo xil saaray inay  tiro koob  ka soo fuliyaan goboladaa iyo sidii loo kala xadayn lahaa  ganacsiga ay u ilaalin mas’uuliyada la saaray.

Xeerkan kala xadaynta Ganacsiga oo Goleyaasha sharci dejintu ay ansixiyeen 2004-tii waxa uu Ganacsatada u kala qaadayay shan qeybood oo kala ah Ganacsadaha jumladlaha ah, Ganacsadaha tafaariiqlaha ah, Ganacsadaha wax dhoofiya, Ganacsadaha wax soo dejiya iyo Ganacsadaha waxna dhoofiya waxna soo dejiya. Xeerkan waxa xiligaa olale ka galay ganacsatada waaweyn oo wakhtigaa Madaxweyne Rayaale ku qanciyay inaanu qalinka ku duugin dhaqan galka xeerkan, balse Madaxweyne Siilaanyo ayaa xeerkaa qalinka ku duugay, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo mudadii sanadka iyo dhawrka bilood ee xukuumadiisu jirtay ay bulshada soo waajaheen sixir barar iyo sarifka dolarka oo salka dhigi waayay, taas oo keentay inay maceeshadu cirka isku shareerto, iyadoo ay arrintaa dad badani ku tilmaameen mid ganacsatadu kula dagaalamayaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, balse ganacsatada ayaa iyagu ku doodaya in maceeshada iyo qiimaha dolarka ee suuqyada caalamiga ahi noqdeen sanadii u danbeeyay kuwo aan salka dhigin oo aan fadhiyin, isla markaana ay saamayn ku yeesheen suuqyada Somaliland ee ganacsiga badeecadaha iyo sarifka dolarka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *