Hargeysa(ANN)Wasaaradda Ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadlay sharciyadda adeega Zaad Service ee lacagta laysugu xawilo, kaas oo ay ku tilmaantay isticmaalkiisu inaanu ahayn mid buuxiyay shuruudihii ganacsi ee laga rabay, isla markaana wasaarad ahaan
aanu ka haysan wax ruqsad ganacsi ah.Agaasimaha Waaxda ganacsiga iyo dalxiiska Mr. Aadan Cilme Axmed oo ka hadlay arrintaa waxa kale oo uu sheegay in nidaamkan Zaad Service uu leeyahay dhinacyo badan oo faa’iido u leh bulshada iyo ganacsatada reer Somaliland, oo fudududeeyay isla markaana dhiiri geliyay nidaamkii ganacsi ee dalka.
Aadan Cilmi Axmed waxa uu sidaasi kuu sheegay waraysi dhinacyo badan leh oo wargeyska Dawan uu shalay kula yeeshay xafiiskiisa, ugu horayna isaga oo ka hadlaya sababaha keenay sicir bararka maciishada iyo hoos u dhaqa qiimaha safirka doollarka waxa uu ku jawaabay “Waxaa keenay in raashinku qaaliyoobo doolarkiina jabo, waa shaki ay ganacsatadu ka qabaan sarifka doolarka, mana jirto ilaa hadda sabab lagu qanco ee waa shakigaas uun. Halkii uu wakhtigii hore qiimaha doollarku joogayna waad ogaydeen, shakigaasina waa mid ay qabaan ganacsatadeena oo u dhaqmaya sidii jeeblayaasha yaryar, xiligana sida aad ka war qabtaan waa xiligii mooshinka xajka, waxaana dhooga xoolo badan, lacag badan oo doolar ahina wayn ina soo gashaa. Sideedabana qiimaha doolarku caalamka korna wuu u kacaa hoosna wuu u dhawaa, waana wax iska caadi ah.”
Agaasimaha oo aanu waydiinay awooda ay wasaaradoodu ku maamuli karto ganacsatada si ay isu waafajiyaan qiimaha meceeshada iyo sicirka doolarka waxa uu yidhi “Horta dastuurka Somaliland waxa uu leeyahay ganacsigu waa xor, sida uu qabo dastuurka qodobkiisa 11aad. Qodobkaasi waxa uu farayaa bulshada Somaliland in uu ganacsigu xor yahay, taas oo looga jeedo in ay bulshadu ku tartanto, taas oo u dan noqonaysa marka si fiican loo isticmaalo shacabka. Haddii aynu kaantaroolnana sidii wakhtigii dawladdii kalitaliska ahayd ee Siyaad Barre in dhibaato dhacdo.
Waxaase jirta in haddii dadka noloshoodu ay halis gasho oo ay ganacsatadu ku tacadido, xoriyad kasta oo jirtaa waxa ay leedahay dabar iyo xad aan la dhaafi Karin , sharciguna waxa uu ogol yahay isla qodobka 11-aad farqadiisa 4aad in ay wasaaraddu tallaabo ka qaado ganacsatada halista ku ah bulshada. Farqadaasi 4aad waxay tilmaamaysaa in ganacsiga iyo khayraadka dalku aanu ku ururin gacmo kooban oo ku tacadiya nolosha bulshada, waxa ay wasaaraddu awood buuxda u leedahay in ay talaabo ka qaado sida qodobkaasi dhigayo. Balse waxaanu talaabada sharciga ah marka hore ka doorbidaynaa in aanu si wacyi gelin ah ula hadalno ganacsatada oo aanu ku boorino in dhibaatada shacabka saamaysaa ay iyagana taabanayso.
Qof kasta oo muwaadiin reer Somaliland ah oo raashin jaban keenayana way u furan tahay oo waanu soo dhawaynaynaa .”
Agaasimaha waaxda ganacsiga ee Wasaarada Ganacsiga iyo dalxiiska Mr. Aadan Cilmi Axmed oo aanu waydiinay in hoos u dhaca qiimaha doolarka uu saamayn ku leeyahay nidaamka loo yaqaano Zaad Service, kaas oo ay dadka u isticmaalaan sidii lacagta, isaga oo yareeyay baahidii kaashka, waxa uu ku jawaabay, “Horta Zaadka anigu waan isticmaalaa, haddana waan necebahay, inta ugu horaysa ee aan ku necebahayna waxaa kow ka ah sadaqadii masaakiinta la siinayay ma bixin karaysid oo waxaagi Zaad ayuu ku jiraa, xitaa kunkii iyo labadii kun eejeebka lagu sitay ee shaaha lagu wada cabayay ma jirto. Haddana faa’iidooyin badan ayuu leeyahay oo meelo badan ayuu ganacsigii fududeeyay, waanu dhiiri geliyay ganacsigii, waana wax aynu wadamo badan oo Africa ah aynu dheernahayna wuu yahay, markaa bahalkaasi wuu faa’iido badan yahay. Waxa dhici jirtay in ganacsatada qaarkood ay berigii hore odhan jireen Saylac ayaanu wax ka soo cashuuranaynaa oo ay diidi jireen lacagta kaashka ah ee ay halkan ka qaadayaan oo xanibaadi ka iman jirtay, haddana ganacsadihii Zaad ahaan ayuu ugu dirayaa qof Saylac jooga oo u soo cashuura.”
Agaasimaha oo aanu waydiinay in wasaarada ganacsigu ay wax liisan ganacsi ah ay siisay Zaad Serves-ka waxa uu ku jawaabay “Ilaa hadda waanu ognahay in nidaamkaasi shaqeeyo oo ganacsi ahaan loo isticmaalo, hase yeeshee anagu wasaarad ahaan nidaamkii aanu ugu talo galnay ma wada gaadhsiisna.”
Aadan Cilmi Axmed oo aanu waydiinay su’aal ahayd, dadka aqoonta u leh nidaamka dhaqaaluhu waxa ay sheegaan nidaamkan marka la samaynayo in damaanad laga hayo shirkada isla leh waxa uu ku jawaabay “Su’aashan aad I waydiiseen waxa ay Ka mid tahay waxyaabaha aan leeyahay shuruudihii aanu ka rabnay ma wada gaadhsiisna ayay ka mid tahay taas iyo kuwo kaleba.”
Xigasho Wargeyska Dawan