Juba(ANN) Munaasibad si wen loo abaabulay oo loogu dabaaldegayay dalka cusub ee kusoo biiray aduunka Koonfur Sudan ayaa xalay si rasmi ah loogu dhawaaqay inay tahay dal madaxbanaan oo gooni u taagan, waxana la saaray calankii dalkaa oo ah mid ka kooban dhawr midab. Dawladda
Sudan ayaa iyana rasmi ahaan ugu dhawaaqday inay aqoonsatay dalkaa inuu yahay Koonfurta Sudan oo hore uga tirsanaan jirey dalweynihii Sudan. Damaashaadyo iyo daabaaldegyo weyn ayaa laga oogey meel kasta, kuwaas oo la filayo inay si socdaan maalmahan, waxana ka qayb gelayaa munaasabaddan wufuud caalami ah iyo madax badan oo ka kala socota dalalka Afrika iyo adduunka kale intaba.
Dhinaca Somaliland waxa ka qaybgalay munaasibadaa Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamed Siilanyo iyo wefdi uu hogaaminayo waxayna gaadheen shalay Wadanka Cusub ee kusoo biiray wadamada dunida 09/07/2011, gaar ahaan Afrika, iyadoo ka qaybgalay munaasibadaa balaadhan ee dabaaldega. Wefdiga Madaxweynaha Somaliland waxa xalay halkaasi ku qaabilay madaxweynaha Koonfurta Suudaan ( South Sudan) ee martida loo yahay, kaas oo xalay Casho Sharaf ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyada South Sudan in ka badan Afar Madaxweyne oo kala ahaa Madaxweynaha Somaliland, Madaxweynaha Eretria, Madaxweynaha Simbawi, Madaxa Qaramada Mr. Ban-kin-moon.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka hor intii aanu ka bixin dalka, waxa uu sheegay inay ka qaybgalka munaasibada dalka cusub ee Koonfurta Suudaan ahmiyad weyn u leedahay Somaliland oo aqoonsi ka doonaysa mujtamaca aduunka.
Iyadoo dhinaca kalena ay shacbiga Somaliland xiligii ay ku jireen halganka iskaashi iyo cilaaqaad fiicani ka dhexeeyay Jabhadii SNM ee xoraysay Somaliland, iyadoo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ahaa hogaamiyihii ugu mudada dheeraa Ururkii SNM ee xiligaa iyo SPLA oo u dagaalamaysay inay Koonfurta Suudaan maalin xorawdo.taas oo Madaxweynaha dalka cusub ee Koonfurta Sudan ahaa hogaamiyayaashii waqtigaa ee jabhadii SPLA, Waxaana cilaaqaadkaa labada jabhadood iyo xidhiidhka labada shacbi ee Somaliland iyo Koonfurta Suudaan ee xoriyadeeda lagu dhawaaqay maanta qiray Madaxweynaha dalka cusub ee Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan ee dhowaan ka go’ay dalweynaha Soodaan Madaxweynaha Dalka cusub Mr. Salva Kiir Mayardit oo qoraal martiqaad rasmi ah usoo diray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), waxa uu ku yidhi qoraalkiisa. Sidan:-
“Waxaan mudane madaxweyne, ku faraxsanahay in aan kugu wargeliyo in 9 July 2011 ay tahay maalin taariikhi u ah dadka Koonfurta Suudaan. Tan oo soo afjartay muddadii ku-meel-gaadhka ahayd iyo heshiiskii isfamahka ahaa ee Suudaan (CPA) ee Suudaan u riixay siyaasadda tixgelinta mudan. Waa maalin uu dhalanayo dalkii 54aad ee xubinta ka noqda Midawga Afrika oo calankiisa sare loogu taaggo si guul ah, kadib markii aannu ka soo baxnay dagaalkii sokeeye ee ugu mudada dheeraa Afrika, Koonfurta Suudaana waxay hadda gelaysaa waa cusub oo u baryey oo ah nabadgelyo joogto ah, dimuqraadiyad iyo qaranimo masuuliyadi ku dheehan tahay.
Sidaa darteed, aniga oo ku hadlaya magaca dadka iyo dawladda Koonfurta Suudaan iyo weliba magacayga gaarka ah, waxa farxad ii ah in aan kaa codsado inaad mudane si qadarin leh shacabkayaga ugala soo qaybgasho munaasibadan qiimaha leh. Shacbiga Koonfurta Suudaan waxay si qotodheer oo qadarin mudan mudane uga dhursugayaan dedaalka aan kala go’a lahayn ee shacbiga iyo dawladda Somaliland ee suurtogeliyey inay timaado munaasibadda maalintani.”
Dalka Sudan oo ahayd dalka ugu ballaadhan qaaradda Afrika oo ku fadhiday dhul dhan ilaa 2.5 malyuun (sq km) oo KM oo dhinac walba iska le’eg, waxay haatan u kala qaybsantay laba dal. Koonfur Sudan waxay ku fadhidaa ilaa 640,000 oo KM oo dhinac walba iska le’eg, waxayna u dhigantaa qiyaastii rubuc dhulweynihii hore ee Sudan. Waxa dhex mara webiga Nile, waxayna u badan tahay dhul-biyood dhir iyo cagaar leh. Koonfur Sudan waxay xuduud la yeelanaysaa dalalka Sudan, Ethiopia, Kenya, Uganda, DR Congo, iyo Jahuuriyadda frikada Dhexe.
Tiraa dadweynaha Koonfur Sudan waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 8 – 10 malyuun oo qof, waxayna u dhigmaysaa ilaa rubuc tiradii hore ee dadweynaha dalka Sudan oo guud ahaan isku ahaa in ka badan 40 malyuun. Dadweynaha Koonfur Sudan waxay ka kooban yihiin in ka badan 200 oo qawmiyadood amma qabaa’il, waxana u badan Dinka iyo Nuer-ka. Waxay ku hadlaan luqado kala duwan. Haatanse Af-Ingiriisiga ayaa noqnaya luqada rasmiga ah, waxanu bedelayaa tii hore ee Carabiga ahayd. Dadweyaha Koonfur Sudan waxay kala haystaan intooda badani caadoyin iyo caqiidooyin kala duwan oo dhaqan dhaqan oo dhawr ah, iyo diinta masiixiga.
Dhaqaalaha
Dadka reer Koonfur Sudan intooda badani waa reer miyi ka kooban xoola-dhaqato iyo beeraley (80%). Hasse ahaatee saliidda Sudan oo dhan ayaa la qiyaasay in 80% ay ku jirto Koonfur Sudan oo haatan dhaqaalahoodu si weyn ugu tuiirsan yahay saliiddaasi. Hasse ahaatee waxa lagu tilmaamaa haatan inuu ka mid yahay dalalka Afrika ugu liita xagga horumarka. Waxana intaasi u dheer dagaalladii sokeeye ee daba dheeraa oo keenay burbur kaabayaashii dhaqaalaha, kuna dhinteen dad ilaa 2 milyan ku dhawdhaw, iyo in badan oo kale oo barakacday, amma debadda u qaxday.
Taariikhda Siyasadeed
Koonfur Sudan waxay sanadkan bilawgiisii u codaysay inay gooni isku taagto ka dib markii laga qaaday afti dadweyne. Arrintani waxay ka danbaysay halgan dheer oo siaasadeed iyo mid dagaal oo qawmyadeed intaba. Sudan waxa soo maamuli jirey quwado hore oo kala geddisan oo ay ku jraan maamuladdii Turkiga iyo Masar, intii aan Ingiriisku qabsan Masar iyo Sudan. Ingriiska oo ka walaacsan Faransiiska iyo inuu dhinaca koonfureed ee webiga Nile oo biyaha soo mara kala dhantaalo, ayaa waxa uu maamulkiisii ku fidiyey ilaa koonfurta Sudan, si aan Masar loogu cunaqabatayn biyaha webiga Nile. Hasse ahaatee inti u dhaxaysay 1946 – 1956, Koonfur Sudan waxay lahayd maamul gooni ah oo Ingiriisku u sameeyey. waxay ka walaacsanaayeen waqooyigu in uu fulin waayo balanqaadyadii gobannimada ee 1956 oo ahaa hab federaal ah iyo cabsi ku saabsan in lagu soo rogo xukunka shareecada islaamka, iyo Carabnnimo.
Sidaasi awgeed, waxa jirey kacdoonno iyo dagaalo sokeeye laga soo bilaabo xilliyadaasi iyo intii ka horraysayba. Dada ilaa 2 malyuun oo qf ah ayaa ku dhintay agaalladaasi, ugu danbantiina waxa lagu soo afjaray heshiiskii nabadda ee 2005. Heshiiskaasi waxa uu horseeday aftidi sanadkan horraantiisa oo 99% ay u codeeyeen in Koofurta Sudan ay noqoto dal madaxbannaan.
Welise waxa sii jira xisado ka taagan gobollada xadka ee waqooyiga iyo koonfurta oo laga cabsi qabo in colaado hor lihi ay sii abuurmaan. Waana ta keentay inay halkaa Koonfurta Sudan loo diro 7,000(todoba kun) oo askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada midoobay. Ka hor intii aan lagu dhawaaqin dalkaa cusub maalmihii lasoo dhaafay, kuwaas oo xidhay xuduuda dalka ay kala go’een ee Woqooyiga Sudan iyo gebi ahaanba xuduudaha kale ee ay la wadaagto wadamada ay jaarka noqdeen Juba.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com