Hargeysa(ANN) Maxkamadda Gobolka Gebilay ayaa xukun sadex sanno ah ku riday Qawrax Muuse Xuseen oo ahaa Guddoomiyihii Degmadda Wajaale ee wakhtigii  maamulkii xukuumaddii Daahir Rayaale.Guddoomiyahii hore ee xukunku
ku dhacay maanta  ayaa  muddo ku dhaw toddoba bilood u xidhnaa. Kadib markii baadhis hantidhawrka qaranku sameeyay lagula xidhiidhiyay falal musuq-maasuq, sidaana xabsiga loogu taxaabay,   iyadoo  Dacwad uu ku soo Oogay  xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranku ay shalay Maxkamaddu soo af-jartay, isla markaana Garsoorihii  maxkamadda dawladiisu ka socotay sarkaalkaa hore sheegay   in lagu helay Eedaha uu Xafiiska Xeer ilaalintu ku soo Oogay.
Qawrax Muuse waa masuulkii labaad ee ay Maxkamadda Gabilay ku xukunto danbi la xidhiidha Musuq-maasuq,  iyadoo horena ay xukun ugu riday Cabdi Xabashi oo ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda, kaas oo dacwad ka dhan ah oo la xidhiidha musuq-maasuq lagu hog geeyay sharciga. Kadibna xukun ay ku riday maxakamaddu.
Labadaa Nin ee masuuliyiinta ahaan jiray ayaa ah labadii sarkaal ee u horeeyay masuuliyiinta xiligii maamulkii Daahir Rayaale la soo shaqeeyay ee uu ku dhacay Xukun la xidhiidha Musuq-maasuq, waxaana eedahan oo kale u xidhan saraakiil  iyo Masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada Hargeysa iyo Xoghayihii Dawladda hoose ee Burco kuwaas iyo saraakiil kale  oo ku jira Xabsiyada  dalka, kuwaas Dacwadoodu ka socdaan  Maxkamadaha dalka.
Talaabadan ayaa loo arkaa mid wax weyn ka taray ku tagrifalka hantida ummmada ee masuuliyiinta iyo dadka xilka loo dhiibo ee dhex dabaasha fadeexadaha musuq-maasuq, taas oo Madaxweyne Siilaanyo balanqaaday inuu wax ka qabanayo xiligii kaanbaynka, balse durbadiiba waxa ka hor yimi baadhitaano waqtigaa lagu bilaabay wasiiro iyo masuuliyiin kale oo maamulkii kooxdii Daahir Rayaale ah dhawaaqyo caadifadeed oo beelaysan, kuwaas oo  loogu turjumay aar goosi siyaasadeed iyo in cid gaara ay beegsanayaan hantidhawrka guud ee Madaxweyne Siilaanyo magcaabay markii uu xilka la wareegay dhawr bilood ka hor, taas oo keentay in la hakiyo baadhitaano masuuliyiin sare oo ka tirsanaa kooxdii xukuumaddii Daahir Rayaale oo fadeexado musuq-maasuq iyo ku tagrifal hantida ummada  lala xidhiidhinayay. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *