Hargeysa(ANN)Qaar Ka mid ah qurbo jooga reer Somaliland ee weli ku sugan magaaladda Hargeysa, ayaa dareen cadho leh ka muujiyay duulimaadyadii shirkadda diyaaradaha ee Djibouti Air oo ay sheegeen inay joojisay. Waxayna Boqolaal Qurba Jooga ku gudoomay Somaliland   Baanbax

 

Cabasho ah Maanta ka Hor Dhigeen qasriga madaxtooyadda Somaliland. Kadib markii ay suurta geli weyday sida ay sheegeen inay cabashadood kala hadlaan wasiirka duulista oo ay ku doodeen inay ka wayeen xafiiskiisa.

Dadkan ayaa Sheegay in ay aad uga Cabanayaan Shirkada Diyaaradaha ee Air Djibouti,  taas oo joojisay Duulmaadyadii ay ku iman jirtey Somaliland,  sidaa awgeed ay waayeen waxay raacaan, maadaama  diyaaradaa oo ahayd  tii ay  markii Horre la Socdeen ee keentay dalkooda Hooyo hawadaka baxday.

Afar xubnood oo ka mid ah Dadka  Cabanayay  ayaa loo  saaray Guddi  si ay  kulan  Arrintan Xal  loogu helo ula yeeshaan Madtooyada,  waxana  xubnahaasi kala hadleen  cabashadooda Madaxweyne Ku xigeenka Soomaaliland, Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawadda, Taliyaha Ciidamada Booliska,  Waxanana  u Sheegeen saxaafada  Guddidii la hadashay Masuuliyiintani in uu Madaxweyne ku xigeenka somaliland Amar ku bixiyay In Shirkada Air Djibouti ay maalinta beri ah diyaarad khaas soo dirto oo dadkan ka daadguraysa Magaalada Hargeysa  oo gaadhsiisa dalka Isutaga Imaaraadka Carabka , oo ah meesha Somaliland  ku xidha  Qaaradaha Yurub  iyo  America.

Dadka cabanaya  ayaa tilmaamay inay dib uga dhaceen Duulimaadyadoodii, Waxayna  sheegeen ina y khasaarayaan lacag aad ubadan, iyaga oo intaasi ku daray in aanay ahayn Cabashadoodii  tii uhoreysay,  balse ay Cabashooyin  hore qaar iyaga ka  mid ah ugu Tageen wasaarada Duulista iyo Hawadda Somaliland, balse ay xafiiska ka waayeen wasiirka marar baddan.

Qurba jooga ku sugan Dalka ee Soo raacay Diyaarada Air Djibouti ayaa tilmaamay inay  si weyn  uga Xun yihiin inay dib uga dhacaan,  isla markaana ay ka habsaamaan Shaqooyinkii ay ka hayeen Wadamadii ay joogeen, Halka Caruurtuna  ka Habsaantay iskooladii waxbarasho, waxay kaloo  xuseen  in Mid kasta La khasiri doono Lacag Ganaax ah, taasi oo ay Carab baabeen in ay khaasarayaan.

Si kastaba ha ahaatee Shirkada diyaaradaha Air Djibouti ayaa Sanadkan Gudihii laga mamnuucay inay soo fadhiisato dalka, waxaana  joojisay wasaarada duulista oo sheegtay inay halis ku tahay amaanka rakaabka ay ay dalka keento. kadib markii qaar ka mid ah rakaabka soo raaca neeftu qabatay ee ay soo waajahday halis caafimaad.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office     
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com    
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *