Nairobi (ANN)Haweenay caan ah oo u dhalatay dalka Kenya ayaa geeriyootay maanta. Haweenaydaa oo la odhan jiray Wngari Maathai oo ahayd 71 jir, waxay ahayd qof u ololaysa daryeelka deegaanka arrimaha xuquuqda aadamaha iyo horumarka bulshada, waxayna dhimatay, iyadoo laga
daawaynayay cudurka Cancer.
Wangari Maathai, waxay ahayd haweenaydii u horaysay ee u dhalatay afrika ee qaadata shahaadada PHD, isla markaana waxay noqotay haweenaydii u horaysay ee afrikaan ah ee la gudoonsiiyo abaalmarinta caalamiga ah ee Nobile, Wangari ayaa aasaastay ururka Green belt movement sanadkii 1970, iyadoo dumarka ku guubaabiisay inay ka hortyagaan dhibaatooyinka geedaha la gooyo oo laga dhigto dhuxusha, iyadoo ku doodaysay inay goynta dhirku deegaanka u horseedaan xaaluf iyo abaar.
Dhowr jeer ayaa la xidhay oo ay ciidamada Boliiska dalka Kenya garaaceen, xiligii dawladii Arab Moi, iyadoo ku guda jirta oo u ololaynaysa cadaaladda iyo la dagaalanka musuqmasuqa.
Horaantii sanadkan ayaa BBCda waraysi ay ka qaaday ayay ka hadashay sida kacdoonka dalalka carabta ka bilaabmay ay u samaynayaan adduun wanaagsan iyo horumar.
Dhinaca kale Kumi Naidoo oo katirsan ururka u ololeeya deegaanka ee Green Peace ayaa sheegay in haweenaydaa Wangari Maathai ay ahayd qof la hadli karta qof walba madaxda iyo dadka caadiga ah.
Dimashada Wangari Maathai ayaa waxaa ka hadlay dad badan caalamka. Madaxweynihii ugu horeeyay ee haweenay Madaxweyne ka noqota Afrika oo ah madaxweynaha Liberiya Ellen Johnson Sir leaf ayaa BBCda u sheegtay in dumarka Afrika ay waayeen halyay, hogaamiye iyo qof u ololeeya xaqa bulshada ee siyaasada, nolosha iyo deegaanka.
Madaxweynaha Tanzania Jakaya kikwete ayaa ku tilmaamay Wangari Maathai inay ahayd qof aragti dheer iyo geesinimo leh. Guud ahaan dhawaaqyo baddan oo dunida dacaladeeda ka yimi markii ay maqleen dhimashada haweenaydaa ayaa ku tilmaamay mid ay afrika ku weyday qof geesiyad ah, balse ay taariikhdu xusi doonto.
Xoghayaha gudiga Norway ee bilada Nobelka ayaa ku tilmaamay Wangari inaay ahayd qof isku darsatay is waafajinta siyaasada iyo arrimaha deegaanka shaqadooda si gaar ahna ay u ahayd qof qiima baddan oo u ololaysa daryeelka iyo ilaalinta deegaanka iyo xuquuqda aadamaha.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com