SiHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga Somaliland meel ay joogaanba ugu baaqay  inay si wada jir ah caalamka ugu muujiyaan rabitaankooda la xidhiidha qaranimada Jamhuuriyada Somaliland kana dalbadaan aqoonsiga ay xaqa u leeyihiin,

 

taas oo lagu beegayo xuska sannad guurada 20aad ee kasoo wareegtay  lasoo noqoshadii madaxbanaanida qaranimada Somaliland ee lagag dhawaaqay shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 18 May 1993.
Madaxweynaha Somaliland oo maanta ka hadlayay Masjid ku yaala qasriga  xarunta madaxtooyada, kaas oo uu salaadii Jimcaha kaga qaybgalay waxa uu sheegay in dabaal dega labaatan guurada qaranimada Somaliland oo ku beegan 18-ka bishan May ay Somaliland caalamka u bandhigi doonto rabitaankooda waxaanu yidhi “ILAAHAY mahadii ha ka gaadhee waxa inagu soo fool leh sanad guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland ee 18-kii May. Somaliland iyo dadkeeduba waxay doorteen inay si mug leh caalamka ugu soo bandhigaan rabitaankooda isla markaana dhawaaq sare ugu sheegaan waxay ka rabaan oo ah Ictiraaf.”
Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlaya shacbiga Somaliland gudo iyo debedba wuxuu baaqiisa ku yidhi,  “Waxaan ummadda reer Somaliland guddo iyo dibadba ugu baaqayaa inay maalinta 18-ka May halka ay joogaanba isu soo baxyo nidaamsan oo nabad ah inay sameeyaan iyagoo muujinaya dareenkooda isla markaana ay soo qaataan astaanta qaranka oo ah calanka Somaliland aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin.”
“ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu guusha ina gaadhsiiyo ummadda reer Somaliland ee intaasi u soo halgamaysay madaxbanaanidooda, halganka dheerna u soo gashay waxaan ILAAHAY ka baryaynaa inay Somaliland hesho Ictiraafka , waxaynu leenahay meel aynu joognaba aynu isku soo baxno oo aynu muujino dareenkeena, rabitaankeena iyo waxaynu u soo halganay aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu dadweynaha Somaliland ugu mahad celiyay dedaalka iyo kaalinta gudo iyo dibadba ay ka geysteen madax banaanida qaranimada Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxa inagu soo fool leh labaatan sano guuradii markii aynu la soo noqonay madaxbanaanideena mudadaasi aynu soo halgamaynay dadweynaha Somaliland dedaal faro badan ayay ka geysteen gudo iyo dibadba inay xaqiijiyaan rabitaankooda maanta waxaynu doonaynaa inay ina ictiraafto gudo iyo dibadba waxa loo baahan yahay inaynu dareenkeena ugu muujino caalamka si farshaxannimo leh inaynu u dhan nahay.waxaan ummadda reer Somaliland u rajaynayaa guul iyo inuu dagaalkaasi noqdo mid laga wada qeyb qaato.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *