Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis u fidiyay maxaabiistii ugu tirada badnayd ee cafis loo fidiyo, kuwaas oo ku xidhan jeelasha dalka, isla markaana tiradoodu
dhan tahay 751 Maxbuus.Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu sidaa ka sheegay xaflad xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada oo lagu xusayay sannad guurada 20-aad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland oo labaatan sannadood ka hor lagaga dhawaaqay magaalada Burco 18 May 1991.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in maxaabiistan uu u cafiyay si ay shacbiga Somaliland ula wadaagaan farxada dabaal dega munaasibada sannad guurada labaatanaad ee ka soo wareegtay qaranimada Somaliland oo shalay dalka Gudahiisa iyo dibadiisa laga xusay.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Salaasadii 17 May, maalin ka hor xuska munaasibadaa cafis u fidiyay laba wadaad oo muddo sannado ah u xidhnaa eedaymo lagula xidhiidhiyay falal argagixiso, kuwaas oo xukuno kala duwan lagu riday.
Labadaa wadaad oo mid yahay Sh. Maxamed Ismaaciil oo caan ka ah inta baddan geyiga Soomaalidu degto, waxa uu xaafada New Hargeysa ku haystay ka hor intii aan ciidamada amaanku qaban dabayaaqadii 2004, goob Cilaaj oo dadka lagu dabiibo, wuxuuna xabsiyada Hargeysa iyo Berbera ku xidhnaa todobadii sanadood ee la soo dhaafay, halka Muuse Cali Aw Yuusuf oo la qabtay sannad ka dib uu ku xidhnaa muddo lix sanadood ah. Qaar ka mid ah ehelada labadaa wadaad ayaa soo dhoweeyay cafiska Madaxweynaha Somaliland u fidiyay labadaa wadaad.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1