Dubai (ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa weli ku guda jira booqashada ay ku joogaan dalka isutaga Imaaraadka Carabta ayaa Shalay kulan dhawr saacadood qaatay la yeeshay Raysal Wasaare xigeenka isutaga Imaraadka Carabta, sida ay
shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen warar xog ogaal u ah safarka wefdiga Madaxweyne Siilaanyo iyo waxaana Shiikh Mansour ayaa yeeshay kulan qaatay Muddo ilaa 4 saacadood ah.Wararka u dhuun daloola kulankaa ayaa sheegaya inay labada dhinac ee Somaliland iyo Imaraadku isla qaateen waxyaabo baddan, isla markaana Xukuumadda Imaaraadku si cad u sheegtay inay diyaar u yihiin oo ay danaynayaan inay maalgashadaan Somaliland. Sidoo kale waxay balanqaadeen inay wixii caawimooyin ah diyaar ula yihiin Somaliland.
Kulanka shalay waxay labada dhinac isla qaateen sida ay xogahaasi sheegayaan in waxyaabaha lagu heshiiyay dhamaystirkooda lagu kala saxeexdo xaflad balaadhan, iyadoo la filayo in Khamiista soo socota wefdiga Madaxweynaha Somaliland kulan casuumadeed la qaataan Shiikha haysta imaarada Ras Al Khaimah sidoo kalena maalinta Jimcaha waxa loo qorsheeyay wefdiga Madaxweyne Siilaanyo casuumad ay u fidisay dawlada Dubai, halkaas oo la filayo inay ku qaabilaan masuuliyiinta Shiyuukhda ugu sareeya Imaarada Dubai.
Dhinaca kalena Wasiirada arrimaha debeda iyo ganacsiga Somaliland oo ka mid ah wefdiga Madaxweynaha Somaliland ee booqashada ku jooga Imaaraadka ayaa ka qaybgalay kulan caalami ah oo lagaga hadlayay budhcad badeeda ka qawlaysata biyaha gacanka cadmeed iyo biyaha badweynta Hindiya.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com