Hargeysa(ANN)Munaasibada lagu Daahfuray  inay markii u horaysay si rasmi ah shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland u wada hadli karaan, isla markaana ay teleefanada kala duwan ku hadli karaan dadku, iyagoo isticmaalaya kaadh keliya halkii ay kaadhadh baddan isticmaalayeen ayaa maanta

 

lagaga dhawaaqay  Hoteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Xafladan oo lagaga dhawaaqay isku-xidhka shan Shirkadood oo ka mid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland, waxa furitaankeeda ka hadlay Madaxweyne  xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, iyadoo shirkadaha isku xidhka sameeyay  magacyadoodu yihiin  Somtel, Nation Link, Telcom, Soltelco, African Online., laakiin aanay qorshahaa madasha lagaga dhawaaqay kasoo xaadirin shirkadda ugu weyn ee Telesom oo aan qayb ka ahayn isku xidhka isgaadhsiinta Telefoonada.
Munaasibadaa waxa qayb galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/lahi Ismaaciil, Wasiirada Boosaha, Diinta iyo waqaafta, masuuliyiinta shirkadahaa, xubno gudi ah oo hawshaa isku xidhka  soo waday iyo marti sharaf kale. Madaxweyne xigeenka Somaliland waxaana  oo furitaankii  Munaasibadaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay isku xidhka shirkadahan isgaadhsiinta oo wax badan ka tari doona dhibaatooyinkii Bulshada ka haysatay dhinaca  Isgaadhsiinta, gaar ahaan wada hadal la’aanta dadka isticmaalada adeegyada kala duwan ee Shirkadaha Isgaadhsiinta.
Waxaanu yidhi “Runtii waxa maanta Farxad ii ah inaan ka soo qayb galo, isku xidhkii shirkadaha Isgaadhsiinta oo runtii baahi weyn loo qabay inaynu ku wada xidhiidhno, iyadoo laga maarmayo sadexdii Telefoon iyo afartii Telefoion ee markii hore la sitay, arintan oo runtii ka mid ahayd balanqaadyadii Xisbiga Kulmiye ee in adeegyada Bulshada la mideeyo”.
Mr. Saylici isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay “Maanta waxaan ku faraxsanahay in talaabada koowaad ee la qaaday inteedii badnaydna Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiintu halkan ka sheegay , shirkadaha laftoodiina ay ka marag kaceen, muhiimada aynu u soconaana waxay tahay inaynu shacbigeena u wada adeegno oo aynu ka saarno qoqobkii ku kala jiray ama kala xidhnaantii ku kala jirtay ,maadaama oo suuqeenu yahay suuq mid  xor ah, waxaan qabaa inaanu dawladu mar walba ka madhnayn shirkadaha isgaadhsiinta oo waxa loo sameeyaa Cashuur dhaaf”.
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Axmed Xaashi Oday oo Munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay sheegay in Wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiintu si isku mid ah u maamuli doonto iska Xidhka Shirdahan adeegyadooda Xidhiidhka laysku furay, isagoo hoosta ka xariiqay inay si caadalad iyo sinaan ah ay u ilaalin doonaan dhamaan shirkadahan xuquuqdooda Ganacsi iyo sirta Adeegyadooda.
Guddoomiyaha Guddidii ka soo shaqaysay isku xidhka shirkadahan Isgaadhsiinta ee mideeyay Adeegyadooda Isgaadhsiinta  Mr: Jaamac  X. Maxamed Cigaal ayaa isna munaasibadaasi ka sheegay qaabka ay dadku ugu wada Xidhiidhayaan shanta shirkadood ee laysku xidhay, isagoo halkaa kusoo bandhigay Heshiis buuxa oo ay shirkadahaasi wada galeen, kaas oo ay qayb ka tahay Wasaaradaha Boosaha oo dhex u ah Shantaa shirkadood.
Wuxuuna qaabka loo isticmaalayo Furayaasha shanta Shirkadood  u sharaxay  sidan:
1 Somtel 07 iyo Lambarka aad doonayso inaad wacdo.
2. Telcom 0 iyo lambarka kale
3. Nation-link 02 iyo lambarka kale
4. Soltelco 0222 iyo lambarka kale
5. Africa Online 022 iyo lambarka kale aad wacayso.
Mr Jaamac waxa kale uu sheegay in qiimaha wada hadalka shirakadahani uu yahay mid aad u jaban oo aan hore u dhicin, kaas oo uu  ku sheegay $ 0.03 minidkiiba.
Waxa sidoo kale munaasibadaasi ka hadlay Maareeyayaasha shanta Shirkadood ee Adeegayooda Isgaadhsiinta laysu furay kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyay qorshahan cusub ee ay maanta Bilaabeen, iyagoo halkaa ka cadeeyay inay ku wada qanacsanyihiin talaabadan ay Xukuumaddu ku maamulayso oo ay xuseen inay hirgelinteeda qayb ka yihiin.
Madaxa Shaqaalaha Somtel Cawil Saalax Cabdi ayaa sidoo kale  ka waramay sida ay ku dhalatay isku xidhka wada hadalka shirkadaha Telefoonada iyo dhibta laga dareemay kala qoqobnaan tooda isaga oo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi,  “waa geedi la guuray waana kabaal qaad sidii reer guuray, dalal badan oo dunida ah kajirin shaqada ay shirkadaha isgaadhsiintu dalka u hayaan, waxaan idin leeyahay ku raaxaysta isku xidhka shirkadaha ku bahoobayXafladan maanta ah” ayuu hadalkiisa ku soo afjaray.
Talaabada qorshaha ay soo bandhigeen shirkadaha isgaadhsiinta ayaa ah mid dhawr sannadood xal iyo maaro loo la’aa. Kadib markii ay shirkadda ugu weyn ee Telesom ku gacansaydhay, balse waqtigan oo laalan adagi ka dhexeeye shirkadda sannadkii ugu danbeeyay kusoo biirtay suuqa isgaadhsiinta ee Somtel ayaa dib usoo noolaysay qorshahaa iska xidhka oo mudo dheer waxba ka socon waayeen, taas oo sababtay inay Telesom u awood sheegato shirkadahaa oo ay qaarkood shiiqeen, isla markaana magac ahaan uun u jiraan.  Laaliin waqtigan ay dararta cusub iyo loolanka ka dhexeeya Somtel iyo Telesom oo ah labada ugu waaweyn isgaadhsiinta, isla markaana loolan adagi dhinaca suuqa mudooyinkii u danbeeyay ka  dhexeeyay ay taasi sabab u noqotay inay gabood kasoo dhigataan shirkadaha  yar yar ee isgaadhiintu Somtel oo iyadu hormood u ah qorsha wadahadalka shantaa shirkadood.
Hase yeeshee shirkadda Telesom oo ah shirkadda ugu awooda baddan Isgaadhsiinta Somaliland ayaan gebi ahaanba qayb ka ahayn isku xidhaka shirkadaha, iyadoo ay baahi weyn bulshadu u qabtay telefoonada shirkadaha kala duwan iyo kaadhadhka faraha baddan ee dadku ku jaah wareereen tan iyo intii ay Somaliland ka bilaabmeen shirkadaha telefoonadu.
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ee Somaliland laga hirgeliyo isku xidhnaan noocan oo kale ah, taas oo lagu maamulayo shirkaddaha  Isgaadhsiinta, iyadoo taasi meesha ka saaraysa kala xidhnaantii bulshada ee       Taleefoonada, Waxaanu wada xidhiidhka shanta Macbiil ee Shirkadahani dhaqan gelayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha July, sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ay soo saareen guddida farso ee Wada-jirka Isgaadhsiinta Somaliland oo loo  qaybiyay Saxaafada Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *