Boorame (ANN) Magaaladda Borame iyo deegaanka ku hareeraysan ayaa galabta lagu doogsaday. Kadib markii uu  helay Roob shuux ah oo qaboojiyay dadka magaaladaasi iyadoo la filayo daruuraha dul taagan awgood inuu si balaadahn u da’o roobku. Sidoo kale waxa

la soo sheegaya inuu roobkaasi helay deegaanada gobolkaasi qaarkood,  isla markaana ay dul hoganayaan daruuro u eg inay cuaranayaan
Dhinaca kale deegaanka Gebilay  ayaa shalay  raxmadii ugu horeysay ee Roobka Gu’gu uu ka curtay  degaanada Kala-baydh iyo jiida u dhaxaysa Wajaale oo ay heshay Daruur aad u fiican oo ay dadka jiidaas degani aad ugu qabawsadeen.
Roobka da’ay  ayaa la sheegay inuu si fiican u biyo dhigay,  isla markaana cirku aad u buuxo oo la filayo inuu si fiican uga da’o jiido kale oo ka tirsan deegaankaas.
Magaaladda Hargeysa ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay  laga dareemayay heer kul aad u sareeya.  kadib markii ay circa soo buuxiyeen daruuro farabadan oo aad u qurux badan, kuwaas oo dhaliayay Huur xad dhaaf ah hase yeesheeaan  ilaa hada curan.
Dhinaca kale waxa todobaadkan  u danbeeyay is bedelay  jawiga  iyo muuqaalka cirka, isla markaana daruuraha teel teelka ah ee ka muuqda meelaha qaar cirku rajo iyo yididiilo geliyeen guud ahaan bulshada oo naawilaysay inay bilaabmayaan roobabkii oo laga baxayo biyo la’aanta, isla markaana abaartu jabayso, balse weli waxa sii socda  deegaamada  Somaliland xaallada biyo dhaamiska iyo Abaarta oo weli taagan, iyadoo gurmadka biyo dhaamiska ka socda dalka uu saamayn ku yeeshay ceelasha  biyaha magaalooyinka waaweyn. 

Araweelonews  Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *