Djibouti(ANN) Doorashada dalka Djibouti ayaa la filayaa in loo dareero maalinta Jimcaha ee fooda inagu soo haysa, iyadoo ay maalmihii u danbeeyay socdeen ololayaasha kaanbeynka ee u dhexeeya Madaxweynaha dalkaa Ismaaciil Cumar Geele iyo Maxamed Warsame Raage oo ah

musharax  madaxabanaan.
Waxaana la filayaa inay doorashadaa codkooda bixiyaan ilaa 150, 000(boqol iyo konton kun)  oo qof oo dadka ku dhaqan Djibouti, kuwaas ooh ore isu diiwaan geliyay. Axsaabta mucaaridka ayaa iyagu hore u qaadacay inay ka qaybgalaan tartanka, iyagoo ku eedeeyay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele in aanu doonayn in doorasho xaq oo xalaal ahi ka dhacdo dalka, balse Madaxweyne Geele ayaa eedaha mucaaridka waxba kama jiraan ka dhigay, isagoo ku tilmaamay mucaaridka kuwo fulayaal ah. Ganacsade C/raxmaan Boore oo ahaa ganacsade caan ah oo ay muda dheer saaxiba ahaayeen Madaxweyne Geele, balse sannadii u danbeeyay ay isku dhaceen ayaa hore u sheegay isagoo dalka debeda kaga maqan inuu doorashada isu taagayo oo uu xisbiyada mucaaridka, ama musharax madaxbanaan noqonayo. Laakiin Mr. ayaa dib u fadhiistay, iyadoo ay hogaamiyayaasha mucaaridkuna diideen inay ka qaybgalaan tartanka.
Hase yeeshee Musharaxa Madaxa banaan oo markii hore lagu tilmaamamay inuu yahay Nin ciyaarta u qurxinaya Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa hada u muuqda nin ay ka dhab tahay inuu guulaysto, isla markaana kooxaha mucaaridka ee ka faagtay tartanka  ayaa shacbiga ugu baaqay inay codkooda siiyaan musharaxa madaxa banaan. Maxamed Warsame Raage  oo isagu ah ninka keligii la tartamaya madaxweynaha Djibouti ayaa ka qayliyay dadka ka tegey deegaanada Somaliland, wuxuuna sheegay in aanu kala garanayn in codbixinta doorashada Djibouti ka dhacayso dalka iyo inay ka dhacayso Hargeysa
Musharaxa madaxabanaan ee Djibouti Maxamed Warsame Raage wuxuu ku dhaleecayay Xukuumadda Somaliland inay fara gelin ku hayso doorashada, isagoo dhinaca kalena sheegay inuu isagu haddii uu ku guulaysto doorashada somaliland aqoonsanayo, balse aan loo baahnayn inay masuuliyiinta labada xukuumaddood colaad ka dhex abuuraan shacbiga walalaaha ah.

Si kastaba ha ahaatee waxa maalinta Jimcaha ee Birito la filayaa in dad lagu qiyaasay 150,000 oo dadka Djibouti u dareeraan cod bixintaa, taas oo xamaasadeedu soo kululaanaysay maalmihii ugu danbeeyay kaanbeynka, isla markaana waxay mucaaridku rumaysan yihiin in aan marnaba laga guulaysanayn Madaxweyne Geele oo uu ku shubanayo doorashada, balse waxa la saadaalinayaa inay natiijada doorashada Djibouti noqoto mid ka duwan kuwii hore, isla markaana waxa laga cabsi qabaa inay cid kasta oo guulaysta natiijada doorashadaasi noqoto mid  xaalada wax weyn ka bededha, iyadoo laga cabsi qabo haddii ayba dhacdo inay tirada codadku isku dhowadaan ay arrimahu faraha ka baxaan, maadaama mucaaridka doorashada qaadacay ee rumaysan in loo awood sheegtay dadka ugu baaqeen inay codkooda siiyaan musharaxaa madaxbanaan, taas oo abuuratay dareen iyo xamaasad aan hore u jirin oo saamayn ku yeelan karta natiijada cod bixinta.  
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *