Nairobi(ANN) Shirka khilaafka ka abuuray dawladda ku meelgaadka ah iyo qaramada midoobay ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaas oo sida uu sheegay wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Mr. Augustine Mahiga la doonayo in lagaga hadlo arrimaha
Soomaalida, balse ay gebi ahaanba ku gacan saydhay Xukuumadda taagta daran ee Somalia oo lagu casuumay inay ka qayb galaan.Shirkaa oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo ay soo qabanqaabisay qaramada midoobay, waxa lagu tilmaamay ujeedadiisa inuu yahay mid wadatashi ku saabsan arrimaha Somalia waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha baarlamanka Somalia, Shariif Xasan Sheikh Aadan, Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Abdurahman Mohamed Farole, Madaxweynaha maamulka Galumudug, Mohamed Ahmed Alim iyo xubno ka socdey ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo uu horkacayey Sheukh Omar SHeikh Abdulkhadir. Sidoo kale waxa ka qaybgalay wakiilo ka socday beesha caalamka iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah.
Ergeyga gaarka ah ee Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Somalia, Danjire Augustine Philip Mahiga ayaa ka sheegey furitaanka shirka ujeedada shirka, isagoo ka waramey dadaalada socda ee ku aadan xal u helidda mushkiladda siyaasadeed ee ka aloosan Somalia iyo in shirkan uu yahay mid wadatashi ah oo wax la isku tusaaleynayo.
Dhinaca kale La Taliyaha Raysal wasaaraha Somalia oo ah Af-hayeenka Xukuumadda taagta daran ayaa sheegay inay shir ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ku canbaareeyeen shirka Nairobi, isla markaana waxa kaloo lagu sheegay go,aanka kasoo baxay kulanka golaha wasiirada Xukuumadda in aanay xubnaha Baarlamaanka ee uu hogaaminayo gudoomiye Shariif iyo xubnaha wasiirada ee ka qaybgalay kulanka ay qabanqaabisay qaramada midoobay haysan sharciyadii u ogolaan lahayd inay ka qaybgalaan shirkaa. Sidaa awgeed aanay marnaba ogolaanayn xukuumadda TFG wixii kasoo baxa kulankaa.
Sidaana waxa saxaafada u sheegay Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisaw oo ah Afhayeenka Xukuumadda taagta daran ee Somalia
Shirka aan weli qorshihiisa la fahmin, isla markaana qaban-qaabadiisa ay dabada ka waday Qaramada Midoobay waxa uu wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Mr. Augustine Mahiga ku sheegay mid lagu doonayo in lagaga hadlo arrimaha Soomaalida, balse ay gebi ahaanba ku gacan saydhay Xukuumadda taagta daran ee Somalia oo lagu casuumay inay ka qayb galaan. Balse Danjire Mahiga ayaa sheegey in weli Madaxweyne Shariif iyo dowladdiisa ay u furan tahay ka qeybgalka shirkaa. Laakiin masuuliyiinta taagta daran ee dawladda Somalia waxay gebi ahaanba ganafka ku dhifatay ka qaybgalka shirkaa, iyadoo xubnaha uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka ee ku qaybgalayna ku sheegay kuwo aan haysan awood sharci.
Tan iyo markii ay soo baxday qabanqaabada hindisaha shirkaa waxa muuqatay kala qaybsanaan dhinaca kooxaha Somalia iyo beesha caalamkuba ay ku kala aragti duwanaayeen qorshaha iyo ujeedada shirkaa, iyadoo kooxaha shirkaa qaadacay ku tilmaameen mid xaalad murugsan iyo khatar usii horseedi kara arrimaha ka taagan Somalia, isla markaana horseedi kara dagaalo horleh iyo kala qaybsanaan, balse Qaramada midoobay oo iyagu dabada ka waday shirka ayaa wakiilkeeda Somalia Danjire Mahiga ku tilmaamay mid wadatashi oo guulo kasoo bixi karaan.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com