Nairobi (ANN)Weftigii ka socday Xukuumadda Somaliland ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan gaar ah kula yeeshay Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada ee Qaramada Midoobay. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Nairobi. Wefdiga ka socday Somaliland ayaa

 

golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uga waramay xaalada Somaliland iyo mawqifka gooni isu taaga ee loo dabaal degay labaatan guuradii kasoo wareegtay.
Warbinta ay wefdiga xukuumadda Somaliland siiyeen golaha amaanka, ka sokow waxay gacanta ka saareen qoraal dheer oo ah dukumenta ka hadlaya marxaladihii ay soo martay Qaranimada Somaliland, iyadoo ay golaha amaanku sidoo kale kulan la yeesheen labada dhinac ee ka socday dawladda taagta daran ee Somalia oo khilaaf weyni u dhexeeyo iyo sidoo kale masuuliyiinta ka socday maamul goboleedyada puntland iyo Gal-mudug.  Masuuliyiinta labada dhinac ee Baarlamaanka iyo TFG ayaa ka hor kulanka golaha amaanka ayay  ergooyin ka socda Midowga Afrika si  gooni gooni ah kulan ugula yeesheen hoteeladii ay deganaayeen.
Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha guud oo  Qaramada  midoobay u qaabilsan  arrimaha Soomaalida Mr. .Mahing  ayaa warbixin uu kaga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo Somaliland Golaha siiyay.Danjire Dr. Mahiga  waxa uu sheegay in Somaliland ka duwan tahay Soomaaliyada kale, isla markaana ay ka jirto nabadgelyo iyo horumar la taaban karo, balse aanay taa macneheedu ahayn inay Somaliland u aqoonsan yihiin dawlad ee ay tahay meel nabdoon. 
Sidoo kale waxay golaha amaanku warbixin lagaga hadlayo xaalada Somalia ka dhegeysteen masuuliyiin dalka Kenya ah.
Inkasta oo ay axsabta mucaaridka Somaliland canbaareeyeen  kulanka wefdiga xukuumadda Somaliland iyo xubnaha ka socda golaha wakiiladu  kala   qaybgaleen golaha amaanka. Hadana Kulankaa golaha amaanka oo ah kii ugu horeeyay ee ay fursad u hesho Somaliland inay hor fadhiisato golaha amaanka  ayaa la filayaa inuu golaha amaanku kasoo saaro marka uu dhegeysto warbixinahaa.   ka dib qaraar khuseeya arrimaha Soomaalida, iyadoo uu ilaa hada caqabad ku yahay Somaliland  qaraarkii uu golaha amaanka hor dhigay April 24, 1992, ee tirsigiisu ahaa 751, 733 (1992)  iyo 746  (1992), kaas   oo Xoghayihii Guud ee waqtiga  Boutros Boutros Ghali, kaas oo golaha amaanku ansixiyay, isla markaana carqalad ku noqday qaranimada Somaliland ee labaatan jirsatay. waxaana la saadaalinayaa in qaraarka kasoo socda golaha amaanku meesha ka saarayo qaraarkii hore ee 1992-kii.

Weftiga xukuumadda Somaliland  waxa  Hoggaaminaya  Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaana xubno ka ah Wasiirrada Gaashaandhiga. Axmed X. Cali Cadami , Macdanta iyo Biyaha Dr. Xuseen Cabdi Ducaale, shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac iyo Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha dibada ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Xuseen Maxamed Cigge. Waxaana la filayaa mudada ay halkaa joogaan inay kulamo la yeeshaan masuuliyiinta dalka Kenya iyo dublamaasiyiin ku sugan Nairobi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *