Hargeysa(ANN)Guddidii Madaxweynuha Somaliland  u saaray Tallo bixinta iyo daraasada la xidhiidha furista ururada siyaasada ayaa maanta sheegay inay dib u dhigeen in la shaaciyo natiijaddii macluumaadkii ay kasoo ururiyeen gobolada dalka. Guddidu waxay sheegeen
in kulan wada tashi ah oo ay maanta la yeesheen madaxweynaha Somaliland uu usoo jeediyay in dib loo dhigo ku dhawaaqida natiijada illaa la gaadhayo 18-ka May  wixii ka danbeeya.
Sidaana waxa sxafaada u sheegay Guddoomiyaha Guddida Tallo bixinta Saleebaan Yuusf Cali Koorre oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Huteelka Imperial ee magaalada Hargeysa, kaas oo ku xaqiijiyay  inay soo dhamaystireen macluumaad ururintii loo xil saaray waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi,  “ Sidaad ogtihiin-ba waxaanu ku jiray hawlahayagii gabogabada shirka oo aanu soo maray lixdii gobol caasimadahoodii iyo degmada Gabiley, waxaa qasriga Madaxtooyada maanta Madaxweynuhu noogu yeedhay la tashi uu nagala tashanayo sida ugu haboon iyo wakhtiga ugu haboon ee lagu dhawaaqi kari natiijada, madaxweynuhu wuxuu noo soo jeediyay isaga oo tixgalinaya in muwaadiniinta Somaliland 18May inta la gaadhayo ku Iidaan farxad, in go’aanka guddiga dib loo dhigo. Ka guddi ahaan waanu ka aqbalay Madaxweynaha maadaama laga yaabo inay ku kala duwanaan karaan bulshadu ama saaxiibo badan oo wada socdaa ama wakhtigooda ku wada qaataa inay fikirka ku kala duwanaan karaan ayaa madaxweynuhu gartay inay saaxiibadu fikirkooda sii wada wataan inta laga gaadhayo.
“Soo Jeedintaasi Madaxweynuhu gudida usoo jeediyay anaguna waanu ka aqbalay waxaanu u aragnay tallaabo loo qaaday xagii saxda ahayd, sidaa darteed guddigu ilaa 18 May in shaqadeedii aanu yara hakinay oo bilaabi doono marka la Ciiddo ka dib,”ayuu yidhi Saleebaan Yuusuf Cali Koorre.
S:Waxaad sheegtay inaad dib u dhigteen hawshii ilaa 18May wixii ka dambeeya, kolay natiijadii ayaa la idinka sugayay inaad madaxweyanaha u gudbisaan, maxay ahayd natiijada Madaxweynaha u gudbiseen marka laga yimaado go’aanka uu isagu qaadanayo?
J: Natiijo aanu u gudbinay Madaxweynaha ma jirto, waxaanu iskugu nimid la tashi, go’aankagayuna wali waxaanu ku jiraa hawshii baanu ku jiraa, wax natiijo ah oo aanu madaxweynaha u gudbinay ma jirto ee la tashi ayaanu madaxweynaha ugu tagnay

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *