Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa saaka subaxnimadii hore booqasho aan hore loo shaacin ugu kalahay deegaanka gobolka Baligubadle ee Koonfurta Hargeysa, lama garanayo ujeedada socdaalka booqashada Madaxweynaha iyo inta
ay qaadanay, balse wararka qaar ayaa sheegaya inay maalmihii u danbeeyay halkaa ka socdeen abaabulo shirar aan si cad loo ogayn nuxurkooda, taas oo sababtay inuu Madaxweyne Siilaanyo booqdo.
Deegaanka Bali gubadle oo ah meel taariikh weyn ku leh halgankii dib u xoraynta dalka ayaa ah meel xusuus gaar ah u leh Madaxweyne Siilaanyo xiligii uu hogaaminayay ururkii SNM oo ay saldhig u ahayd ururkaa, isla markaana deegaanka Baligubadle waxa uu ka mid yahay meelaha doorashadii madaxtooyada uu ka helay Madaxweyne Siilaanyo codadka ugu baddan, isagoo sameeyay xiligii ololaha balanqaadyo uu sheegay inuu wax kaga qabanayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada deegaankaa. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaankaa Madaxweyne Siilaanyo oo si weyn loogu soo dhoweeyay Baligubadle, waxa uu dhagax dhigay dhismaha taallo weyn oo lagu maamuusayo xaruntii Ururka SNM ee magaalada Bali-gubadle.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu si weyn ugu mahad celiyay dadweynaha ku dhaqan magaalada Bali-gubadle oo uu sheegay inay xusuus gaar ah ku leeyihiin waxaanu tafaasiil ka bixiyay doorkii ay halgankii dib u xoraynta kaga jirtay magaaladaa iyo dadkeeduba, isagoo sheegay inay taalladan uga dan leeyihiin inay xusuus u noqoto mujaahidiintii naftooda sadqeeyay xorayntii dalka, wuxuuna ILAAHAY uga baryay dhammaan mujaahidiintii u shiiday qaranimada Somaliland inuu naxariisto janno ka waraabiyo.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu ka hadlay balanqaadyadii deegaankaa ee xiligii ololaha doorashada, isagoo sheegay inuu fulin doono balan-qaadkii uu sameeyay xiligii lagu jiray doorashadii kal hore ka dhacday dalka, balse wuxuu ummadda reer Somaliland ka dalbaday inay samir u yeeshaan inta xukuumaddu ay fulinayso balanqaadkeedii,
Socdaalka madaxweynaha Somaliland waxa ku weheliyay Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur), Cadaallada Xuseen Axmed Caydiid, Gudoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka. Wefdiga Madaxweyne Siilaanyo oo maanta loogu qado sameeyay Baligubadle ayaa galabta soo maray Degmada Salaxley oo ka tirsan Baligubadle, iyadoo sida ay sheegayaan wararku uu Madaxweyne Siilaanyo meel fagaare ah kala hadlay dadka.
r
Aaweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com