Hargeysa(ANN)Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee Somaliland, ayaa u qaybisay hay’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan sharci xukuumaddu ku maamuli doonto iyo nidaamka wada-shaqayneed u dhexayn doona. Xaflad lagu qabtay shalay huteelka Maansoor ee magaalada
Hargeysa oo ay ka qaybgaleen masuuliyiinta Wasaaradda iyo wakiilo ka socday  in ka badan sagaashan hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee dalka ka hawlgala, ayaa loogu qaybiyey xeerka hay’adaha samafalka oo hore uu u ansixiyey Golaha Wakiillada Somaliland.
Xeerkan ayaa qeexaya nidaamka ay u wada shaqaynayaan dawladda iyo hay’addaha, isla markaana tilmaamaya awoodaha u bannaan hay’addaha, waxa kale oo uu oggolaanayaa in dawladdu la socoto hannaanka hay’adduhu mashaariicda u soo qaataan iyo weliba sida ay u fulinayaan marka ay doonayaan inay dalka keenaan mashruuc. 
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire oo kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay in dawladdu si gaar ah ay ula socon doonto maashriicda horumarineed ee ay hay’adaha caalamig ah ka fuliyeen deegaanada Somaliland si loo ogaado nooca mashruuca iyo faa’iidada uu u leeyahay dhulka laga fulinayo, isagoo carrabka ku adkeeyey inay si qoto dheer ula socon doonaan sida loo kharashgaraynayo mashaariicda.
“Ujeeddadu ahayd in hay’adaha loo soo bandhigo xeerkan oo qeexaya siday isku diwaan galinayaan, waxyaalaha ay qabtaan iyo warbixinadooda,” ayuu yidhi Dr. Sacad oo ka hadlayey sababta xafladda loo qabtay.
Wasiirka oo faahfaahinayey qaabka ay dawladda iyo hay’aduhu u wada shaqaynayaan, waxa uu yidhi, “Run ahaantii hay’aduhu inooma keenaan lacag lakiin waxa ay keenaan agab iyo qalab, waxaanay noo soo gudbinayaan ka hor inta aanay mashruuca bilaabin warbixin dhan waxa ay qabanayaan lacagta ama kharashka ku baxayaa inta uu dhan yahay iyo muddada. Marka taas aanu helno ee aanu ka aqbalno waxaanu annagu leenahay ku dabagalka oo kaliya iyaguna hawsha ayey fulinayaan marka ay dhammeeyaana waa inay keenaan xisaab-celin.”
Waxa kale oo Dr. Sacad sheegay in xeerku tilmaan ka bixinayo meelaha hay’aduhu mashaariicda ka raadsan karaan, “Hay’aduhu lacag kama raadin karaan hay’ada fuliyayaasha ah ee waddanka jooga laakiin way u furantahay inay ka raadiyaan Hay’adaha deeq bixiyayaasha ah”
Dr.  Sacad waxa uu sheegay in ay dalka ku sugan yihiin hay’addo tiro badan, kuwaas oo intii hore uga  shaqaynaysay ahayd 90 Hay’addood  iyo weliba 80 cusub oo kale.
Hay’addaha caalamiga ah ee ku sugan Somaliland ayaa qaarkood  walaac ka muujiyeen xeerkaa, iyagoo ku ku tilmamay  inuu yahay mid  dabraya  hawlahooda shaqo oo aanay u madaxbannaanaanayn. Sidaa awgeed loo baahanyahay in wax laga bedelo xeerkaa ka hor inta aan la meel marin.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *