Hargeysa(ANN)Adeega Zaad Service oo ah nidaam ay lacagaha isugu xawili karaan, kuna kaydsan karaan dadka isticmaalaha Mobilka Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ayaa dalka laga hirgeliyay bishii lixaad ee sannadkii 2009-kii, wakhtigaas oo hadda laga joogo muddo laba

sannadood ah, waxaana uu muddooyinkii ugu dambeeyay saamayn togan ku yeeshay dhaqdhaqaaqyada iyo wax kala iibsiga suuqyada ganacsiga Somaliland.
Adeegsiga nidaamkan Zaad Service oo ah mid Electronic ah ayaa waxa isticmaalaha tiro badan oo ka mid ah dadweynaha reer Somaliland, haddana waxa jira warwar weyn oo ay bulshadu ka muujinayso kalsoonida lagu qabo iyo amaankiisa, maadaama oo uu yahay nidaam electronic ah, isla markaana aanay jirin ama aanu lahayn wax tixraac ah oo lasgula xisaabtami karo shirkadda adeegan iska leh, haddii uu khalkhal ku yimaado nidaamkan, kaas oo cadayn iyo muunin u noqon kara dadka ay lacagtu ugu jirto, sida Rasiidh iyo wax la mid ah.
Dadka warwarkan qaba ayaa ku sababaynaya wakhtiyo adeegan Electronic-ga ah uu ku yimi hakad sababay in ay dadku waxba ku iibsan kari waayeen lacagtoodii Mobiladda ugu jirtay . hakadkaasi oo tiraba dhawr jeer ku yimi adeegan, ayaa sababay in hoos u dhac weyni ku yimaado kalsoonidii iyo aaminaadii ay bulshadu ku qabtay. Tusaale ahaan, wakhtiyadaas waxa dhacday in qaar ka mid ah hudheelada wax laga cuno ee magaalada Hargeysa ay Ogaysiis ku soo dhejiyeen goobaha ay dadka wax ka iibsanayaa ka faraxashaan, ogaysiiskaas oo xambaarsan farriin odhanaysay ‘FADLAN, KA HOR INTA AANAD WAX CUNIN, ISKA HUBI IN ZAADKU SHAQAYNAYO AMA KUU BAXAYO.” Farriintaasi oo muujinaysa warwarka ganacsadaha ama mulkiilaha hudheelkaasi ka qabo in khasaare ku yimaado, haddii dadka wax ka cunay ama ka iibsaday uu Zaadku u shaqayn waayo.
Barnaamijka Ganacsiga ee Wargeyska maalinlaha ah ee Dawan ayaa warbixin dheer oo dhinacyo kala duwan leh ka qoray adeega ZAAD Service waxaanu ku bilaabay sidan:-
“Ugu horayn maamulaha guud ee adeega Zaad Service Cabdiraxmaan Aadan Shire ayaa faahfaahin ka bixiyay adeegan Zaad iyo hawlaha shaqo ee ay soo korodhiyeen mudadii labada sanadood ahayd ee ka soo wareegtay aasaaska shirkadoodani hawshii adkayd ee keentay hirgelinta mashruucan iyo aasaaskiisaba. Maamuluhu waxa uu ka dhawaajiyay in ay jiraan qorshayaal cusub oo ay gacanta ku hayaan kuna soo kordhiyeen adeegan. Adeegan oo xilligan ah mid si baxaad leh ay u isticmaalaan bulshada Somaliland 80%.
Haddaba si aanu xog dheeraada uga helno adeegyada uu ka kooban yahay Zaad Servie ku waxaanu bogga ganacsiga ee wargeyska Dawan aanu ku booqanay maamulaha guud ee adeega Zaad Servie.
Waxaanan aanu ugu horeyn weydiinay wakhtigii la aasaasay iyo sababihii keenay aasaaska adeegsigaasi. Isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Adeegani waxaanu bilawnay sanadkii 2009 bishii 6ad adeegani hadii aynu u naqaano Zaadka waxa dunida la yidhaahdaa ‘Mobile Monay’ oo ah ‘Money Transfer; MME’. Dalka waxa uu ka shaqaynaayay muddo 2 sano ah balse waa adeeg facweyn waana tiknoolajiyadihii ugu danbeeyay waxaana la isticmaalay markii ugu horaysay sanadii 2000.
Wadankii ugu horeeyay ee isticmaalana waxa uu ahaa wadanka Filibiin. Intaasi ka dib waxa uu u soo gudbay qaarada Afrika sida Yugaandha, Kiiniya, Tansaaniya, inagguna marka loo eego shirkadeenan, waxaynu noqonaynaa wadankii 5aad ee isticmaala, balse maanta waxa u noqday adeeg ka hanaqaaday dhammaan dunida inteeda badan, isticmaalana, “Runtii haddii aan ka waramo fikirka iyo sabaabaha keenay aasaaska adeegani, waxa weeye fikirka. Waxa iska lahayd shirkada telesom oo ka bilawday Somaliland iyo gobollada dalka oo dhan. Iyadoo shirkada telesom xidhiidh caalamiya la samaysay urur la yidhaahdo GSMA oo ah GSM Assosication.
Ururkaasi oo adduunyada waxa uu qabtaa shirar caalamiya oo waxa fursad u heshay in ay ka qayb gasho shirkada Telesom waana mid lagu soo bandhigo tiknoolajiyadha casriga ah. Haddaba waxa ku soo kordhaa intaasi ka dib ayaa shirkii 2006 oo ay ka qayb gashay shirkaddu waxa ay ku dedaashay in bal ay hirgeliso adeegan cusub ee Zaad Servie, iyada oo ka soo dheegtay Research badan oo ay ka samaysay shirarkii ay ka qaybgashay iyadoo maanta xubin ka ah ururkaasi, markii aanu samaynay cilmi baadhis dheer, ayaa waxa aanu u yeedhnay niman injineero ah si ay barnaamijkii u casriyeeyaan kana dhigaan mid ka hanaqaada wadankeenan Somaliland si aynu ula jaanqaadno aadduunyada.”
Md. C/raxmaan Aadan Shire oo faahfaahin ka bixinaayay qaybaha adeega Zaad Sercie ku kooban yahay waxa uu yidhi “Adeega Zaad waxa uu kulmiyaa qaybo badan, adeega ugu horeeyana waxa weeye dadku in ay lacag dhigaan karaan lana bixi karaan oo qofkii kaashkii uu gaystay electronic ku qadan karaan Zaadkii u haystay ee mobile-ka ugu jirtay uu kaash u bedelaan karaan.
Qaybta labaad ee adeegani waa “Money Transfer” oo ah lacagtii ay dadku gudaha isugu xawilayaan, waxa kale oo jira in aad dibadda lacagtii aad ku diri karto lagana soo xaawili karo adigoo adeegsanaya Zaad Service, waa mid ay dadku isticmaalaan oo hanaqaaday.
Waxyaabaha kale ee lagu isticmaalo waxa ka mid ah ku iibsasho E. vocher oo ah mid aad meherad kasta wax kaga iibsan karto iyadoo meherad kasta haysato, waxyaabaha ugu la yaabka badan ee uu fududeeyay adeegani. Waxa weeye xataa waxa isticmaalaya biyoolihii oo inta uu reerka u shubo biyaha odhanaya Zaad iigu soo dir, waxaanay ku tusaysaa in ganacsadihii iyo macmiilkii wada isticmaalaan.
Adeega kale ee Zaad Service waxa weeye Monay Recharge oo ah lacag ku shubashadii taasi oo qofkii mobilekiisa ka isticmaalayo kana shubanaayo taasi oo ah mid dadku aad u isticmaalaan oo hanqaaday, taasi oo la odhan karo waxa uu fududeeyay in halkii qofku ka raadin lahaa dukaan ama meherad uu isagu shubo, waana mid ganacsatadu ku maamuli karaan waxna ku kala iibsan karaan.
Waxa kale oo ka mid ah adeegyadii ugu cuslaa uguna cusbaa waa ‘Period Payment’ oo ah in mushaharooyinka lagu bixin karo, in haddii qofku xisaab (account) uu ku leeyahay baanka Salaama Remmittance, waana service qabata, lacag dhigid, lacag qabashada oo qofkii isaga oo gurigiisa ama meheradiisa jooga uu lacagtiisii akoonka ‘Account’ ugu jirtay uu halkaasi kala soo bixi karo, isagoo aan bangigii tagin, balse kala bixi kara Zaad-kiisa, isticmaali karana, waana adeegyada ugu fudud ee la isticmaalo oo halka uu barigii hore uu qofku markaa u doonayo inuu baangiga lacag dhigto uu tagi jiray baanka markaa uu la soo baxayana uu tagi jiray baanka labada goorba. Intaasi la fududeeyo oo markaa habkan cusub loo guuro waana mid hirgelay oo qofku lacag aanu lahayn lama bixi karo oo waxa si wadar ah u wada shaqaynaya shirkaddii iyo baangigii oo maanta habkan waxaa uu yahay mid casriya oo ah in lagaga maarmo form-kii registered, la mari jiray oo dunidu wakhti dhaw waxay ku socotaa in lagu shaqeeyo ‘Paper Less World’ aduunyo bilaa warqad ah.”
C/raxmaan Aadan Shire oo ka jawaabayay su’aal ahayd xadiga lacag ah ee lagu isticmaali karo ama la dhigi karo adeegani waxa uu yidhi “Walaal xadiga ugu badan ee qofka caadiga ahi ku isticmaali karaa 2000 $ (laba kun oo dollar), waa xadiga ugu badan ee loogu talo galay adeega Zaad Service, waxa dhacda in marmar ganacsatadu yidhaahdaan in aanu ku dirno xadi lacageed oo intaasi ka badan, waxaanu leenahay Boroseys loo maro waana looga kordhin karaa ilaa xadi go’an. Laakiinse bulshada caadiga ah waxa u go’an 2000 dollar in u ka diri karo loona soo diri karo.
C/raxmaan oo aanu weydiinay faraqa u dhexeeya xawlidaadihii hore loogu diri jiray lacagta habkan Zaad waxa uu yidhi “System-ku (habku) waa kii uun balse waxa ku soo kordhay tiknoolajiyada casriga ah oo qofku berigii hore marka uu isticmaalayo Land Line telefoon iyo marka uu soo kordhay mobile ku isku mid maaha. Dabcan waa hawl fududayn waxaanan odhan karaa way ka fudud tahay oo ay ka ‘security’ (ammaan) wacan tahay way ka wahti yar tahay waana asbaabaha keenay in dunida ka fikirto tiknoolajiyad cusub oo wax fududayn kartaa kana ammaan badan qaabkii hore ee la isticmaali jiray.”
C/raxmaan oo aanu weydiinay maxaa u damaanad ah bulshada maanta isticmaasha adeega Zaad Service? Waxa uu ku jawaabay: “Adeega Zaad waxa ugu horayn macmuulka u dhiibta shuruudo ama form intasi ka dib waa ay diwaangelisaa, waxaana bulshada isticmaasha adeegan Zaad damaanad u ah oo ugu masuul ah shirkadda Telesom. Shirkadda Telesom-na ruqsadbay u haysataa in ay bixin karto adeegani oo xukuumadda ayaa u siisay waana mid ay bilawday oo hanaqaaday, isla markaana ay bulshadu ku xidhan tahay, waxaan bulshada Somaliland iyo macmiisha Zaad Service-ba in shirkadu ay ka masuul tahay lacagtooda, adeegooda, maahana mid muhmal gali karo.
Waxaana uu maamuluhu duray maqaalo dhawaan lagu daabacay wargeyska Foore oo uu ku tilmaamay mid xaqiiqda ka fog isla markaana aan lo meel dayin, waxaanan wargeyska uga digaynaa in ay war been abuura faafiyaan, anagga shirkad ahaan saxaafada xidhiidh wanaagsan baa naga dhexeeya oo aanu la leenahay.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baanka Somaliland Md.Cabdi Madar Cabdi oo aanu isagana wax ka waydiinay Adeegan Zaad iyo sida uu u arko ayaa waxa uu yidhi “Adeegan Zaad markaynu ka hadlayno, waxa anigu aan kalsooni darro ka muujin karaa Decuments-ka oo ku saabsan qofka akoonka furanaaya oo aad moodo in aanu sugnayn warkiisu iyo warbixintiisu, kuwaasi oo ay ka mid tahay ID card qofkii laga qaado si hadhow lagu raad raaco iyo meesha ay lacagtu ka timid iyo meesha ay ku dhaamatay. waxa ugu muhiimsan waxa weeye ee aan kalsooni darro ka qabi karaa waa decumention-ka oo sida ay u samaynayaan qofka rikoodhkiisa oo si hadhow looga daba tegi karo oo loo badhi karo ayuun baan werwer ka yara muujinayaa ee sida ka le waa System shaqaynaya oo waxa uu iila eeg yahay mid dadkuna kalsooni ka muujinayaan. Aad ayuu u shaqaynayaa, sistamkan electroniga ah waxaad mooda inuu aduunyada imika aad ugu faafaayo marka imika sida uu ku shaqaynaayo aad iyo aad ayey kalsoonidiisa u wanaagsantahay.”
“Adeegani sida uu u shaqaynaayo inkasto oo aanaan ka baaran degin , xukuumad ahaan kolay liisan waa la siiyey oo wuu sharciyeysan yahay shaqayntiisuna sida aan anigu u ogahay electronic ahaan waa wax aduunyada ka shaqaynaaya waa waxa ay bangiyadu horumarka ku samaynayaan markaa ilaa imika dhibaatoyin ka yimid ma hayno oo wax ka soo baxay oo dhibaato keenay maan arag markaa waa nidaam shaqaynaaya.” Ayuu yidhi guddoomiyaha baanku.
Sidoo kale Cismaan Maxamed Xasan oo ka mida dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa ee iyagu isticmaala adeega Zaadka oo aanu wax ka waydiiney fikirkiisa ku aadan adeegan ayaa waxa uu yidhi. “Runtii waa adeeg ay dadku isticmaalaan, waxyaabo badanna fududeeyey, laakiin markaad eegto dhinaca kalsoonida iyo aaminka ma jiro wax caddeyn aha ama muujinaya in ay lacagi kuu kuugu jirto adeegan. waxaanan soo jeedinayaa in la sameeyo waraaqo cadaynaya lacagtiii aad ku shubtay ama aad dirtay. “
“Ilaa hadda ma jiro masuul qaran oo si cad u sheegay iney umadda damaanad ugu yihiin adeegan Zaad Serviec, ha ahaato Hay’ayaddaha sharciga sida Xeer illaahinta qaranka, wasaaradda arrimaha guddaha iyo golayaasha xeer dajinta. Runtiina waxaa jira warwar badan oo laga qabo kalsoonida iyo aaminka lacagtaas mobilka lagu shubanayo ee haddana aanay cadaynta iyo waraaqo toona lahayn.” Ayuu yidhi Cismaan Maxamed Xasan
Cabdi Cali Maxamuud oo ka mid ah ganacsatada magaalada Hargeysa oo aanu isagana wax ka waydiinay ayaa yidhi “Runtii labadii sanno ee adeegani dalka ka shaqaynayeyba waan isticmaalayay oo waxbaan ku iibsanayey waxna waan ku dirayey markaa anigu ma arko mana qabo in ay jiraan wax dhaliilo ah ama muhmal galin kara adeegan Zaadka.
Ta kale hadii aynu eegno waxtarka uu bulshadda u leeyahay adeegan Zaad Serviec, waxa la odhan karaa waxa uu sahlay waxyaabo fara badan oo wakhtiyadii hore ku adkaa bulshadda ,hadday tahay mid ganacsi iyo mid bulshaba.
Xigasho  Dawan

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *